![]() |
||
|
|
||
|
Guddigii Dib U Heshiisnta Ka Dhex Waday Beelaha Wada Daaga Deegaano ka Tirsan Mudug iyo Gal Gaduud Oo wajigii 3aad Ee Dib U Heshiin ah Ka Bilaabay Degmada Galinsoor Ee G/Galgduud
Aug,1,2008 www.Hobyoradio.com Guddi ka kooban Culimo’udiin iyo wax Garad ka wada tirsan beelaha walaalaha ah ee wada daga Gobolada Mudug iyo Galgaduud Gaar ahaan Sacad iyo Saleemaan Mudooyinkaana dadaalo dib uheshiisiin ah ka dhex waday beelahaas walaa laha ah ayaa Mar kale biaalabay kulamo ay la yeelanayaan Maamulka iyo Culimu’udiinka Degmada Galinsoor oo ka tirsan deegaanada dawlad Goboleedka Galmudug satate Waxaana kulan hor udhac ah oo ka dhacay Degmada Galinsoor sidoo kale ka ka qayb Galay Masuuliyiin ka tirsan Dawlad Goboleedka Galmudug Satate oo ayagna qayb weyn ku leh dib uheshiisiinta ka Soconaysa Mudug iyo Galgaduud Waxaana xubnihii ka qayb Galay kulankaas ee Galmudug ka Socday ka Mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ariamha Gudaha Galmudug Col. C/laahi aadan xuseen {Ccirro}Gudoomaiyaha Gobolka Mudug xasan faarax barre,Gudoomiayaha G/Hobyo Col.Max’d Axmed Caalin,Nabdoon Cismaan Nuur Qayd, iyo xuno kale oo ka tirsan odayaasha dhaqanka Galmudug Dhanka kale msu’uuliyiin hogaaminaysa dudiga dib uheshiisiinta ka wada mudug iyo gal gaduud waxaa ka mid aha C/Shakuur Cali Cumar,Cali Tahliil Xasan Fanax,C/nuur Faqjama iyo xubno kale Kulankii hor’udhaca ahaa ee todobaadkaan Gudihiisa ka dhacay degmada Galinsoor ayaa la iskula soo qaaday sida looga wada qayb qaadan karo dadaalada ay wadaan Gudigaas ka soo jeeda beelaha wada daga Mudug iyo Galgaduud Waxaa sidoo kale la filayaa in Maal Maha Soo Socda uu furmo kulan aad ubalaaran oo ay ka soo qayb gali doonaan qaybaha kala duwan ee beelaha wada daga Mudug iyo Galgaduud in kasta oo aysan qaban qaabiyaasha kulankaasi shaacin halka uu ka dhacayo kulankaas waxaase wararka Hobyoradio helayso ay Sheegayaan In Galinsoor ama Cadaado kulankaasi lagu qaban doono Maal Maha Soo Scoda. Waxaan idiin balan qaadyanaa warbxino iyo Sawirada kulankaas qaban qaabdiisu Socoto INSHA’ALLAAH W/D/Wariye Cabdalla M.C/lle Hobyoradio 0025290752260 Gaalkacyo, GalMudug State of Somalia Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||