Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
Ciyaar si wada jira ah loogu maasuusay 1da Luulyo iyo guulaha uu gaaray heesaaga Kaynaan cabdi warsame ayaa kadhacday Garoonka Ciyaaaraha C/laahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo

Jun,5,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso

Ciyaar si wada jira ah loogu maasuusay 1da Luulyo iyo guulaha uu gaaray heesaaga Kaynaan cabdi warsame ayaa kadhacday Garoonka Ciyaaaraha C/laahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo

Waxaa maalintii khamiista kusoo gabagabobay garoonka c/laahi ciise koobkii lagu xusayay malinta 1da luulyo oo ah maalintii ay xornimada qaateen gobalada koofureed iyo sidookale taageero loohayo fanaanka soomaaliyeed keynaan cabdi warsame.

Waxaana koobaankan sooqaban qaabiyay gudiga olympica-da galmudug oo uu horkacayo gudoomiya olympica-da galmudug c/qaadir xasan cawaale goos waxaana ciyaartii lagu maamuusayey 1da luulyo Wada ciyaaray kooxaha xidigaha iyo xulka

Waxaana ay halkaas kusoo bandhigeen ciyaar wanaagsan iyadoona koox kastaa ay muujisay didaal iyo Kubad wanaag

Waxaana qaybtii hore usuura gashay kooxda xidigaha inay helaan gool rigoore ah waxaana goolkaas Usaxiixay ciyaaryahanka lagu Magacaabo xujaale qaybtii hore waxaa lagu kalanastay 1-0 oo ay Hogaanka kuhayso kooxda xidigaha qaybtii danbe markii laisku Soolaabtay waxaa dardaro lasoogashay Sroonka kooxda xulka oo muujisay didaal dheeeri ah balse umasuuragalin iney wax gool Ah helaan Waxayna kusoo idlaatay 1-0 oo ay koobkii kuqaaday kooxda xidigaha.

Masuuliyiinta kala ah Wasiirka waxbarashada Galmudug Burhaan Warsame.Guddoomiyaha Olympicada GalMudug Cabdulqaadir Xasan Cawaale iyo Mahdi Maxamed Cilmi oo ka socday bulshada Rayidka, oo munaasabaddaasi ka hadleen ayaa waxey xuseen halgankii loo soo maray xorriyaddii 1960kii ee Soomaaliya iyo midowgii gobollada Waqooyi iyo Koofur

Waxaana koobkii  quruxda badnaa kooxda xidigaha  gudoonsiiyay gudoomiyaha olympicada galmudug mudane c/qaadir xasan Cawaale [Goos] oo ugu baaqay in lahormariyo ciyaaraha galmudug isla markaana loobaahan yahay in lala shaqeeeyo gudiga Olympicada galmudug iagoona hambalyo udiray kooxdii kooba qaaday iyo waliba kooxda laga guulaysta

Waxaa sidookale halkaa kusugnaa masuuliyiin katirsan maamulka galmudug oo uu kamidyahaa wasiirka waxbarashada dowlad Gobaleedka galmudug mudane burhaan warsame cigaal oo isna halkaa hadalo qiirale kajeediya isagoona sheegay in loobahan Yahay in ladhiso garoonka c/ciise oo haatan ay kamuuqato dhibaato aad ubaahsan oo haysata garoonkaas

Waxaa sidookale  halkaas kahadlay gudoomiyihii hore ee sports-ka galmudug yoonis xasan diini oo hambalyo udiray fanaanka Caanka ah ee soomaliyeed keynaan cabdi warsame waxa uuna kutilmaamay halyey weyn oo umada soomaaliyeed sumcad usoo Hooyey isagoona sheegay in uu yahay nin kudayasho mudane.

Ugu danbeyntii waxaa halkaas kahadlay mahdi maxmad cilmi  oo kamid ah ururada bulshada rayidka ee kajira magaalada Gaalkacyo wuxuuna sheegay inuu kufaraxsan yahay koobkan lagu maamuusayo 1da luulyo oo ah maalin kuweyn umada Soomaaliyeed isagoona sidookale erayo amaan ah ujeediyay fanaanka caanka ah ee soomaaliyeed keynaan cabdi warsame

Isku soowada duuboo waxaa koobkaas iyo abaal marinadiiba ay kusoo dhamaadeen jawi wanaagsan

W/D.burhaan cabdulaahi xaashi] hobyo radio

Email burhaan712@hotmail.com

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|