HORUMARKA GALMUDUG IYO KHATARTA KHILAAFKA SIYAASADEED. Dr.Cumar Salaad Cilmi

Sept,10,2009 www.Hobyoradio.com

HORUMARKA GALMUDUG IYO KHATARTA KHILAAFKA SIYAASADEED. Dr.Cumar Salaad Cilmi

1. Xaaladdii Jirtey Dhismaha Galmudug ka Hor

Min 1990 ilaa 2006 dadka iyo dhulka maanta lagu magacaabo Galmudug wuxuu ahaa mid ku sugan xaalad ba’an ee burbur, barakac, fawdo, darxumo iyo dib-u-dhac weyn  oo ka dhashay dagaalada sokeeye. Taas waxaa u dheeraa ayadoo dadkii hantida iyo aqoonta lahaa ee dhashay gobolka ay ka haajireen si weynna u hagradeen inay dib u xasuustaan ama wax u qataan. Tan kale mudadaas ma jirin gargaar bini-aadam ee gobolku ka helay waayo beesha caalamaku waxay ku qiimaysay darajada la yiraahdo ‘Zone 5’ taasoo macnaheedu yahay in degaankaani ahaa mid khatar iyo lama galaan ah ayadoo sababta ugu weyni ahayd maamul la’aantii iyo fawdadii halkaas ka jirtay. Sidaas awgeed, waxaa degaanku ku sugnaa darxumo iyo dib-u-dhac weyn mana jirin wax adeegyo bulshadeed macno leh sida wax-barashada, caafimmadka, biyaha iyo nabadgelyada ama dhaqaale iyo gargaar bini-aadamnimo ee laga qabtay mudadas.

1.2  Dhismihii Galmudug ee 2006

Nasiib-wanaag, doodo iyo is-guubaabin sannado socday kadib, dadka degaankan u dhashay, meel ay joogaanba, waxay go’aansadeen in wax ka bedelaan xaaladdaas darxumada iyo dib-u-dhaca lahayd ee dadka yo degaanku ku jireen. Fakraddaas waxaa curiyey oo hoggaaminayeen qurba-joogga dhulkan u dhashay ee ku nool Yurubta Galbeed iyo Waqooyi, Maraykanka iyo Kanada, waxay ku bilaabatay degaanka in laga aasaaso mashssriic adeegyo bulsho sida waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha. Ayagoo la kaashanya odayaasha, culumaa-u-diinka iyo waxgaradka dhulka ku nool. Tallaabadii xigtay ee qurba-jooggu qaaday waxay ahayd Dhismihii Dawlad Goboleedka Galmudug (DGG) ee 2006.

2. Horumarka Galmudug Gaaray

Mudadii saddexda sano ahayd ee DGG jirtey dadka iyo degaanku waxay gaareen horumar weyn marka la barbar dhigo mudadii 16ka sano ahayd ee ka horreysay. Horumarkaas la gaaray oolabo nooc ahaa waxaa lagu dhudhumin karaa ama lagu cabbiri karaa tusaalooyinka soo socda.

 

2.1 Dadka Galmudug Dega oo Helay Maamul iyo Aqoonsi u Gaar ah

Dhismihii maamulkaas wuxuu u faa’iideeyey in shacbiga helay maamul u gaar ah iyo aqoonsi (identity) oo ay ku hirtaan iyo hoggaan ay hoostiisa ku midoobaan kaaso u bedelay jijib jilibkii qabiilka ee ay ku kala abtirsanayeen.

Maamulkaas iyo aqoonsigaasi waxay ku abuureen in dadka degaanka iyo kuwa ka soo jeeday (dalka gudihiisa iyo dibaddisa meel ay joogaanba) niyad iyo hididiilo weyn iyo tartamaan ay kaga qaybgalayaan mashaariicda adeegyada bulshada iyo maaligalin hanti dhaqaaleed ee gaar sida dhismo shirkado iyo dhaqdhaaqo kala gedisan ee ganacsi iyo dhismo guryo iyo hoteello casri ah.

2.2.2 Waxbarashada

Tirakoob Dugsiyada Galmudug 2008-2009 - tirakoobkan waxaan ka soo xigtay Shuuke Xoogolof-Madaxa SOSDA/Daryeel Galmudug

Magaca

Dugsiga

Meesha

Cidda

Maamusha

Gabdhaha

Ardada

Wiilaha

Ardada

Isugu

geyn

Tirada

fasallada

Tirada

Bareyaash  a

1

Elguula H/Dh

Elguula

SOSDA &

Daryeel

 

169*

 

111

 

280

 

   8

 

7

2

Budbud    H  /Dh

Budbud

Qurbajooga

 74

106

180

   5

4

3

Docol H/Dh``

Docol

SOSDA &

Daryeel

 

 68

 

102

 

170

 

   5

 

3

4

Al-Beder H/Dh

Gaalkacyo

Beesha

163*

126

280

   8

6

5

Wadajir H/Dh

Gaalkacyo

Danyar

 94

98

192

   5

    4

6

Galbarwaaqo

H/Dh

 

Galbarwaaqo

 

Qurbajooga

 

 77

 

119

 

196

 

    6

 

   3

7

Xingod H/Dh

Xinqod

Qurbajooga

 67

 98

165

    5

   4

8

Celdibir H/Dh

Celdibir

Beesha

 67

150

220

    6

   5

9

Abdullahi Isse

H/Dh

Gaalkacyo

SOSDA &

Daryeel

 

235*

 

195

 

430

 

   11

 

   9

10

Wisil H/Dh

Wisil

SOSDA &

Daryeel

 

 87

 

193

 

280

 

    8

 

   5

11

Galinsor H/Dh

Galinsor

Qurbajooga

 90

140

230

    5

   5

12

Hobyo H/Dh

Hobyo

SOSDA

156*

114

270

    8

   6

13

Xero-Dhagax-

Ley H/Dh

Xero-Dha-

gaxley

SOSDA &

Daryeel

 

107*

 

  73

 

180

 

    5

 

   4

14

Midnimo H/Dh

Gaalkacyo

Ururka

Haweenka

 

220

 

    0

 

220

 

    6

 

   5

15

Bandiradley

H/Dh

 

Bandiradley

 

Qurbajooga

 

 66

 

114

 

180

 

    5

 

   4

16

Gawaan H/Dh

Gawaan

Danyar

 44

191

235

    7

   6

17

Waabari H/Dh

Gaalkacyo

Beesha

 36

124

160

    4

   4

18

Jaamac Seed

Gaalkacyo

Beesha

 91

129

220

    6

   7

19

Calanley

Gaalkacyo

Beesha

 45

105

150

    4

   5

20

A-Shacab

H/Dh/Sare

 

Gaalkacyo

 

Himilo

 

108

 

244

 

352

 

    5

 

   4

21

SYL D/Sare

Gaalkacyo

Beesha

  55

166

221

    5

   7

22

Mudug D/Sare

Gaalkacyo

Beesha

  41

123

164

    5

   6

 

 

 

Isugeyn

Guud

 

2,066

 

2,821

 

4,887

 

132

 

113

Faallo Shaxda: wax lagu farxo waxaa ah oo fiiro gaar mudan in dugsiyada qaar ka mid in tirada gabadha ardada ahi ay ka badan yihiin tirada wiilasha. Eeg tirooyinka gabdhaha dugsiyada Celguula, Al-beder, Cabdullahi Ciise, Xero-Dhagaxley, iyo Hobyo ee aan saaray astaanta*. Waa calaamad wanaagsan muujinaysa hididiilo iyo horumar. Waxaa jirta xaqiiqo iyo waayo-aragnimo in dalalka soo koraya kuwa gabdho badani wax barteen in koritaanka dhaqaalahooda iyo caafimaadkooda oo ka xawli badan yihiin kuwa aan gabdhahood wax barin. Sidaas bay ku hirgashay murtida tiraahda haddii wiil wax la baro qof kaliya ayaa wax la baray, haddiise gabadh wax la baro qoys dhan baa wax la baray. Horumarkan waxbarashada 95% la gaaray saddexdii sano ee ugu dambeeyey Galmudug dhisnayd. Sannadkii 2006 waxaa jiray 7 dugsi hoose (oo badankood qurbajooggu dhisay) oo isugu geyn ardada dhigataan ahaayeen 700 maanta D/Hoose/dhexe waa 19 ardaada dhigataana waxay kor u dhaafeen 4,000. Dugsiyo sare ma jirin maanta waxaa jira 3 dugsi sare oo boqolaal arday dhigtaan.

2.2.3 Baahida Dhinaca Baxbarashada weli ka jirta

Inkastoo horumarkaas ballaaran laga gaaray dhinaca waxbarashada hoose/dhexe/sare hadda fari kama qodna oo waxaa jira baahiyo badan oo dhinaca tacliinta. 1) waxaa jira tobanaal kun oo carruur oo aan wali ku sugna jahli una  bahaan in wax-barashada la gaarsiiyo; 2) tirada iyo tababarka bareyaasha iyo tayada waxbarashada hoose/dhexe/sare oo hoosaysa oo baahan in la kordhiyo, 3) dugsiyada oo aan lahayn manhaj tacliimeed oo mideysan iyo iskaashi wanaagsan, iyo 4) ayadoo uusan jirin hindise ama qorshe dhisme jaamacaddi ay gali lahaayeen ardada ka soo baxda dugsiyada sare.

2.2.4 koritaanka dhaqaalaha Dhaqqalaha  

iyo Adeegyada kale ee bulshada

 

Dugsiga A-Shacab ee H/Dh/Sare ee Galkacyo Galmudug 2009

Dugsiga H/dh/Sare ee A-Shaacab Galkacyo                     Dr. Cabdullahi Xaxan Cilim –James   

Xafladdii Fuitaanka Sannadka 2009-20010 ee dugsiga H/Dh-Sare ee a-Shacab ee Gaalkacyo ee dhismihiisa ay iska kaashadeen reer

Galmudug iyo qurbajoogga waxaa goobjoog ka ahaa ahaa ardada, waalidiinta, marti-sharaf maagalada (sawirka dhexe bidixda laga bilaabo waa Maxamed Cali gurey, Cumar Suri, Cabdulqadir M. Shirwac, Cali Tahliil Xasan fanax, Cumar Salaad Cilmi, Dr. Cabdullahi Xasan James, marka laga reebo ninka dhexda taagan oo sii jeeda)

 

Dugsiga Mudug ee H/Dh/Sare ee Gaalkacyo Galmudug 2009

Mamule Cossoble -Dugsiga Mudug   Galkacyo Galmudug 2009  Dugsiga Mudug Galkacyo Galmudug 2009  

 

 
   

  Dugsiga Sare ee Mudug Galkacyo                      Dusiga Hoose/Dhexe ee Jaamac Seed        Dugsiga Sare ee Mudug Galkacyo  

                Galmudug 2009                                                            Galkacyo Galmudug 2009                                          Galmudug 2009      

Dugsiga H/Dh/Sare SYL ee Galkacyo Galmudug 2009

Sheekh Muxuyadin Yuusuf Barreoo ka hadlaya furitaanka      Cumar Salaad Cilmi oo ka hadlaya furitaanka

Dugsiga h/dh sare ee SYL (Sh. Muxiyadiin    Dugsiga Sare SYL Galkacyo                     Cumar Salaad Cilmi oo ka hadlaya furitaanka

Muxuyadin Yuusuf Barreoo ka hadlaya furitaanka         Galmudug 2009                                           Saanadka ee  Dugsiga SYL Gaalkayo 2009

2009 Muxuyadin Yusuf Barre hoggaamiyaha Dusiga

oo ka hadlaya

Dugsiga Sare ee SYl Galkacyo Galmudug 2009

 

Dusiga h/dh/Srae ee Ceelguula Galmudug 2009

Cumar Suuri shahaado guddoonsiiya arday                          Cabdulqadir M. oo shaahado bixinaya Dugsig h/dhexe 

 

Dusgiga H/Dh/Sare ee CeelGuula ayado maamule                 ee Celguula ayadoo uu goobjoog ka yahay maamulaha

C. Mxamed Ereg goobjoog yahay  Galmudug 2009              dugsiga C. X.M. Ereg gamudug 2006

 

Ururka Haweenka Galkacyo Galmudug 2009

Tababar Haydda CRD oo ay matalaysay                 Cumar Salaad Cilmi hambayeynaya           Masuuliyiin iyo qurbajoogga ee tababarka

Maryan Cabdi u qabanqaabisay                                gabadh baraanbur waddani ka ka              haweenka goobjoogga ahaa (midigta Dr.

Uruka Haweenka Galkacyo Galmudug 2009           tababarka hawenka Galkacyo                     Cabdullahi Xasan –James, Xasan M. Hayl,

Galmudug 2009                                 Xasan Xirsi Kaarshe, Gaashanle Nur Qayd)

                                                                                                                   Galkacyo Galmudug 2009         

Cabdulqadir M. Shirwac oo ka hadlayaXiritaanka

tababarka Haweenka galkacyo Galmudug 2009

 

 

Koritaanka Magaalada Galkacyo

Dhismaha magaalada Gaalkacyo (dhinaca koonfurta) oo u koray si ballaaran oo lagau tilmaami karo saddex jibaar saddexdii sano ee ugu dambaysay. Guryo caadi ah, iyo fiilooyin (villas) iyo hoteello badan oo casri ah ayaa laga dhisay magaalada oo dhismayahsani tusaale u yihiin.

Hoteel Embassy –Gaalkacyo Galmudug

Hoteel Geedi –Gaalkacyo Galmudug

Hotel Abdi Nuur –Gaalkacyo Galmudug

Hotel Makka – Gaalkacyo Galmudug     

                        

Kobcidda Ganacsiga iyo Dhaqaalaha

Sidoo kale waxaa kobcay ganacsiga iyo dhaqaalaha guud ahaan degaanka Galmudug gaar ahaanna koonfurta magaalada Gaalkacyo caasimadda Galmudug. Taasina waxaa u daliil dhaqdhaqaaq ganacsi kordhay iyo shirkado iyo xarumo ganacsi oo badan oo ka higaliyey degaanka kuwaasoo u abuuray dad badan shaqooyin iyo daqli aysan horay u haysan. 

Horumarka Adeegyada Caafimaadka

Dhinaca caafimaadka waxa laga hirgalyey Magaalada Gaalkacyo dhinaca Galmudug: 1) Isbitaal ay wadajir u dhiseen Qurbajoogga  toban sano ka hor kadibna hayadda MSF ballaarisay oo heerkiisa gaarsiisay Referal Hospital kaasoo leh 200 sariirood,  taakhaatir dhawr ah oo takhasusyo kale duwan leh iyo boqol iyo todobaatan kalkaaliyeyaal iyo shaqaale ka shaqeeyaan; 2) isbitaal oo gaar ah; 3) 9 MCHs and OPDs oo laga hirgaliyey magaalo madaxda Gaalkacyo  iyo degmooyinka kale ee Galmudug  kuwaas dhismahooda iyo socodsiintooda ay iska kaashadeen dadka degaanka, qurbajoogga iyo hayado caalami ah.

Mashruuc Biyo-Galinta Magaalada Gaalkacyo

Waxaa kaloo Galmudug laga hirgaliyey mashruuc qooditaan ceel badan miyiga la qoday oo qurbajoogga iyo hayado wddani iyo kuwo caalami ah ay ka qayb qaateen, iyo biyo-galin magaalada Gaalkacyo dhinaca Galmudug haqabtirtay taaso uu fulyey nin ganacsade ah oo aad isugu xilqaama inay kaalin libaax ka qaato u-adeegga guud  ee bulshada ninkaas oo lagu magacaabo Cabdul Jaamac Dharas.

3.3 Radio Mudug iyo Dhallinyarada Suxufiinta ah

Waxaa ammaan iyo mahadcelin mudan Radio Mudug iyo dhallinyarad suxufinta ah ee ka shaqaysa, wiilal iyo gabdhaba. Mududii aan joogay Gaalkacyo waxaan dhageysan jiray raadiyayaal badan ku shaqeeya mawjadda FM laga dhageysto nawaahigaas. Radio Mudug wuxuu ka mid ahaa kuwa yar oo ugu barnaamijyo wanaagsan dhinaca soo gudbinta wararka gobolka, kuwa Soomaaliya iyo adddunka iyo marka laga eego dhinacyada tayada iyo isku miisaannaanta.

Wararka ka sokow, waxaan kaloo aad ugu bogay ku ammaanayaa dhallinyarada sufuxiinta ah barnaamijyada wax-barashada iyo wacygi-galinta dadweynahaa sida:

b) barnaamijka nabadda iyo bir-ma-geydada oo si wanaagsan had iyo jeer loo soo bandhigo,

t) barrnaamijka taariikhda iyo halaagga dagaaladii adduunka ka dhacay oo kuwii Soomaaliya ku jiraan, iyo sida loo dhawr xaquuqda biniaadamka, iyo jawrfalada la sameeyyey;

j) barnaamikja wax-barashada;

x) barnaamijka doodaya iyo rayi bixinta,

kh) barnaamijka dhacdooyinka markaas taagan iyo dodo la xiriira, iyo

d) marnaamijyada qoyska iyo qisooyinka jacaylka,

r) soo-gudbinta idaacayadaha Af-Soomaaliga ee BBC iyo VOA ee

s) iyo kuwa kaleba.

Mudug, oo sannadguuraddiisii 2aad loo dabaalgegay markii aan joogay Gaalkacyo (Julay 2009) waa rukun weyn oo ka mid horumarka Galmudug gaaray gaar ahaan dhinacayda wacyigalinta wanaagsan iyo kordhinta aqoonta, xogsiinta,  iyo ku-barbaarinta  dhaqan nabadeed dadweynaha gaar ahaan dhallinyarada. Hambalyo Suxufiyiinta Radio Mudug. Halkaas ka wada.

Waxaan kaloo u jeedinayaa ammaan iyo mahadnaq Cabdulqaadir Qalabxoor asagu aasaasay kuna masuul ah taageeridda Radiyaha.

Hayadaha Gargaarka ee Caalamiga

 Dhismaha Galmudug ka hor, marka laga reebo dhawr hayado oo Soomali ah, waxaa joogay oo degaanka ka shaqaynayey hayadaha ICRC iyo MF Holland laakiin mudadaas kadib waxaa ku soo biray dhawr hayadood oo caalami ah sida DRC, CISP,  IRC,  and WFP kuwaas adeeegyo gargaar bini-aadam iyo mashaariic horumarin oo kooban (matalan qoditaan ceelal) u fidiya bulshada Galmudug ku nool.

Is-xilqaan iyo Maalgalin gaar ee Shacbigu Hirgaliyey

Horumarka kor ku xusan ee Galmudug ka gaartay dhinacyada adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha  ma ahan mid Dawlad Goboleedka Galmudug samaysay ee waa mid ku yimid is-xilqaan iyo maalgalin dadka  Galmudug ee gudaha iyo dibaddu ay hirgaliyeen, gaar qurbajoogga ku nool Yurub, Ameerika iyo Kanada kuwaas qayb libaax ka qaatay maalgalinta wax-barashada, ceel biyood oo badan oo miyiga iyo tuulooyinka laga qoday, iyo dhismaha Magaaloyinka. Hayeeshee, dhismaha Dawlad Goboleedka Galmudug wuxuu u taray ka mid ahaa bulshada oo heshay aqoonsi gaar oo ay ku soo hirato iyo dhiiri-galin inay dhulkooda wax u qabtaan waxna ka qabsadaan.

Adeegyada Dhaqaalaha iyo Bulshada ee

Maalgalinta iyo wax-qabadka u Baahan

In kasta oo dadka iyo degaanka gaareen horumarkaas, weli waxa dhiman oo waxba laga qaban kaabayaasha dhqaalaha sida:

b) kaabayaasha dhaqaalaha ee u baahnaa qorshe iyo dayactirka iyo hawlgalnta Dekedda Hobyo, waddooyinka, iyo garoomada dayuuradaha,

t) degmeynta ama cayimidda degmooyin tiro go’aan oo hoos yimaada labada gobol, iyo

j) dib-u-eeggida Axdiga Galmudug, samaynta sharciyo kala ee hayadaha maamulka sida ( sharci hoosaadka wasaradaha, sharciga Rugta ganasciga iyo maalgalinta, sharciga Dawladaha Hoose, sharciga canshuuraha, canshuuraha bariga iyo dekedaha, sharciga maamulka dekadaha, sharciga hayadaha sama-falka, i.w.m.)

Waa run oo hawlaha qabyada ah qaarkood maalgalin bay u baahan yihiin laakin qaarkood maamulku waa qaban karay haddii uu is-xilqaamo ( sida saxitaanka Axdiga, iyo dejinta sharciyada kala duwan, iyo cayimidda degooyinka). Arrintu si kastaba ha ku dhacdee, waxaa loo baahan yahay in bulshada ku xiran DGG, gudaha iyo dibadda, inay isu-kaashadaan oo wax ka qabtaan mashaariicdaas miihimka iyo lama huraanka u ah horumarka dhaqaalaha, bulshada, iyo siyaasadda.

Xaaladda Nabadgelyada Galmudug

Saddexdii sano ee uu jirey maamulka DGG wuxu ku guuldarraystay inuu dhiso ciidan nabadgelyo oo nidaamsan iyo inuu uruuriyo canshuurtii lagu fulin lahaa hawlaha adeegyada bulshada iyo horumainta guud. Sidaas darteed, muddo lix bilood laga joogo ayaa Culumaa-u-diinka Ahlu Sunna wal Jamaaca la wareegeen masuuliyaddii gacan-ku-haynta nabadgelyada DGG si wanaagsan bayna ugu guuleystay ilaalinta nabadda iyo xasiloonida gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo dhinac Galmudug. Waqtigana la joogo nabadgelyada aad bay uu wanaaagsan tahay. Hayeeshee, waa in la ogaadaa in masuuliyadda nabadgelyada ee Culumaa-u-diinku gacanta ku hayaan inay tahay mid  dawladeed ee ay ku-meel-gaar ah u hayaan. Sidaas daraadeed, waxaa lagama maarmaan ah in bulshada DGG meel ay joogaanba (gudo iyo dibad) u tabaabushaytaan inay gacan xoog leh ka geystaan dhismaha ciidan nabadgelyo ee rasmi ah oo u adeega nabadgelyada iyo kala-dambaynta oo hoos yimaada maamulka DGG. Haddii kale ma dhacayso in mamulku noqdo mid shaqeeya, qaada canshuur, fuliya mashaaric, kadina bulshada u hoggaamiya hormar iyo xasilooni sugan.

3. Khilaafka Siyaasadeed

Waxaan ka mid ahaa Guddi Dhexdhxaadin oo 6 xubnood ah (5 qurbajoog ah: 3 ka timid Ingiriiska, 2  Kanada iyo 1 Moqdisho ka yimid) oo ayagu isku xilqaamay inay ku taageeraan maamulka iyo bulshada Galmudug xal u helaan khilaaf siyaasadeed oo bilawday bishii April 2009 oo ka dhexeeyey Madaxweynaha oo dhinac ah iyo Golaha Wakiilada oo Guddomiyahoodu hoggaaminayo oo dhinaca kale ah. Khilaafkaasi wuxuu ugu dambayntii ku fiday oo kala qaybiyey bulshada ku nool Galmudug, gudaha iyo dibadda. Guddigayadii Dhexdhexaadintu waxay ku dadaaleen inay ogaadaan arrinta la isku khilaafay iyo sidii ay isugu keeni lahaayeen labada dhinac oo uga wada-xaajoodaan lahaayeen arrimaha ay ku muransan yihiin kadiba la ogaado dhinaca gardaran iyo kan garta leh si xal loogu helo khilaafka. Laakiin nasiib-darro way suurgali weyday in labada dhinac isi soo hor-fariistan oo wada-hadlaan, natiijadiina waxay noqotay in halkaas ay ka soo baxaan labo madaxweyne iyo labo maamul oo mid waliba sheeganayo inuu masuul ka yahay Galmudug (eeg labadii Warbixinood ee Guddigu ee taariikhdoodu kala ahayd 11/7/2009 iyo 20/8/2009). Warbixinahaas ka sokow, aniga waxay ila tahay in fashalkaas iyo foolxumadaas ay sabab u ahaayeen arrimahan soo socda:

b) Dhaqankii dulqaadka, wada-xaajoodka iyo caqliga saliimka aah oo wiiqmay oo ay ka sara mareen cuqdad iyo caadifac xambaarsan jacayl iyo nacayb, iyo damac indho iyo dhago-la’ oo madaxdii iyo bulshada Galmudug  seejiyey inay xeeriyaan dhawritaanka iyo u adeegga danta guud ee dadka iyo dhulka. Waxaad moodaa in dabaysshii asmadii talo-seegga, caqli-guurka, is-maandhaafka, iyo isu-tanasul la’aanta gobollada koonfure ka dhaxleen dagaalka sokeeye ee lagu hoobtay, barakaca iyo burburka socday 20ka sano, ay soo gaartay degaanka Galmudug. Allaahu mina najeynaa. Xaaladdaasina waxay dhalisay in laga waayo bulshada ku nool Galmudug qof ama koox dhexdhexaad iyo marjac lagu noqdo oo xal iyo talo la weydiiyo. Guluf iyo safayn aan wada-xaajoon karin mooyee.

t) dadka ku abtirsada Galmudug oo ku nool dalka gudihiisa (gaar ahaan Muqdisho) iyo dalka dibaddisa oo ayaguna sidoo kale u kala saftay labo dhinac oo kala taageeraya labada dhinacyada siyaasadded ee khilaafku dhexeyiil ayadoo qolo waliba ku boorinaysay dhinaca ay la jirto inuu gaashaaka ku dhifto midka kale oo uusan ogolaan wax waanwaan ah;

j) waxaa taas ka darnayd ayadoo odayaashii dhaqanka iyo culumaa-u-diinkii bulshada dhaqanka madaxda iyo marjaca soo-jireenka ah oo ayaguna ku milmeen lan kala safteen dhinacyada siyaasadda ku loolamaya, kadibna la waayo oday ama sheikh noqda dhexdhexaad iyo marjac.

 x) faragalin iyo dhiiri-galin ka baxsan xudduudka Galmudug oo saamayn ku lahaa dhinacyada is-hayey oo dhiirigalinaya inaan wax wada-hadal iyo garnaqsi ahi dhicin.

3.1 Dhexdhexaadimada iyo dadaalka Guddiga

      Haweenka Gaalkacyo Galmudug

Wax dhexdhexaadnimo muujiyey oo ka xumaa khilaafka siyaasadeed iyo kala jabka ku dhacay maamulka, waxaa ka jirey Guddiga Haweenka Galmudug oo ay hoggaamiso Xabiibo Koonfurow. Ayadoo aad uga xun khilaafka si weynna uga walwalsan aayiinka dadka iyo degaanka Galmudug, waxay aad ugu dadaaleen inay la kulmaan dhinacyada is-haya aygoo ku muusnaabay, ka codsaady in ay kooxaha siyaasadeed isku yimaadaan, ka wada-hadlaan khilaafka kadibna ay xal iyo hesshiis gaaaraan. Hase ahaatee calaalkoodii iyo guubaadoodu cidi dhag jalaqsiin uma siin.

3.2 Dhallinyarada Gaalkacyo Galmudug

Sidoo kale waxaa ka muuqday in dhallinyarada Gaalkacyo Galmudug ay waalwal iyo saluug weyn ayey ka muujiyeen khilaafka siyaasadeed iyo labada maamul oo is-barbar socda kuwaasoo ay u arkayeen inay mustaqbalkooda dhib u keenayaan. Laakiin ma jirin hab iyo madal dhallinyaradu ku soo bandhigi karayeen codkooda iyo talada.

‘Haddii aanad aniga ila safnayn dhinaca kale ayaad la jirta.’

Maadaama aysan jirin siyaasyiinta, odayaasha, culumaa-u-diinka iyo dadka intiisa badan qof ama koox dhexdhexaad ah (marka haweenka iyo dhallinyarada qaarkood iyo ardada laga reebo waxay la yaabanaayeen xubnaha Guddiga Dhexdhexdhexaadinta oo ku sheegaynayey inay yihiin dhexdhexaad. Waayo dadka reer Galmudug (sida ka jirta Soomaaliya sida badan) waxay naga filayeen inaan raacno dhinacan ama dhinacaas. Dhinacyada is-haya quddhoodu mid waliba wuxuu kaa filaanayaa inaad asaga taageertid, haddii aadan sidaas yeelinna wuxuu durbadii isku qancinaayaa inaad la safantahay dhinaca kale, ama wuxuu si ula-kac ah kaaga fidinayaa dicaayad inaad dhinaca kale la jirtid.  Waayo caado uma aha, mana rumaysan karaan in qof ama koox ay dhexdhexaad noqon karaan, waxayna moodayaan inaad u fakartid sida ayagu u fakaraan ama mawqifka u qaataan..

Arrintu si kastaba ha ku dhacdee, waxaa hubaal in haddii aan xal loo helin khilaafka siyaasadeed ee taagan uu khatar ku noqon karo inuu hakiyo ama burburiyo horumarka ballaaran ee degaanka Galmudug gaartay. Xalkuna wuxuu ka imaan karaa oo kaliya in dadka u dhashay Galmudug (gudo iyo dibadba) ay meel iska dhigaan cuqdadaha iyo caadifadaha qabiilka, jacaylka iyo nacaybka, dulqaad iyo iisu-tanasul la’aanta, damaca siyaasadeed ee danaysiga gaar ama kooxeed ku dhisan, iyo afkaarta dariiqooyinka dineed, ayagoo hormarinaya danta iyo aayatiinka bulshada ee bulshada Galmudug iyo Soomaaliya guud ahaan. Isla markaasna ay geesino iyo daacadnimo u yeeshaan inay dib ugu noqdaan miyirkii, caqligii wanaagsaanaa, dulqaadka iyo isu-taanasulka, dhaqankii wada-xaajoodka iyo garnaqsiga,  runta iyo caddaaladda.  Haddii kale reer Galmudug waa ay ogaadaan inay ayagu baab’inayaan dantoodii iyo aayatiinkoodii guud.

Wafdigii Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashid iyo

Boqoshadii iyo la-kulankii Dhinacyada Galmudug 

Kadib markii Guddigu Dhexdhexaadintu ka quustay inuu wada-hadal isugu keeno dhinacyada Galmudug ee khilaafku dhexyiil, waxaa markii taariikhdu ahayd 20-22/8/2009  soo dhexgalay wafdi Dawladda Fedeeraliga KMG ah oo uu hoggaaminayo Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke oo wehliyey Mudane Prof. Sheikh Ibraaahim Xasan Caddow, Wasiirka Tacliinta Sare iyo Hidaha Dhaqanka, oo booqasho ku yimid Galmudug asago kulamo kala duwan la yeeshay dhinacyada Maamulka Galmudug ee is-khilaafsan kana  dhageystey warbixino iyo talooyin la xiriira sida dhinac kastaa u arko in khilaafka lagu xallin. Wafdigu wuxuu u jeediyeen masuulinta kala gedisan ee ay la kulmeen tusaalooyin iyo waanooyin ku saabsan xallinta khilaafka, wuxuuna ku wargaliyey dhinacyada in looga yeeri doono Muqdisho si halkaas looga wada-hadlo khilaafka iyo sidii heshiis looga gaari lahaa. 

4. Ballaarinta Galmudug

Fakraddii lagu aasasay Dawlad Goboleedka Galmudug waxaa ka mid ahaa in lagu ballaarriyo oo ay la midoodo gobollada dhexe si halkaas ay uga soo baxdo Dawlad Goboleed ballaaran dhinac walbana isaga filan. Dhawrkii sano oo ugu dambeeyeyna waxaa jirey xiriiro iyo wada-hadallo arrintaas ku saabsanaa oo dhexe marayey masuulyiin iyo waxgardka ka tirsan Galmudug iyo goboolada dhexe. Maxaa marba marka dambeeya si xoogeysanayey hididiilo la xiirirta ballarrintaas. Hayeeshee, khilaafkaan siyaasadeed ee maanta ka jira wuxuu hakinayaa in maamulka Galmudug lagu ballaariyo gobollada dhexe, wuxuuna niyad-jab ku riday dadka Galmudug iyo kuwa gobollada oo rajeynayey inay ku midoobaan Dawlad Goboleed baaxad leh ay wadaagaan.

4.Talooyin

Ugu dambaynta waxaan u soo jeedinayaa dadka reer Galmudug, gudaha iyo dibadda meel ay joogaanba talooyinka soo socda:

4.1 In ay inay dib u fakaraan oo garwaaqsadaan inay khalad ahayd inay kala taageereen labo madaxweyne iyo labo maamul oo Galmudug gudaheeda ah, kadibna ayagu isku duuban ay u hawlgalaan sidii loo xallin lahaa khilaafka ugu dambaynta loo gaari lahaa hal maamul oo lagu heshiis yahay.

4.2    In guddi ballaaran oo aan ka yarayn 25 xubnood oo ka socda qurbajoogga ( oo ka kooban dadkii kala taageeray labada dhinac) ay tagaan Galmudug sida ugu dhaqsaha badan si ay ugu qanciyaan labada madaxweyne iyo labadooda maamul inay ogolaan wixii talooyin iyo xal ah ee loo soo jeedidayo, dabadeedna halkaas heshiis iyo hal maamul laga dhaliyo.

4.3    In qurbajooggu u uruuriyo Guddigaas la dirayo kharash ku filan tigidhadooda, noloshooda iyo hawlgalkooda sida ugu degdegsan.

4.4    In Guddigu degsado nidaam la xiriira hab-dhaqankooda, habraacoda, dhexdhxaadinmadooda iyo mabaadiida ay ku shaqaynayaan ka hor inta aysan hawsha guda galin.

4.5    In dadweynaha reer Galmuudug (gudo iyo dibad) meel ay joogaanba ay joojiyaan fakradaha iyo mawqifyada taageeraya kooxaha, qabiilka, iyo dariiooyinka diined kuwaas oo kala-qaybin, khilaaf iyo fidno u horseedaya bulshada.

4.6    In dadka Galmudug, gudaha iyo dibadaba, bartaan faa’iidada mabaadiida bulshada iyo siyaasadda ee doodda (maya fadhi-ku-dirir) wax-dhisaysa oo qodobada (issues) danta iyo horumarinta bulshada, waddaniyadda, xorriyaadka muwaadinka iyo dawlad-wanaagga, wada-hadalka iyo garnaqsiga, dulqaadka iyo isu-tanasluka,  cilimiga iyo farsamada, adeegyada bulshada iyo ilaalinta degaanka,  runta iyo caddaaladda, iyo daryeelka fuqarada iyo maasiinta.

4.7    In dhinac taageeridda iyo dhinac nacaybka iyo dicaayadda iyo wixii qawl iyo ficil ah oo khilaafka sii xoojinaya degdeg loo joojiyo.

Cumar Salaad Cilmi

Oselmi@hotmail.com

O9/09/2009


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com