Xaflad
lagu
Maamuusayo
Sanad
Guuradii
1aad Ee
(DG)
GalMudug
State oo
lagu
qabtay
Magaaladda
Minneapolis
Ee dalka
Maraykanka.
Sept,4,2007
www.Hobyoradio.com
Xaflax
si weyn
loosoo
agaasimay
oo lagu
maamusayay
Sanad
Guuradii
1aad ee
ka soo
wareegtay
dhismihii
Dowlad
Goboleedka
Galmudug
State
ayaa
lagu
qabtay
magalada
Minneapolis
ee
gobolka
Minnesota.

Munaasabadan
Sanad
Guurada
1aad ee
Galmudug
ayaa
Xafladda
waxaa
soo
qaban
qaabiyay
Jaaliyada
Galmudug
ee
gobolka
Minnesota
gaar
ahaan
C/aziz
Xogolof,
Qaali
Ahmed
Kadiye,
Ayan
Abdi
Hasan,
Qadra
Awreeye,
Sahra
Salaad
Du'aale,
Waris
Hashi
Geele,
Husein
Warsame
Cali.
Xafladdaas
oo si
weyn
loosoo
agaasimay
ayaa
waxaa ka
soo qayb
galay
Qaybaha
bulshada
Waxgaradka,Culumaa'udiinka,
Haweenka,
Dhalinyara
iyo
Madaxda
Galmudug
State.
.JPG)
.JPG) |
.JPG) |
|
Sheekh.
Cabdullaahi
Faraweyne |
Madaxa
Jaliyada
Galmudug
Mudane.
Mohamed
Urur |
.JPG)
Munaasabadan
Sanad
Guuradda
1aad ee
Galmudug
ayaa
waxaa
ugu
horayntii
aayado
Quraan
ah iyo
Wacyi ka
jeediyay
Sheekh
Cabdullaahi
Faraweyne,
Waxaa
Sidoo
kale
Halkaasi
ka
hadlay
Madaxa
Jaaliyada
Galmudug
Mudane
Mohamed
Ahmed
Urur,
Wasirka
Howlaha
Guud
Mudane
Hasan
Maxamuud
Hayl,
Dr.
Cabdirahman
Haji
Ereg,
Sheekh
Cali
Soomow,
Col.
Hasan
Mohamed
(Hasankornayl),
Marwo
Maryan
Warsame
Cowl,
Husein
Sheekh
Nuur
iyo
Faysal
Ahmed
Salaan.
.JPG)
Xaflada
Xuska DG
Galmudug
ayaa
lagu soo
bandhigay
Gabayo,
Baraanburo,
Heeso
iyadoo
ay kasoo
qayb
galeen
fanaaniinta
ugu
caansan
W/Amerika
oo ay
kamid
ahaayeen
Fartuun
Cumar,
Huseen
Cali
Miiraale,
iyo
Max'ed
Jeesto.
.JPG)
 |
 |
|
Wasir
Howlaha
Guud
Mudane
Hasan
Maxamuud
Hayl |
Dr.
Cabdirahman
Haji
Ereg |

Munasabadan
Sanad
Guurada
1aad
ayaa
waxaa
laga
aqriyay
Qudbad
uu soo
diyaariyay
Madaxweynaha
Galmudug
State
Prof.
Mohamed
Warsame
Cali (kiimiko)
oo ka
hadlaysa
Tariikhda
iyo
Maamul
wanaaga,
waxaana
halkaasi
ka
aqriyay
Wasiirkiisa
Howlaha
Guud
Hassan
Maxamuud
Hayl.
C/aziz
Xogolof
Minneapolis,
MN
xogolaf@yahoo.com
.JPG) |
.JPG) |
|
Col.
Hassan
Mohamed
(Hasan
Kornayl) |
Sheekh
Cali
Soomow |
.JPG)
.JPG)
|
Marwo.
Maryan
Warsame
Cowl
|
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG) |
.JPG) |
|
Husein
Sheekh
Nuur |
Faysal
Ahmed
Salaad |
.JPG) |
.JPG) |
.JPG) |
|
Fananka
Cusub
C/qadir
Osman
Ali |
Fanaan
Max'ed Jeesto |
Max'ed
Jeesto,
fartun
Cumar,
Ayaan
Abdi |
.JPG) |
|
Fanaanka
Weyn
Huseen
Cali
Miiraale |
.JPG)
|
Al
Fanaan
Huseen
Cali
Miiraale
iyo
Fanaanada
Fartuun
Cumar
|
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)

Bismillaahi
Raxmaani
Raxiim
SANNAD-GUURADA
1aad EE
GALMUDUG
14kii
Agoosto
2007
Walaalayaal,
Waxaan
idiin
soo
gudbinayaa
salaam
aad u
qiima
badan.
Ugu
horayn,
waxaa
mahad
leh
Allaha
Weyn ee
maanta
na
gaarsiiyey
in aan
markii
ugu
horaysay
u
dabaaldegno
sannad-guuradii
1aad ee
dhismaha
Galmudug
ee 14ka
Agoosto.
Waxaan
dhammaantiin
leenahay
Hambalyo,
waxaanan
Eebbe ka
baryaynaa
in
sannadkan
sannadkiisa
kale
nagu
gaarsiiyo
nabad,
horumar
iyo
barwaaqo.
Maalintani
waa
maalin
qiimo
gaar ah
u leh
bulshada
Galmudug
oo
markii
ugu
horraysay
si
wadajir
ah u
gaaray
go’aammo
taariikhi
ah ee
dadka
iyo
degaanka
bulshadaas
gudo iyo
dibedba,
ayna ku
dhisteen
maalmul-goboleedka
la magac
baxay
GALMUDUG,
kaasoo
degaanka
gobolladiisu
leeyihiin
dadweyne
cammirran,
degaan
mmuqda,
khayraad
buuxa
iyo
xudduudo
cayiman.
Waxay
taariikhdu
qori
doontaa,
kadib
dhibaatooyin
iyo
halganno
farabadnaa
ee gaar
ahaan
bulshada
degaankaas
ugu
ballaaran
ay soo
mareen
sannado
badan,
in ay
sannad
kahor
maanta
oo kale
ay soo gabagabeeyeen
talooyin
dhaxalgal
ah ee ay
ku
diirsan
doonaan
intooda
nool,
una
aayidoonaan
jiilaka
danbe ee
bulshadaan.
Haddii
aan
taariikh
kooban
ee
degaanka
maamulku
ka
dhashay
dib ugu
laabto,
waxaad
markhaati
ka
wadatihiin
in
iyadoo
guud
ahaan
bulshadeennu
dhibka
guud la
wadaagtay
ummadda
Soomaalieed
badankeed,
ay
haddana
la
dersay
dibudhac
iyo
caddaaladdarro
kasoo
jeedda
xilliyadii
gumaysiga
iyo
dowladihii
lasoo
maray ee
sanadihii
lixdanaadkii.
Waxaa si
gaar ah
degaanka
u
taabtay
cadaadintii
iyo
cunaqabatayntii
xilligii
dheeraa
ee
xukunkii
ciidammada.
Waxaa
arrimahaas
caddayn
u ah
dhaxalka
cakiran
ee
dhulkeenna
oo ay ka
mid
yihiin:
-
Dhulka
Galmudug
oo
dhererka
xeebtiisa
lagu
qiyaaso
ilaa
345 Km
lagama
dhisin
deked
iyo
ayraboorro
midna.
-
Degaanka
gobolkii
ex-Mudug
marna
looma
samayn
degmooyin
ku
wajahan
dadka
degaanka,
wuxuuna
ahaa
gobolka
dhul
ahaan
ugu
baaxadda
weyn
gobollada
dalka.
-
Nooc
kasta
ee
dhismo
ah ee
adeeg
bulsho
looma
abuurin;
sida
wadooyin,
isbitaallo,
dugsiyo
sare
iyo
xataa
xafiisyo
dowladeed,
gaar
ahaan
caasimadda
Gaalkacyo
(FG.
Sababo
siyaasadeed
awgood,
dhinaca
woqooyi
ee
magaalada
Galkacyo
keliya
ayaa
leh
dhismo
dowladeed
ee
isbital
iyo
dugsi
sare,
iwm).
-
Waxaa
bulshada
degaanka
waqtiyadii
u
danbeeyey
dawladnimada
lala
beegsaday
dhibaato
toos
ah ee
dil,
barakac
iyo
burburin
naf
iyo
maalba
isugu
jira.
-
Dagaalladii
sokeeye
ee
waqtiyadii
sagaashanaadka
iyo
dhawaanba
degaanka
ka
dhacay
waxay
abuureen
xaaluf
dhinac
walba
ah.
-
Iyadoo
masiibooyinka
dabiiciga
ah
sida
abaaruha
ay
degaanka
aad u
saameeyeen,
17kii
sano
ee
dowlad
la’aanta
waxay
hay’adaha
samafallada
iyo
kuwa
deeqaha
bixiyaba
cidleeyeen
guud
ahaan
degaanka
iyo
dadkiisa.
Haddaba,
iyadoo
laga
ambaqaadayo
xaaladaha
kore oo
ay
wehliyaan
waxqabad
la’aanta
ay
sababtay
maamul
tayo leh
oo aan
hore uga
jirin
degaanka
iyo
dibudhaca
lagu
sameeyey
awooddii
odayaasha
dhaqanka;
waxay u
hawlgaleen
waxgaradka
bulshada
oo ay
hormuud
u
ahaayeen
Jaaliyadaha
dibeddu
abaabulka
bulsho
iyo
qabashada
shirweyne
guud ee
lagu
dhiso
maamul
shaqayn
kara ee
u
hawlgala
wax-u-qabadka,
dibusoo
noolaynta
iyo
horumarinta
dadka
iyo
degaanka,
siiba
dhinacyada
adeegga
guud ee
caafimaadka,
waxbarashada,
dhaqaalaha
iyo
sidoo
kale
nabadagelyada
iyo
nabadaynta
bulshadaas.
Waxaa
xaqiiq
ah in
tallaabooyinka
dib-u-habaynta
dhaqanka
iyo
taabagelinta
maamulka
ee
shirweynaha
kasoo
baxay ay
ahaayeen
kuwo si
aad ah
bulshadu
ugu
baahnayd,
una
qalanta
degaankeenna,
maadaama
Gobolku
leeyahay
muhimaddahan:
v
Istiraajiyad
dhuleed
iyo mid
siyaasadeed
maadaama
uu ku
yaal
bartamaha
Dalka ee
kala
qaybiya
dhulka
beelaha
waaweyn
ee
Soomaaliyeed
min bad
ilaa
xudduudda
Ethiopia.
v
Wuxuu
leeyahay
dano
bulsho
iyo
dhaqaale,
sida:
§
Isku xirka Koofurta iyo Woqooyiga Dalka.
§
Muhimad ganacsi ee kulmisa in badan ee
dalkeena
gudihiisa
iyo
xudduudda
dibeddeedaba
ah.
§
Bulshooyin iyo qabiillo kala gedisan ee
deggan
ama
deris ku
wada ah
iyo
khibrad
dheeri
dadkiisa
ee
bartamaha
dalka oo
dhan.
v
Khayraad
iyo
macaadin
badan oo
dhulkiisa
ceegaaga.
v
Baaxadda
dhulka
Galmudug
waxaa
lagu
qiyaasaa:
§
Dhinaca xeebta ilaa 345 km
§
Dhinaca koofurta ilaa 315 km
§
Dhinaca woqooyi ilaa 285 kmn
§
Dhinaca xudduuda
Ethiopia
ilaa 85
km.
Annagoo
xasuusan
dhibaatooyinkii
degaanku
hore u
qabay ee
aan soo
sheegay,
waxaa
is-weydiin
leh,
maxaa
qorshayaasha
la
dejiyey
iyo guud
ahaan
habsami
u
socodkii
Maamulkaba
la isugu
dubbaridi
waayey.
Anigoo
rajaynaya
in si
aad ila
fahmi
doontaan,
waxaa
lagama
maarmaan
ah in la
idiinsoo
bandhigo
caqabadaha
dhaliyey
hakadkaas:
-
Xannibaad
dhaqaale
iyo
maaliyadeed,
maadama
kharashyada
lagu
hawlgalay
dhammaan
ay ka
yimaadeen
oo
kaliya
taageerayaasha
Jaaliyadaha
Beesha
ee
dibedda,
taasoo
aan si
buuxdana
loo
sii
wadin
ilaa
Maamulku
cagahiisa
ku
istaagayo.
-
Ma
suurtagelin
dakhli
gudaha
laga
abuuro
si
deg-deg
ah,
maadaama
ay
arrintaasi
u
haahan
tahay
diyaargarow
ku
haboon.
-
Degaanku
ma
lahayn
dhul
dhismayaal
iyo
goobo
ilo
dhaqaale
leh,
sida
deked
iyo
ayraboor
ama
suuq
weyn,
xataa
jidad
la
isugu
socdo.
-
Ma
jirin
adeeg
bulsho
ee la
taaban
karo
oo
dadka
u
socday
marka
laga
reebo
isbitaalka
Galkacyo
iyo
dugsiyo
ama
ceelal
biyo
oo
magaalooyin
dhowr
ah ay
badankood
ka
fuliyeen
hay’ado
iyo
shakhsiyaad
jaaliyadaha
ah.
-
Kuma
harin
degaan
dad la
sheegi
karo
ee
aqoon
leh
ama
tababaran
oo
hawlaha
Maamulka
ka
qaybqaata.
Nasiibdarro
xataa
ma
wada
hawlgelin
xubnihii
Jaaliyadaha
ee la
magacaabay
ama
Shirweynihii
ka
qaybgalay.
-
Culays
badan
oo ka
yimid
Ciidamada
maleeshiyooyinka,
ayna
ad u
adkaatay
si
falalka
dagaallada
sokeeye
bareen
looga
reebo,
looguna
hawlgeliyo
hab
Ciidan
Boolis
ama
loogu
helo
meherado
kale;
Arrimahaasi
waxay
u
baahan
yihiin
tababar,
gacan
kuhayn
adag
iyo
dhaqaale
xooggan.
-
Waxaa
guud
ahaan
waqtigiyo
dheer
degaanka
saameeyey
dagaallo
sokeeye
iyo
abaaro
keenay
in dad
aad u
badani
ay aad
u
liitaan.
-
Waxaa
degaanka
saameeyey
loolanka
siyaasadeed
ee
waqtiyadii
danbe,
taasoo
sababtay
in
faragelin
cad ay
degaanka
ku
sameeyaan
xoogag
dano
kala
geddisan
wata.
Inkastoo
dadaal
badan
maamulku
galay,
haddana
waxbadan
ma
qaban
karin
maadaama
uusan
xoogaysan
ee uu
bilow
ahaa.
Waxqabadkii
Maamulka
Waxaan
jecelahay
in si
kooban
idiinkugu
soo
bandhigo
qorshayaashii
ugu
horraynba
Maamulku
dejiyey,
qaybna
ka
fuliyey
oo u
kala
baxa
saddex
qorshe
hawleed
(3
Action
Plans)
oo ku
jaango’naa
muddada
hore ee
hawlgalka:
Qorshaha
1aad
Ø
Dhismihii
iyo
dhammaystirka
Hay’adaha
Dowladda.
Ø
Diyaarinta
Shuruucda
Miisaaniyadda
&
Xeer-Hoosaadyada
kale.
Ø
Dhismaha
Maamullada
Gobollada
&
Hay’adaha
Maamulka.
Ø
Abaabulidda,
tababaridda
iyo
hawlgelinta
ciidamada
Nabadgelyada.
Ø
Diyaarinta
&
Hirgelinta
Mashaariic
Bulsho.
Ø
Ku
tallaabsasho
qorshe
dhaqan-dhaqaale.
Ø
Socodsiinta
iyo
taabagelinta
nabadaynta
beelaha.
Qorshaha
2aad
Ø
Qaabaynta
dhismaha
degmooyinka
&
tuulooyinka.
Ø
Abaabulka
&
kormeeridda
bulshada.
Ø
Qabashada
Shirar
degmooyinka.
Ø
Doorashada/Xulashada
Maamullada
Degmo.
Ø
Abuurid
istiratijoyo
&
hab-shaqo
ee
Degmoyinka.
Ø
Xaqiijinta
dhammaan
qaababka
Maamulka.
Ø
Abuuridda
Guddiga
Shaqada
‘Civil
Service
Commission)
Ø
Dhammaystirka
Magacaabid
sarakiisha
sare ee
Maamulka.
Qorshaha
3aad
Ø
Abuurid
iyo
horumarinta
nidaamka
dakhli
ururinta,
maaraynta
shaqaalaha
&
qorshaynta
dakhliga
Ø
Abaabulid
shaqaale
tayo leh,
hab-nidaameed
lacag
bixin
iyo
mushaaro.
Ø
Dhismo
goobaha
adeeg ee
muhimka
ah.
Waxqabadka
hirgalay
1.
Samaynta
haykalkii
dowladeed.
-
Magacaabid
badi
xilalka
kala
ah:
-
Xubnihii
Golaha
Wasiirada
iyo
kaabayaashooda,
sida
Guddoomiyeha
Hay’adda
Dakhli
Ururinta,
Xeer
Ilaaliyaha
Guud
iyo
Xisaabiyeha
Guud.
-
Shan
ka
mid
ah
xubnaha
Maxkamadda
Sare,
Maxkamadda
Gobolka
Mudug
-
Guddoomiyayaasha
gobollada
Mudug
iyo
Hobyo,
iyo
ku-xigeennadooda
iyo
labada
Duq-magaalo
(Mayor)
ee
Gaalkacyo
iyo
Hobyo.
-
Hawlgelin
ciidamo
boolis
ah ee
tiradooda
iyo
tayadoodu
buuxin.
-
Shuruucda
la
dejiyey:
-
Sharciga
asaasidda
Hay’adda
Dakhli
Ururinta.
-
Sharciyadii
iyo
nidaamyadii
dakhliga
iyo
hababkii
canshuur-qaadidda,
xafidaadda
iyo
la-socodka
dakhliga.
-
Sharciga
Dhismaha
Maamulka
Degmooyinka.
-
Sharciga
Gaadiidka
iyo
Taarigooyinka.
-
Arrimaha
dibuheshiisiinta
oo la
billaabay,
welina
socda,
siiba
kuwa
ku
wajahan
walaalaha
Galgaduud,
si
loogusii
gudbo
maamul
ballaaran
ee loo
dhanyahay.
-
Waxaa
la
casumay,
oo
xarunteenna
noogu
yimid
hay’ado
samafal,
kuwaas
oo loo
gudbiyey
mashaariic
badan,
ballanqaadayna
in ay
wax ka
qabtaan.
-
Waxaa
kordhay
dhismayaasha
iyo
furidda
dugsiyo
waxbarasho,
iyadoo
markii
ugu
horraysay
sannadkan
la
billaabay
dhigashada
dugi
sare
dhinaceena
iyo dhismaha
dugsi
sare
ee
cusub.
-
Waxaa
hadda
socda
abaabulka,
xaraynta
iyo
tababaridda
Ciidanka
Nabadgelyada.
Walaalayaal,
haddaan
si
kooban u
taabto
arrimaha
siyaasadda,
iyadoo
la
tixraacayo
Axdiga
Dowladda
Federaalka
ku
meel-gaarka
ah,
bulshooyinka
gobol
kasta ee
Soomaaliya
waxay
xaq u
leeyihiin
in ay
isku
darsamaan
kuwo
kale,
gooni
isku
taagaan
ama si
toos ah
looga
maamulo
Dowladda
Dhexe.
Sidaas
darted
Axdiga
Galmudug
wuxuu
qorayaa
Dowlad-Goboleed
sida ka
jirta
qaybaha
Woqooyiga
naga ah,
waafaqsanna
nidaamka
Federaalka
KMG ah
iyo
ismaamulka
gudaha;
wuxuuna
Shirweynihiisii
Gaalkacyo
ee 25kii
Julay
ilaa
14kii
agoosto
ee 2006
ku
ansixiyey
saddex
gobol ee
Maamulku
ka
koobmo.
Muddadii
Maamulku
jiray
wuxuu ku
shaqeeyey
mabaadiida
Axdigiisa,
taasoo
uu ku
doonay
nabadayn
iyo
deris
wanaag
ee
ummadaha
dhexdiisa,
dariskiis
iyo
Soomaali
weynba.
Waxaa
xusid
mudan ee
nasiibdarro
ah in
deriskeenna
Woqooyigu
aysan
noolagaran
sidii
wanaaggu
ahaa.
Dhinaca
kale,
waxaa
xiriiro
iyo
wadahadallo
ka
doonay
Maamulka
Dowladda
KMG ah,
taasoo
uu
runtii
markii
hore
caqabado
badan
kala
kulmay,
hayeeshee
laga
helay
qoraallo
yididiilo
leh ee
ee
iskaashi
iyo
taageeroba
loogu
dalbayo
Maamulka.
Xaqiiqdu
waxay
tahay in
masuuliyadda
aaya-ka-talinta
dadkeenna
iyo
dagaankeennu
annaga
na saran
yahay, u
madax-bannaanahay,
kuna
shaqaynayno
sidii
danta
waxqabadka
ee
ummaddeena
looga
miradhalin
lahaa,
annagoo
midnimadeenna,
isku
kalsoonideenna
xooggeenna,
kartideenna
iyo
aqoonteenna
adeegsanayna;
Ilaaheenna
kaashanayna.
Sababaha
kore
dartood,
waa
arrinta
dhawaan
wafti
aan
hoggaaminayo
uu dalka
dibedda
uga soo
baxay,
booqashooyinkana
ugu kala
bixiyey
gobollo
badan ee
dalka
Maraykanka
ah,
uguna
talajiro
in ku
maro
dhawaan
waddammo
kale ee
Canada,
Yurub
iyo
meelo
kaleba,
Ilaah
idankiis.
Waxaan
markale
ammaan
iyo
bogaadin
u
jeedinayaa
taageerayaasha
Galmudug
ee Gaar
ahaan
sida
aadka ah
soodhaweynta,
taageeridda
iyo
taakulayntaba
wafdigayga
u
sameeyey.
Hadaba,
iyadoo
aad
xogogaal
u tihiin
xannibaadaha
dhaqaale
ee dalka
manta ka
taagan,
balse
kaashanayna
waxqabadkiinna,
isla
markaana
tallaabooyin
dhiirigelin
leh laga
gaaray
kulamadii
aan
hay’adaha
kale la
yeeshay,
welina
noo
socdaan;
waxaa si
hagal
la’aan
ah ugu
dadaalaynaa
in aan
ku
shaqayno
wax u
qabadka
bulshadeenna
iyo
horumarinta
degaankeenna.
Walaalayaal,
mar kale
hambalyo,
waxaana
Ilaah ka
baryayaa
in aan
sanadkan
kiisa
kale ku
tallaabsanno
waxqabad
muuqda.
Wa
Billaahi
Tawfiiq.
Dr.
Maxamed
Warsame
Kimiko
Madaxweynaha
Galmudug
Washington
DC, 14ka
Agoosto,
2007