|
Qaar ka mid ah golaha wasiirada Galmudug oo ka hadlay doorashada Madaxtinamada Galmudug.
July,7,2012
www.Hobyoradio.com


Qaar ka mid ah golaha wasiirada Galmudug oo ka hadlay doorashada Madaxtinamada Galmudug.
Qaar ka mid ah golaha wasiirada Galmudug ayaa qaabab kala duwan uga hadlay xilka doorashada Madaxtinamada dowlad gobaleedka Galmudug oo haatan qabanqaabadeedu ay ka socoto deegaanada Galmudug waxaana jira khilaafaadyo u dhaxeeya madaxda sare ee Galmudug.
Wasiirka gaadiidka cirka-dhulka iyo iskaarsiinta Galmudug C/llahi Salaad Yarow ayaa uga warbixiyay Warbaahinta Hobyo dareenkiisa ku aadan doorasha madaxtinimada waxa uuna asheegay in Xukuumada haatan jirta uu waqtigeedu ku egyahay bisha febraayo ee sanadka so socda isgoona tilmaamay in Dastuurka Galmudug uu qorayo waqtiga ay ku egtahay xukuumada haatan jirta 2013.
“Gudoomiyaha baarlamaanka waxba ma kala diri karo,madaxwaynaha ayaa wareegto soo saari kara Waxna kala diri kara”ayuu yiri Wasiirka gaadiidka cirka dhulka iyo isgaarsiinta Galmudug C/laahi Salaad Yarow.
Sidoo kale waxaa arinkaasi doorashada uga waramay warbaahinta Hobyo ee magaladda Galkacyo wasiirka isportiga Shaqada iyo shaqaalaha Saadaq Daahir Mire isagoona qaba fikrad taas ka duwan oo ah in uu Aaminsanyahay xukuumada isagu uu ka mid yahay ay ku egtahay 1-da bisha august islamarkaana Baarlamaanka iyo xukuumada uu ku waafaqsanyahay waqtigaasi lagu balamay, “Kolayba xilka waa iska Jiid jiid, doorashaduna waa ay dhacaysaa waqtigii loogu tala galay,” ayaa wasiirka hadalkiisa ku soo Gaabiyaay.
Sikastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horaysay oo hadalo nuucaan oo kale ah ay kasoo baxaan qaar Ka mid ah golaha wasiirada Galmudug, shalay ayaa wasiirka arimaha gudaha iyo amniga shir jaraa’id oo Uu ku qabtay magaalada Gaalkacyo uu ku sheegay in xukuumada ay waqtigeedu ku egyahay bisha Febaraayo ee sanadka so socda , inkastoo hadaladan ay dhabar jab u keeni karto hannaanka iyo geedi Socodka maamulka Galmudug.
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|