![]() |
||
|
|
||
|
Maamulka Gal-Mudug Ayaa Jawaab Kulul Kabixiyaya Warar Been Abuura Oo Dhawaan Lagu Daabacay Internate Ka.
July,5,2008 www.Hobyoradio.com
Afayeenka maamulka Galmudug ayaa sheegay inay ka xumaadeen war qoraal aha oo umuuqda mid lagu doonayo in lagu dacaayadeeyo idaacda codka mudug ee magaalada gaalkacyo kaas oo sida lagu qoray qaar ka mid ah bogagga internate laga soo xigtay agaasimihii hore ee idaacadda codka Mudug Cilmi Kulan Geedi.
Afyeenka maamukla Galmudug Mudane Axmed Baasto oo lasoo xiriiray barnaamijka tusmada ee idaacada codka mududg islamarkaana waraysi dheer siiyay idaacada ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay warka uu kutilmaayay inuu yahay mid ay qoreen dad ujeedooyin gaara leh doonayana in meel looga dhaco sharafta bulshada ay idaacadu wax ubaahiso “ninkii horay u ahaa agaasimaha idaacada ee lagu magacaabi jiray Cilmi kulan Geedi waxa maamulka Galmudug uu ogyahay xaqiiqaana ah in uu lunsaday hantidii idaacadda gaar ahaan xaqii shaqaalaha idaacadda ee baahida ku shaqaynayay mudada ka badan 2 sano midda kale warka lagu qoray wabka Dayniille .com uuna sheegay inuu kasooxigtay aqoonyaano udhashy deegaanada Galmudug in uu yahay been abuur danbi aduun iyo mid aaqiraba looga galayo aqoonyahanadaas oo maamulku uu la xariiray is kana fogeeyeen warkaas lagu dacaayadeynayay idaacada codka mudug gaar ahaan wasiirka warfaafinta Galmudug C/qaadir Cali Jaamac (Qalab xoor)”ayuu yiri afyenka dowlad goboleedka Galmududg Axmed Baasto Si kastaba ha ahaatee waxaa isi sootaraya cambaaraynta loo jeedinayo qoraal ka lagu qoray website yadaas oo ay ka soo xiganayeen sida ay shaaciyeen qaar ka mid ah wariyaasha idacadda codka Mudug, aqoonyahano somaliyeed oo umuuqda kuwa laga been abuuray iyo cilmi kulan geedi oo isagu arimahaas kala jeetay ujeedooyin dacaayad abuur ah iyo si uu u daboolo danbiyo uu ka galay shaqaalaha Codka Mudug Radio iyo gobolka Mudug guud ahaan.
Idiris C/kariim Nuur
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||