![]() |
||
|
|
||
|
Waa
Sidee
Xaalada
Guud ee
Deegaanka
Xeero-dhagaxleey?
oo ka
Tirsan
Degmooyinka
Dawlad
Goboleedka
Gal-Mudug
Satate?
Warbaahita
Hobyoradio
oo Hawlo
Shaqo ku
Tagtay
Xeero-dhagaxleey.
{Daawo
Sawirada}
Sept,23,2007 www.Hobyoradio.com
Degmada xeero-dhagxleey waxay ka mid tahay degmooyinka hoos yimada dawlad goboleedka gal-Mudug Satate.Xeero-dhaaxley waxay Magaalda galkacyo dhinaca bari kaga began tahay 160 Km. Xeero-dhagaxley waxaan dhawaan ku tagay safar shaqo anigoo markaasi ka socda warbaahinta baaxad weyn ee hobyoradio.com
Markii aan tagay deeganka xeero-dhagaxley waxaa si wanaagsan ii soo dhaweeyay maamulaka iyo dadka deegaanka oo runtii si aan la qiyaasi Karin ii marti galiyay magaalda oo aan tagay xili galab gaab ah abaarihii 5:30-kii galabnimo habeenkaasina aan jiifsay hooy la ii diyaariayay ayaa waagu markii uu baryay aan u kuur galay xaalada guud ee deeganka dhinacayada wax barshada, amniga, caafimaadka iyo biyaha waxaa xeero-dhagaxleey ka jira maamul oo leh gudoomiye, gudoomiye ku xigeen iyo gudiga amniga deeganka iyo ciidamo madani ah oo hoos yimaada dawld goboleedka Gal-Mudug Satate sida uu ii xaqii jiyay gudoomiye ku xigeenka degmada xeero-dhagaxleey Mudane Badal dhalaal oo intaasi ku daray in deeganka ay ka jirto nabadgalyo buuxda oo la isku halayn karo.
Dhinaca wax barshada degmada waxaa ku yaal Dugsi H/Dexe oo ka kooban laba qol ayna dhismihiisa si taba rucaad ah u dhiseen gudiga degmada iyo Ururada SOSDA iyo Daryeel oo ka caawiyaay qayb ka mid ah dhismaha iyo mushaarka macalimiinta oo ay bixiyaan arintasina waxaa ii xaqiijiyay Axmed Bidaar oo ka mid ah gudiga magaalada .
iskuulka oo in cabaar ah ujira magaalada ayaan soo booqday waxaana xiligaasi ila socday Axmed bidaar waxaan iskuulka xiligaas ku sugnaa arday ay wax barshadoodu usocotay waxaana casharo bixinayay maamulaha iskuulka kana mid ah macalimiinta iskuulka Macalin Maxa’d Nuur Cigaal wax yar kadib markii casharkii uu dhameeyay aana usheegay inaan ahay Wariye ushaqeeya warbaahinta hobyo Radio waxaana wax wax ka waydiiyay marxalada iskuulka waxa uuna ii sheegay in sikuulka uu furan yahay mudo 6 bilood ah isla markaana ay iskuulka hada dhigtaan 37 arday oo joogto ah intaasi in la'egna ay yihiin kuwo marna yimaada marna maqan, ardayda ayuu sheegay in ay ubadan yihiin Gabdho in kasta oo ay wiilalna dhigtan ayuu hadana waxa uu xusay in ay aad ug yar yihiin gabdhaha waxa kale oo maamulaha iskuulka H/Dhexe xeero-dhagaxley intaasi ku daray in ay jiraan dad waa wayn oo ayaguna wax ka barta iskuulka " waxa iskuulka wax ka bartaa oo soo xaadira dad waaweyn oo ay ka mid yihiin dumar caroortooda qaar xanbaarsan yihiin" ayuu yiri Maxam’d Nuur Cigaal maamulha iskuulka xeero-dhagaxley.
Dhinaca caafimaadka ee deegaanka xero dhagaxley hadii aan eegno ayaa aysan jirin goob caafimaad oo hada ka hawl gasha waxaase dhisan isbitaal qabyo ah oo ay tabarucaad ku dhiseen dadka deegaanka waxaa xusid mudan in odayaasha,wax gardka,gudiga magaalada ay iigu yimaadeen aniga oo markaasi sawiro ka qaadanaya dhismaha isbitlka qabyada ah oo aan sidaasi uga fogayn iskuulka ayna igu yiraahdeen waxaan maqalnay in aad tahay Wariye magaaladana aad xalay joogtay ee maxaa ka jira waan uxaqiijiyay jiritaanka arinkaas una raaciayay inaan ka socdo warbaahinta hobyoradio xaafiiskeeda Gaalkacyo, dadwaynihii goobta fagaaraha isugu soo baxay waxay sheegeen in ay doonayaan in inay soo ban dhigaan baahidooda oo tan ugu weyni ay tahay dhamays tirka isbitaalka qabyada ah isla markaasina warbaahinta ay noo baahiso waxaa goobtaasi isugu yimid dad aad ufara badan oo isagu jira odayaasha,wax gardka,qaar ka tirsan maamulka degmada,ardayda,iyo uruka dhalin yarda deeganka xero-dhagaxleey oo dhamaantood mid mid uga hadlay goobtaasi barxada isbitalka qabyada ah waxa ay sheegeen in codsigooda ay ugu horayn ujeedinayaan jaaliyada dibadda ee udhalatay Gal-Mudug kuna nool caalamka daafihiisa in ay doonayaan in gacan laga siiyo lagana taageero dhamays tirka dhismaha isbitaalka oo ay sheegeen in ay iyagu diyaar la yihiin xoog,naf iyo maal wixii ay awoodaan ayna hadba dhismahan aygu si taba rucaad ah udhiseen.
Daweynaha xero-dhagaxley haween rag,caruur ayaa dhamaantood sidoo kale ka codsay Ururada iyo ha’adha samafalka in ay ufidiyaan gar gaar ah daawadii iyo qalabkii la dhigi lahaa isbitaalka waxay isku soo baxayashu aad ugu mahad celiyeen Masu’uliyiin ka tirsan Ururada SOSDA iyo Daryeel Shuuke xogolof, karbuuno, iyo C/laahi sheekh cali Salaad, oo ay sheegeen in ay wax la taaban karo ka qabteen deeganka ilaa iyo hadana ay hawlo samafal ka wadaan oo ay ka mid tahay dhaqaalaha macalimiita iskuulka oo ay bixiyaan. Dhinaca kale deeganka xero-dhagaxley ayaa waxaa ku yaal ceel biyood farabadan oo ay ka cabaan xoolaha iyo dadkaba waxaa intasi dheer in hay’ado ay dhisme ku sameeyeen qaar ka tirsan ceelasha dhiseena waastooyin aad umuhiim ah in katsa oo aysan dadka xoolaha ucabaan ceelasha aysan uga faa idaysan sidii loogu talagalay oo aad arkaysid in ceelkii waastadii loo dhisay looguna tala galay in xooluhu biyaha ku cabaan ay buux dhaafisay ciid oo aan la daryeelayn xoolihiina biyaha lagu siinayo foosto maar ah mar aan arintaasi wax ka waydiiyay dhalin yaro geel ka shubaysa ceelsha xero dhagaxley oo aan ku iri maad isticmaashaan waastada la idin dhisay? ayay ii sheegeen in waastda aysan mar kasta ciid ka dhamayn Karin maadama ay meeshu tahay goob ciid badan iyo xiliga lagu jiro oo ah bay yiraahdeen xagaadabayl badan waxaa nooga wanaagsan fuustada maarta leh oo Geela ku siinayno biyaha. Sidoo kale wada kasha deeganka xeero-dhagaxley ayaa meelo ka mid ah waxaa ka jira dhibaato xoogan oo ah dhinaca ciida loo yaqaan bacaadka oo buux dhaafisay wada taasi oo ay gawaarida dhibaato ku qabaan waxaana gaari kasta oo wadaas isticmaala ay dantu ku qasbayso daka la socda haariga in ay bacaad celin halkaasi ka sameeyaan si uu halkaasi uga gudbo gaariga dadka deeganka ayaan umuuqan inay isku hawleen wax ka qabshada wadaas. Si kastaba ha ahaatee xaalada iyo nolasha guud ee deeganka xeero-dhagxley oo aan dhawaan boqaday ayaa ah mid aad uwanaagsan marka laga eego dhinacyadii aan soo xusanay in katas oo dhina caafimaadka ay aad uga hoosyaso taana waxaan Muuaqata in ay hor umar uga tilaabsan doonto maadama la oran karo daka waxy ubisil yihiin wax qabdka iyo la shaqaynta ciidii mashruuc ka fulinaysa halkaasi ha ahaato shqasi, hay’ado, IYO Ururada Samafalka. Abdalla Mohamed Abdulle Xaafiiska hobyoradio Galkacyo,Gal-Mudug State of Somalia, cabdalla45@hotmail.com
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||