Kulan ay isuguyimaadeen Golaha Guurtida ee Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo odayaal Dhaqameydyo Kasocday Beesha Maxamad Gor Gaate ayaa kadhacay Hotel Geedi Ee Magaalada Gaalkacyo Daawo Sawirada

Aug,6,2008 www.Hobyoradio.com

 

 Kulankaasi oo ahaa Mid ay isugu yimaadeen waxgarad Culima’owdiin iyo masuuliyiin kasocotay Dowlad gobaleedka galmudug ayaa ujeedadii kulankaasi waxa uu ahaa sidii ay ugu soo biirilahaayeen Beesha Maxamad Gor gaate Maamulka Galmudug.

  Masuuliyiintii ka Socotay Maamulka Galmudug ee ka qeybgashay kulankii odayaal dhaqameydyada ay waxaa horkacayeen Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha ee Dowlad Gobaleedka GalMudug C/laahi Aadan(Ciro)Gudoomiyaha Gobalka Mudug Xasan Faarax Barre Afayeenka Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmad Maxamad (Baasto) iyo Masuuliyiinkale.

 Ugu horeyntiina waxaa kulankaasi kahadlay Gudoomiyaha Gobalka Mudug Xasan Faarax Barre oo sheegay in ay soo dhaweynayaan walaalahod Maxamad Gor gaate.

Sidoo kale waxaa asna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Dhaqan ee Galmudug Nabadoon Yuusuf xaashi Cimli  {Qabax} oo tibaaxay in Beesha Maxamad Gor Goote ay horay uga maqneed Maamulka GalMudug Manta ay soo dhaweyndoonaan

Dhinaca kale ayaa waxaa asna ka hadlay Nabadoon Axmad (Askar) oo kasocday Beesha Maxamad Gor goote ayaa mahad celin u soo jeediyey Masuuliyiintii kasocotay Maamulka iyo dhamaan kasoo qeybgalayaashii kulankii hotel Geedi wuxuuna ka hadlay kusoo biiritaanka Galmudug in ay kusoo birayaan waxa uuna Goobtaas ku soo ban dhagay tix gabay ah oo ka tarjumaysay ku biiritaanka dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee GalMudug State

 

Cabdalla M.C/LLE

Galkacyo GalMudug SOMalia

mobail:002529O 752260

Ku laabo Home

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com