10 kamid ah Wasiirada  kooxda Embagathi oo iscasilay iyo eed ay u jeediyeen Nuur Cadde

Aug,2,2008 www.Hobyoradio.com

Kooxdan Iscasishay oo u badan taageerayaasha C/llahi Yusuf ayaa ka faaiidaysana qilaafka soo kala dhexgalay madaxda kooxda Embagathi ee salka ku haya awoodda gobolka Banaadir.

Kooxdan wasiirada ah ee maanta xilkii ay hayeen iska casilay ayaa waxa ay u badan yihiin taageerayaasha C/llahi Yusuf waxaana  ay sheegeen in ay isaga casileen xilkoodii kadib markii Nuur Cadde uu go’aan kali talisnimo ah ka qaatay Xil ka qaadisatii uu ku sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere Taasi oo ay sheegeen in aaney Waafaqsaneeyn sharciga Sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa kale oo ay ku eedeeyeen Nuur Cadde in uusan wax miisaaniyad ah u samayn kooxda Embagathi saasna uu ku lunsaday  hanti  badan, kooxdan iscasishay oo gaaraya ilaa 10  ayaa xaalada sii adkaynaya ayadoo laga yaabo inay kala tagaan kooxda Embagati ee uu madaxda u ahaa dagaal ooge C/llahi Yusuf.

Magacyada kooxda Wasiirada ah ee Xilka Iska Casishay

Muxudiin Max’ed Xaaji Ibraahin Wasiirka Gaashaan dhiga.

Saalim Caliyoow Ibroow Ra’isul wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Diinta iyo owqaafata.

Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf Ra’isul Wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Waxbarashada iyo Hidaha.

Marwo Qadiisjo Max’ed Diiriye Wasiirada horu Marinta Amuuraha Qooyska.

C/risaaq Ashkar Cabdi Wasiirka dib u heshiisiinta iyo horumarinta Gobolada.

Max’uud Cali Saalax Wasiirka Macdanta iyo Tamarta.

Cali Jaamca Jangali Wasiirka Arimaha Dibada.

Cabdi Max’ed Tarax Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta.

Xuseen Ceelaabe Faahiye Wasiirka Ganacsiga.

Hobyoradio.com Xafiiska Muqdisho.

Muqdisho iyo Maanta

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com