Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

DAYACA IYO DARYEEL LA'AAN CIIDANKA XOOGGA DALKA.

July,7,2012 www.Hobyoradio.com

DAYACA IYO DARYEEL LA'AAN CIIDANKA XOOGGA DALKA.

Mahad oo dhan Alah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo Nabadgelyo(suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiis).

*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimda iyo Cadaalada codka,damiirka iyo dareenka wadaniyiinta diintood,dalkooda iyo difaacida karaamodooda u taagan,gunimo diidka ah,qiimaha iyo qaayaha qaranimadda garanaayo iyo macaanka xornimadda oo feejignaan leh isha ugu hayo xaaladaha wajiyada kala duwan leh oo ka dhacaaya dalkeena hooyo,jaha wareerka siyaasadeed, muranka iyo khilaafka danaha gaar ahaaneed ku saleeysan,hab xeeladeedka farsameeysan oo hantida lagu dhacaayo(Xatooyadda) dayaca,rafaadka iyo xaaladaha naxdiintooda leh heysta Xoogga Dalka(Ciidanka Qaranka), Caafimaadka, Waxbarashadda, Agoomaha iyo Naafadda iyo Dadweynaha barakacsan.

*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed-waxeey si weyn ugu dhaliilaayaan Xukuumadda KMG ah dayacida,daryeel la'aanta,qalab xumadda iyo dhaqaale xumadda xad-dhaafka ah oo ka muuqda ciidanka xoogga oo ah naftood hudhayaasha safka hore ku jirra(dhimashada iyo Dhaawaca joogta ah la kulmaaya)halka qoysaskoodii nolol aad iyo aad u liidata ku jiraan intooda badan marka laga yimaado dhoowr ama in yar oo ka mid ah saraakiisha sarre(Wasiirka iyo Madaxdda sarre ka ag-dhoow).

*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed-waxeey masuuliyad daro weyn,dareen la'aan iyo damiir xumoba dusha uga turaaynaa-Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga KMG iyo Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada oo si cad oo aan la qaadan kareeyn u gabay masuuliyadii qaran ka saarneyd Ciidanka Xooga Dalka Somaliyeed oo weliba intii muddo ah dagaalo culeeyskooda leh oo eey guulo waaweyn ka soo hooyeen kula jiray Kooxaha nabad-diidka ah(iyadoo duruufo adag iyo xaalad dayac ku

jirra).

*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed-waxeey wax laga naxo ku tilmaaman dayaca,dhaqaale daradda iyo qalab xumidda Ciidanka Xooga Dalka oo ah kuwa safka hore ku jirra iyo daryeelka,taakuleeynta iyo u harag bixida loo sameeyo Ciidamdda Amison-ka oo safka 2-aad dagaalka kaga jirra taas micnaheedu waa kuwa Amisan masuulin xilkas ah oo ciidankooda isha ku haya ayaa ka dameeya, halaka kuwa somaliyeed cid ka dameeysaa ama masuuliyad iska saartay xilkooda jiriin(ayaan Darro iyo garasho xumo).

*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey dhowaan soo xaqiijiyeen in Ciidanka Xooga Dalka Somaliyeed si joogto ah u helin mushaarka yar oo loo qoondeeyeey,dhanka deriiskana si weyn uga dayacan-yihiin,mana heeystaan waxyaabaha asaasiga ah sida maro-kaneecada, bustayaasha,gogosha fuduud oo lagu seexdo iyo maacuunta cuntada,halka illaalada Wasiirka ama Ra'isal Wasaaraha,Gudoomiyaha Golaha Barlamaanka fadhiidka ah iyo illaalada madaxtooyadu ama kuwa sida gaarka u illaaliyadda guryaha masuuliinta ku jiraan nolool gaar ah iyo daryeel khaas ah(kan safka hore ku jiraana dayacan yahay)

*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey kale oo baaritaan ka dib soo ogaadeen dayaca ka jira xeryadda ciidamada(dhanka dhismayaasha, Qalabka,Daryeelka adeegyada, raashiinka ,qalabka tababarada,dhanka daryeelka caafimaadka iyo nadaafadaba(intaas iyo kuwo kelaba waxeey tusaale cad u tahay daryeel la'aanta iyo dayaca heeysta Ciidanka Xoogga Dalka)waana xilkasnimo daradda masuuliinta.

*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed marna kama aamusi karaayo dhaliilaha jira iyo dayaca masuuliyada qaran oo amaanadda ah waana dhaxal meel u yaal hogaanka sarre xukuumadda KMG ah iyo cid walba oo gacan ku yeelada ama qeyb ka noqon kareeysa xil gudasho xumada jirta(halkee aaday dhaqaalaha loo qorsheeyeey Ciidanka Xoogga)

waxaa jawaab laga sugaayaa Masuuliinta arrintu khuseeyso.

-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-

-Afhayeenka Guud:-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed

Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda.

-Jullay-06-2012.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|