Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Kolonyo Al-Shabaab ah oo diyaarado dagaal ku duqeeyeen Jubada Hoose.

July,7,2012 www.Hobyoradio.com

Kolonyo Al-Shabaab ah oo diyaarado dagaal ku duqeeyeen Jubada Hoose.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn xoogan oo diyaarado dagaal ay la beegsaddeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo iyo saraakiil sar sare oo Shabaab katirsan.

Diyaaradahan dagaal oo la rumaysan yahay in Kenya ay leedahay ayaa gobolka Jubada Hoose ku duqeeyay gaadiid ay la socdeen ciidamo Shabaab ah Waxaana Sargaal katirsan ciidamada dowlada KMG uu xaqiijiyay in duqeyntan ay ka dhacday deegaanka Caga-libaax ee gobolka Jubada Hoose, Waxaa uu tilmaamay in kolonyada Shabaab ee duqeynta lala eegtay ay la socdeen ciidamo iyo saraakiil Shabaab ah.

“Duqeynta waxaa lala beegsaday kolonyo ciidamo Shabaab ah oo marayay deegaanka Caga-libaax, waxaana halkaas looga dilay in kabadan 11 dagaalyahan" Ayuu sheegay Aadan Axmed oo kamid ah Saraakiisha dowlada ee Jubadda Hoose.

Sargaalkan ayaa sidoo kale tilmaamay in duqeyntaas ay ahayd mid lala bartilmaameedsanayay Shabaab ayna kuwa dhintay ku jireen Saraakiil sar sare.waxa uuna itaasi ku daray in weerarada noocaan oo kale ah ay sii soconayaan ilaa alshabaab laga sifaynayo wadanka soomaaliya

Dhanka kale Xarakada Shabaab ayaa xalay weerar xoogan ku qaaday gudaha deegaanka Taabta ee gobolka Banaadir,ayadoona Weerarkaasi lasoo sheegayo in uu khasaaro gaystay waxayna Shabaab gudaha ugaleen deegaankaasi.

Xaalada ayaa haatan ah mid dagan inkastoo ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya ay howlgalo ka wadaan gudaha Taabda, isla markaana ay dagaalo culculus ay ku dhex mareen marar farabadan ciidamada DKG ah iyo kuwa alshabaab,waxaana Ciidamada Kenya oo dhowaan ku biiray howl galka AMISOM, oo ay wehliyaan ciidamada DKG ah  iyo Raaskambooni ayaa dagaalo ka wada deegaanada Jubooyinka, halkaasoo Al-Shabaab kala wareegeen deegaano dhowr ah.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|