Gabay 4 qaybood ah  oo uu tiriyay Abwaan Calideeq Max'ed   Shirweynihii  kadhacay  Bandiiradleey ee Galmudug State.

Aug,1,2008 www.Hobyoradio.com

Abwaanka dhalinyarada ah Calideeq Max'ed Xaashi ayaa katirayay Gabay dheer ee ku saabsan shirweynihii Taariikhiga ahaa ee kadhacay degmada Bandiiradleey ee gobolka Mudug Galmudug State.

Gabayga 1-aad. Dadka Bandiiradley. Octoobar, 2007.

Degmada Bandiiradley waxaa ku dhaqan, khayr dadweyne lehe

Damiirkoodu wuu noolyahoo, daacad wayaga e.

Rag iyo Dumar waddaninnimada waa, laga dareemaaye

Way kala-dambayn jecel yihiin, da'yar iyo weyne.

Sidii waxay iskugu duubanyiin, ul iyo diirkeede

Bulsho weeye diirdiirranoo, aan damman ahayne.

Dabo-dhilif haddii ay arkaan, way la diriraane

Dulligiyo isbaarooyinkana, uma dulqaataane.

Dadka kale waxay doonayaan, inay ku daydaane

Marti-soorka loo daa gobtaas, deeqsinnimadooda!!!.

DHAMMAAD.

W.T. Calideeq Max'ed Xaashi.

Gabayga 2-aad.

ABAAL-GUDKA CURADKA SACAD. OCT. 2007.

W.T. Abwaan Calideeq Max'ed Xaashi.

 

CABDALLE curadkii SACAD weeye oo, ceesitaan mudane

Cawo iyo karaamiyo tuf baa, lagu ciseeyaaye

Cindigooda oon xumo ku jirin, ama calooshoodu

Waan ku caano-maalnaa ducada ay cashariyaane

Camalkooda khayrkaana wuu noo cuntamayaaye!.

Cayimaadda taariikhdannada, baan cuskanayaaye

SACAD-ka kale carruur maruu ahaa, curadka mooyaane

Carraday xoreeyeen illaa xirifka xeebtaahe

Waayagii dagaal culus ku galay, ciidda SAMANEEDE

Culummadoodiyoo waxaa ku go'ay, caagganaan jiraye

FIQI-CAYNTE waa kii ku helay, magaca caankaahe!.

Cabbaarkaas ka soo gudub haddii, aan casrigan sheegno

Yaraanka talada cayriin markuu, caabuq kala gaaro

CABDALLAHA waxaa lagu yaqaan, daawo curinteede.

Caynkaas inay tahay murtidu, waxaa caddayn kuu ah

Cakaariyo markii Sal-ballaar la isku ceeboobay

CABDALLOO guntaday labada dhinac, sow ma kala caymin?!.

Maantana annagoo kala cakiran, kalana caal-waynnay

Ayay curadku gogol caafimaad, nagu casuumeene

Bandiiradley waxaa soo cammiray, quraca caankaa dheh

Culumaa'udiinkaan lahayn, iyo cuqaashiiye

Cafis iyo heshiis baa ka dhacay, curadku soo hooyay

Horseedkana CUSMAAN NUUR IYO XABEEB iyo CALI-GUREY baa ah!.

Caaqibay ka taliyeen ILAAHAY, ha caawimo e!

Soo celiye sharafkeenni galay, meel ciriiriyahe!

Naga saare ceelkaan galnoo, ceebtii naga mayre!

Cadawgu ha ka naxo wadajirkaas, maanta Cududdeenna!!!.

Afartaas haddaan kala cayimay, aan rogaal celiyo

Agoon curad habboon yeelataa, waa cid aabba lehe

CABDALLOW waalid oo kalaad u tahay, CAWARREERRAHA e!

Magaciinnu wuu culusyahoo, waa cirkoo kale e!!!.

Canaab aan garawshiyo lahayn, caawin iyo kaalmo

Idinkoo culaabteeda sida oon, ka cabanaynnin

kuwa guusha ciidaynayee, idin canaadaaya

Waa doqon cashiiro ahe yay, idin canaanyayne !!!.

Haddaad Caajistaan maanta, waannu cawarmaynnaaye!

Haddii aad carootaanna waa, cadawga guushiise!

Haddii laydin caayiyo haddii, laydin caasiyoba

Cuqdadu inaysan idin galin tolow, baan codsanayaaye !!!.

Ruuxii caqli lehoo dhan baa, kuu abaal-celine

Waad soo cid-galiseen libtee, yaysan naga ciirin!!!.

Idinkoo ku sugan caaddilnimo, cood ku barakooba!!!

Caddadkiinna EEBBE haga dhigo, sida cammuuddaase!!!!!!!!!!.

DHAMMAAD.

Waxaa Tiriyay Abwaan Calideeq Max'ed Xaashi.

 

Gabayga 3-aad.

Doorka Culumada iyo dubuheshiisiinta. 12/11/07.

W.T. Calideeq Max'ed Xaashi.

 

Culumaa'u-diinkeennu waa, dawlad caaddila e

Darajo iyo maammuusba waan, uga dambaynnaaye

Waannu uga dayannaa Sunnada, Dawga NABIGIIYE

NAXARIIS DUSHIISA HA KA DHIGO, DAA'IM ABIDKIISE!!!.

Dalka inay gabeen iyo dadkooy, daayaceen talada

Dariiqada dhaliishaas muddaa, loogu duur-xulaye

Haddeer bay dib ula soo noqdeen, kaalin daalacane

Docdoodii bannaanayd ayay, dhab u dabooleene!.

Dawo-dhaliyayaal inay noqdeen, waxaa daliil kuu ah

Damalkii shir-weynaha tolkee, dib-u-heshiisiinta

Doorkay ka qaateen WALLEE, waan ku diirsadaye

DAR ALLEY Islaax-baynunnaas, ugu dadaaleene!.

Dudmadiyo khilaafkii jiree, la isku diidaayay

Isku soo dabciye waxay hadba u, kala dab-qaadaane

Dhexdhexaadin daacada ayay, u darbanaayeene!.

Marka la isku diimee shirku uu, kala-dareer gaaro

Dacwadaha marjaca culumadaa, loogu dayn-jiraye

Dawana way ka soo hoyn jireen, kama dambaystiiye!.

Dardarta hagar-la'aaneed marnaba, kama ay daalayne

Dantoodiyo waxay laayaceen, darisyadoodiiye

Dul-qaad iyo waxay muujiyeen Diir-adaygnimo e!!.

Digrigiyo wacdiga bay cilmiga, deexanahayeene

Qalbiyaashii daxalaystay baa, doogsadoo qoyay e!!!.

ALLE-KA-CABSIGIYO Daacaday, noo dirahayeene

Dambigiyo xumaatadana way, nooga digayeene

Daryeel iyo bishaarayn ayay, nagu durduursheene

Dantannada inaan garanno bay, nagu durraanteene

Inaan kala-dambayn yeelannay, naga dalbaayeene!!!.

Ducadoodi baa la aqbaliyo, DAA'IM-BARIGIIYE

Dayrtii la waayana wakaas, roobkii noo da'aye!!!.

Culumaa'u-diinkeenna baa, doorkan loo bogaye

Dayax soo baxay noo yihiin, oo mugdiga doorshay!

"ILAAHAY ha darajeeyo" dhaha, culummo-diinkeenna!.

Dambi-dhaaf ALLAHAYOW i sii, DAA'IM baad tahaye!

Dambi-dhaaf ALLAHAYOW na sii, DAA'IM baad tahaye!!!.

 

DHAMMAAD.

W.T. Calideeq Max'ed Xaashi.

 

 

Gabayga 4-aad.

Qurac-ijaabo. 12/11/07. Bandiiraley.

W.T. Calideeq Max’ed Xaashi.

 

Qurac-ijaabo inuu u qalmo, magacaas Anaa qiraye

Haddaan qeexo sharaftiisa, taariikhdu way qoriye

Qisadiisa lagu faani karo, waydin qabadsiine.

Waa geed runtii qaaliyoo, qaabkii loo bogaye

Bandiiradley qudheeduu ku yaal, qiimo-badanow e

Hooskiisa waa lagu qancaa, lagu qaboobaaye.

Shir qorshaha shacbiga wadajirkiis, lagu quweynaayay

Oo aannu qabanqaabinnaa, lagu qabtoo dheere

Qasadkuna heshiis buu ahaa, caafimaad qaba e!.

Culummada Quraankiyo Sunnaha, quburadoodiiya

Odayaasha qaybaha tolkee, dhaqanka qaabaysa

Iyo qaar kaleetiyo aniga, baa ka qaybgalaye.

Qardoofkii jiraa lagu xalliyay, iyo Qilaafkiiye

Qoontiyo turxaantii la siib, qaan-bax dabadeede

La qummaati taladii wax badan, naga qalloocnayde!.

Qoomiyadda Soomaali waa, reer quroo kale e

Marna inaan la kala qaybin karin, waa mid noo qorane

Inaan Nabadda wada qaayibnuu, qawlku noo yahaye!.

Qab-qabliyo qabyaaleyste waa, inay ka qustaane

Isticmaarka kala qalaya baan, "qaaddacooy" niriye

Baaqeenna qaayaha leh baan, qeexayaa waliye!.

Qaadaa-dhiggii lagu gorfee, maammul iyo qaabe

Habkana qayb libaax bay, wadaaddadu ka qaateene

GALMUDUG baa la qiimeeyay, oo loogu qumay aade!.

Qabuul iyo heshiis baa ka dhacay, laysku qaabbilaye

Lagu qanac shareecada ALLIYO, xukun Qasaaseede

Qodobbada saxiixay ergadu, Qalinka saareene!.

Guddiyaal la qoondeeyay baa, loo qaddimay hawle

Durbaba ciidammada qalabka sida, amarkay qaateene

Qashinkiyo isbaaradii la xaaq, laamiga qubnaaye!!!.

Waa qaawanaan kala tagguyoo, wuu qaraar yahaye

Laga qoomammeeyoo bulshadu, ways qaddarisaaye

Qalalaasihii waxaa beddalay, Qaaliyeey Nabade!.

Wixii uu qallalay maanku waa, Qare-dameeraade

Qiirada waddaniyiintu way, wada qushuuceene

Waan qaallannahay Shalay, haddaan, qamandhacaysnayne!!!.

Waan quursanaynnaa kuwii, naga qab-weynaaye!

Waan ka qajilaynnaa waxaan noo ahayn qalane!

Dada-dhilif qarriban baa WALLEE, qaammudkiis galaye!!!.

"Ha ku quusto cadawgeennu" dhaha, waa qarracankiiise

Quruxdeennii soo noqotay waayahan qarsoonayde

Qaran dawladaan maanta nahay, QAADDIR mahaddiise!!!.

FIIRO GAAR AH. 2-dan tuduc ee hoose waa Dhaanto.

"Qawleyte isbaaro quudan jiriyo

Qabbaanku tolow xaggay qabaneey!!!".

DHAMMAAD.

Abwaan Calideeq Max’ed Xaashi.

Gaalkacyo, GalMudug State of Somalia
 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com