Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Kulan ay soo agaasintey Wasaarada Shaqada  shaqaalaha dhalinyada iyo ciyaaraha Galmudug oo ka dhacay Magaalada Galkacyo

July,8,2012 www.Hobyoradio.com

Kulan ay soo agaasintey Wasaarada Shaqada  shaqaalaha dhalinyada iyo ciyaaraha Galmudug oo ka dhacay Magaalada Galkacyo

Kulaan ay soo agaasintey wasaarada shaqada shaqaalaha dhalinyada iyo ciyaaraha ee dowlad Goboleedka Soomaaliyeed Galmudug ayna ka soo qeyb galeyn Madax ka tirsan Dowlada Galmudug,Marti sharaf lugu casuumey kulankaas ayaa waxaa loogaga hadlaayey Doorka dhalinyarada ay ku leeyihiin Siyaasada Dowlad Goboleedka Galmudug.

kulankaasii ayaa waxaa Ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha wasaaarada shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Yaanis xasan diini ayaa waxaa ugu horeyn uu sheegay in dhalinrada ayaa door libaax leh aay ka ciyaaareen sidii loo qaadi lahaa isbaarooyinkii yaaley inta u dhaxeyso Galinsoor iyo Gaalkacyo ayna ku guuleysteen arintaas.

Sido kale kulanka ayaa intii uu socdey ayaa waxaa ka hadlay wasiirka shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlad Goboleedka Galmudug Saadeq DaaHir Mire ayaa ugu horeyn  waxaa Ka Codsadey dhalinyarada Galmudug in aay door ka ka qaateen Doorashooyinka lugu balansan yahay in aay dhacaan  Horaanta sanadkaan ka dici doono xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

ugu Danbeetii ayaa waxaa kulankaan soo gabagabeeyey musharaxa xilka madaxtinimo dowlad Goboleedka Galmudug Sareeyo Gaas cabdi xasan Cawaale qeybdiid  ayaa ugu hanbayeeyay sida aay iskugu xiranyiim Ururka dhalinyaradaGalmudug  ulanaha shaqeeyaan wasaarada shaqada shaqaalaha dhalinyada iyo ciraaraha asagoona intaas ku dharey dhalinyarada galmudug aay isku aragti ka noqdeeyn Siyaasada Galmudug.

Sikastaba aheetee kulankaan ayaa ah kulan khamiis le ah Oo aay intabada Oo aay soo qaban qaabiso wasaarada shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Goboleedka Galmudug.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|