Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
Faalo katarjumeysa Culumada Galmudug  iyo fikirka Waxbarashadooda!!‏ Beeni Raad maleh by Caydiid jubba.

Jun,7,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso

Faalo katarjumeysa Culumada Galmudug  iyo fikirka Waxbarashadooda!! Beeni Raad maleh by Caydiid jubba.


Waxaa xusid mudan in latilmaamana ubaahan Olaolahii ay dhawaan sameeyeen Ardayda ka qalin jabisay Dugsiga sare ee S.Y.L taasi ay ku gaareen Deegaano Badan oo ay kataliso Galmudug,Intaasi waa hordhicii Hadalka laakiin Biyo dhaco waa kan.


Iyadoo ay wareegayaan Magaalooyinka iyo Dalalka ay ku suganyihiin Bulsha weynta Reer Galmudug in ay Culuma'udiinka ay Dadka Galmudug ka horjoogsadeen Waxbarashada dhinacyadeeda kala duwan ayaa hadana Safarkii ay dhawaan sameeyeen Ardayda S.Y.L ay soo xaqiiqowday waxa ka run ah arinkaasi.


Safarkii inta ay kuguda jireen ayay Ardayda waxa ay ugu horeen wajahayeen Culuma'udiinka iyadoon Culuma'du ay ku soo dhaweynayeen Marxabeen iyo Aqbalaad buuxda oo ku aadan Barnaamijkii ay wadeen Ardayda,hadii aan mid iyo labo katilmaamo Culumada ay Ardaydu lakulmeen Ugu horeyntii ayay Ardayda Kulan Wadaag ay lasameeyeen Sh.Muxidiin Sh.yuusuf Barre waxa uuna Ardayda ku bogaadiyay in ay horey usii wadaan islamarkaana aysan ka caajisin Barnaamijkaan qiimiga weyn ku fadhiya Aduun iyo Aaqiroba.


Intaasi kadib Ardaydu Waxa ay gaareen Degmada Galinsoor halkaasi ay kula kumeen Sh.Xasan Jaamac dheere waxa uuna shiikhu uu Ardayda ku dhiiri galiyay in ay Bulshadu ay ubaahantahay Waxbarasho iyadoona uu Shiikhu xusay in Jaahil uusan wax khayr ah ku laheyn Aaqiro iyo Aduunba,Sidoo kale waxa ay kula kulmeen Degmada Ceel-dibir Sh.C/laahi Aadan Barre iyadoona shiikhu uu maray wadadii shaqsi aqoon leh laga rajeunayay,kulan ay sidoo kale ardaydu kula qaateen Degmada Wisil Sh.Axmed waxa uuna tilmaamay Qisooyin katarjumaya Wanaaga iyo Faaidada Waxbarashada.


Aqbalaada,soodhaweynta,taageerida iyo baraarujinta Waxbarasho oo ay Culumadu hormuudka ay ka yihiin ayay waxa ay dhabarka kajabineysaa wararkii sida hoose suuqa looga gadahayay ee tilmaamayay in Culumadu ay Waxbarashada Maadiga ah ay udiidanyihiin Dadka iyo Deegaanada Galmudug taasi oo kucad Warbixinta in ay culumadu ay taageersanyihiin Hormarka.


Halkaasi waxaa banaanka ugu soo baxay in ay fashilmeen Dadkii beecinayay diidi taanka beenta ah ee laga dhoodhoobay Culumada waana biya dhaca Hal ku dhiga Warbixinta {Beeni Raad malleh}
 
Ugudanbeentii Culuma'udiinka ayaa waxa aya laf dhabar uyihiin Reer Galmudug iyagoona ku hogaamiya Dhinacyo badan oo ay ugu horeyso dhanka Diinta iyagoona haatan dhexda marada ugu xirtay in ay hogaanka uqabtaan howlaha Waxbarashada maadiga ah.
 

Caydiid mohamed Ali {jubba}
Ceydiid114@hotmail.com
Tell:2525-624334

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|