Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

PUNTLAND OO SHAKI GALISAY CAASIMAD AHAANTA MAGAALADA MUQDISHO EE SOOMAALIYA​

July,7,2012 www.Hobyoradio.com

PUNTLAND OO SHAKI GALISAY CAASIMAD AHAANTA MAGAALADA MUQDISHO EE SOOMAALIYA​

Maamul Goboleedka Puntland ayaa si weyn uga hadlay hadal dhowaan kasoo yeeray Duqa magaalada Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamud Axmed Nuur Tarsan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Maxamud Tarsan oo warbaahinta kula hadlaayay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay dhigi doonaan Banaanbaxyo waa weyn hadii Dastuurka qabyada aan lagu soo darin in Muqdisho Caasimada soomaaliya ay tahay.

Arintani ayaa aad oga yaabisay Shacabka Soomaaliyed iyo Indheer garadka kadib markii 16-ka Cutub ee Dastuurka qabyada uu ka kooban yahay laga waayay gabi ahaan in Muqdisho caasimad ay tahay.

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Hawlaha Guud ee Puntland oo la hadlay saxaafada  ku sheegay in aysan qasab ahayn in magaalada Muqdisho ay noqoto waligeed Caasimada dalka Soomaaliya, waxaana arinta noocaan oo kale ah ay keeni karto isqabqabsi hor oo ka dhex bilaabanaya shacabka soomaaliyeed.

Cabdi Shakuur Mire Aden oo ah Wasiir kuxigeenka hawlaha guud ee maamulka Puntland ayaa dhanka kale sheegay in Dastuurkii 1960-ki aan lagu xusin in Muqdisho Caasimad joogta ah noqon karto.

” Wax waajib yaan laga dhigin, Muqdisho Caasimad waligeed jirta ma noqan karto, dastuurka Lixdanka laguma xusin in xitaa Muqdisho caasimad ay tahay” ayuu yiri Wasiir kuxigeenka hawlaha guud ee Puntland,”

 "Shacabka Soomaaliyed waa oran karaan meel Hebal Caasimad halaga dhigo oo Muqdisho hanagala badalo lakin ma’ahan micnuhu in Muqdisho waqti kastaahi u taagan tahay Caasimad,” ayuu ku daray Wasiirkan maamul Goboleedka Puntland kamid ah.

Hadalka Cabdi Shakuur Mire Aden ayaa kusoo aadaya xilli Duqa Caasimada Muqdisho uu sheegay in Muqdisho caasimada kowaad tahay aan lagu xusin Dastuurka cusub, taasina ay kasoo horjeedaan.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|