Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Ardayda Jaamacadda Mudug University oo maanta u fariisatay imtixaanka guud ee sanadkan.

July,7,2012 www.Hobyoradio.com

Ardayda Jaamacadda Mudug University oo maanta u fariisatay imtixaanka guud ee sanadkan.

Ardayda dhamaan wax ka barata kuliyadaha iyo qaybaha kala duwan ee Jaamacadda Mudug University (MU) ayaa waxaa u bilaawday maanta imtixaankii 2012 ilaa 2013 kuwaasi oo maanta si rasmi ah u fadhiistay imtixaanka guud.

ardaydan oo isugu jiray wiilal iyo gabdho kuwaasi oo dhigta kuliydaha kala gadisan oo ay jaamcada Mudug University (MU) ay dhigto isla markaana ay bartaan ardaya maanta imtixaanku u bilowday ,kuliyadaha ay jaamacadu dhigto ayaa waxaa ka mida computer sceince information technology, social science, Mathematics & physics, Economics, Business Administration, Accounting iyo  Public Administration, ardayda Mudug University (MU) ayaa waxa ay dhigtaan kuliyadaha aan soo sheegnay.

Sidoo kale ardaya maanta uu u bilowday imtixaanku ayaan mar aan makarafoonka la dhexqaaday  inooga waramay dareenkooda sida imtixaanka maanta u bilowday.

“Aniga dareenkaygu aad buu u fiicanahay inkastoo aan imtixaan galayo hadana waan faraxsnahay laakin ilaahay waxaan ka baryayaa in uu ifududeeyo aamin “dhanka kale mid kamida gabdhaha ayaa ka dhiibatay fikirkeeda iyadoo sheegatay”Maansha alaah waaye maanta waayo waxaan galayaa imtixaankii anoo caafimaad qaba insha allaah waxaan rajaynayaa in uu ii fududaan doono aamin “Dareenka aradaydu aad ayuu u fiicnaa waxaa ilaalinayay macalimiin badan oo soomaali iyo ajaanib ah oo wax ka dhiga Jaamacadda iyagoo ka ilaalinayay inay sameeyaan qish ama si hoose inay wax isugu dhiibaan waxay u fadhiyeen si habsami leh iyagoo aan isu dhawayn qofba qofka kale isu daba fadhiya layna kujira si aysan ardayda kale u kala qishin imtixaanka waayo way kala durugsan yihiin.

Maamulaha jaamacada Mudug University (MU) C/rashiid Xanafi Xaaji Cabdi Suldaan oo u waramay warbaahinta Hobyoradio ayaa waxa uu ka hadlay imtixaanka maanta ka furmay jamacada MU isagoo sheegay in ay maanta faraxad u tahay ardaydiina u fadhiyaan imtixaanka “waxaa sharaf inoo ah in maanta ardaydaydii ay imtixaankii u fadhiyaan isala markaana ay galayaan waxyaabihii lasoo baray”.

Ugu danbayntii Jaamacada Mudug University (MU) waxaa la furay sanadkii 2010/10/10 waxana ay ka kooban tahay kuliyado farabadan oo leh takhasusyo kala duwan iyo barnaamij darasadeed sare,Jaamacada  ayaa leh aqoon aad u saraysa oo wax ku oo leh waxayna aqoonsi caalami ah ka haysataa jaamacadaha caalamka xiriir wanaagsana ay la leedahay.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|