Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Drs. Ayaan Ahmed M.W. Galbeyte oo loogu sameeyay welcome magaladda Toronto ee dalka Canada

July,5,2012 www.Hobyoradio.com

Drs. Ayaan Ahmed W. Galbeyte oo loogu sameeyay welcome magaladda Toronto ee dalka Canada

Waxaa magaladda Toronto ee dalkaasi Canada soo gaaray Drs. Ayaan Ahmed Warsame Galbeyte oo mid ah jaaliyadda Sweden,Drs. Ayaan waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaladda Toronto ayadoo ay airpoorka oga hortageen ehelada iyo asaxaabta Drs.Ayan ee reer Toronto.Canada. Xaflad siweyn loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Toronto kaasoo ay kasoo qaybgaleen asaxaabta iyo ehelada Drs. Ayaan  Ahmed W. Galbeyte oo si farxadi ku dheehantahay usoo dhaweeyay.

Xaflada markii Cashadu dhamaatay waxaa hadalo soo dhaweyn ah ka soo jeedisay Safiya Xersi Marwada Xusen Ducaale Kaahiye,Marwarada Abdulqadir EX Awilo Salad,Marwada Osman Ducale Khadra Yasiin ,Marwada Dahir Muse Sahra abdulqadir,Marti sharaf kale oo ay ka mid ahayd Asha Cuud,Luul Ali.Dhamaan Ehelka halkaasi  ka waraysteen howsha Wanaagsaan iyo Tacliin Jeceylka ay la soo ifbaxday Drs.AYAAN AXMED waxayna u rajeeyeen Nolo wanaagsan iyo Caafimaad.Waxaa Xafladaas Door wacan ka qaatay JAAMICIGA Gaalkacyo iyo Hargeysa ku soo noolaa oo Labadii Sanoo la soo dhaafay halkaas ku noolaa ugana sheekeeyay siduu ugu noolaa meeshaas iyo Xaalada iyo dhaqanka Soomaalida si wanaagsan waa ugu riyaaqeen waana soo dhaweeyeen AVENTUURADIISA Waaya aragnimada leh.Lagama sheekeyn karo sida Qadarinta iyo Muxubada leh oo AYAAN ay kala kulantay xaabta  ku nool Canada. Dadkii halkaasi isugu yimid ayaa ku bogaadiyay Drs Ayaan waxqabadkeeda kuna booriyay inay halkaasi kasii wado, ugu dambayntii Drs. Ayaan oo halkaasi ka hadashay ayaa ogaa mahadcelisay soo dhaweyntii wanaagsanayd ee ay u sameeyeen ehelada iyo asaxaabta reer Toronto,Canada,  Waxay ii tahay farxad inaan idin arko anagoo mudo badan isagu kaa dambaysay ayadoo hadalkeeda sidii wadata ayay tiri ehelada iyo asaxaabta waxaan inku boorinayaa in lagu dadaalo waxbarshadda dadka waaweyn iyo mida caruurta.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|