Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Munaasabaddaha maalmaha Xorriyada Soomaaliya ee 26ka jun iyo 1da luuliyo oo sanadkaan 2012ka

July,3,2012 www.Hobyoradio.com

Munaasabaddaha maalmaha Xorriyada Soomaaliya ee 26ka jun iyo 1da luuliyo oo sanadkaan 2012ka looga xusey caalamka si ka duwan sanadii hore

Sanadkan 2012 ayaa Munaasabaddaha maalmaha Xorriyada Soomaaliya ee 26ka jun iyo 1da luuliyo waxaa Dalkeena Soomaaliya iyo Caalamka dhamaanba looga xusey si ka duwan sidii horey Loogu Xusi Jirey.

Haddaba waxaan rabaa aqristoow inaan falanqeeeyo sababta sanadkaan uu uga duwanaadey sanadihii hore.

Dalkeena waxa uu soo marey xaalado kala duwan oo aad u adag muddo ka badan 20 sano ayaan la helin nidaam saxa oo dowliya taasoo dhalisey in munaasabaddaha maalmaha xorriyadda marba si loo xuso waxaase ugu darnaa markii xukunkii adkaa ee Alshabaab uu inta badan dalka gacanta u galey kuwaasoo diidey in la xuso taariiqahii qaaliga ahaa iyagoo xaqirey halgankii lama ilaawaanka ahaa ee dhiiga badan u soo daatey kaasoo aan ku hananay xorrnimada aynu maantey haysano sidoo kale waxey gubeen Calankeenii lixdankii lixsaac oo habeenimo la surey ciideena hooyo, taasi waxey murugo aad u weyn iyo fajacba ku ridey dadkii soomaaliyeed ee wadiniyiinta ahaa kuwii ku noolaa dalka gudihiisa waxey noqdeen kuwo cabursan aashuun ku adin ah wey niyad jabeen jirooyinkii heleyna waxaa loo waayey dhaqtarkii dabiibi lahaa waxay u xanuunsadeen calankii baluuga ahaa oo dhibka badan loo soo marey markii ay arkeen halka uu marayo xaalkiisa in badan ayaa geeriyoodey kuwaa maskaxdii waayey kuwo kalana way iskaga huleeleen dalkoodii hooyo iyagoo raadinaya meel u dhaanta, kuwii qurbaha soo galey waxay sameeyeen dadaalo badan waxeyna go,aansadeen in aysan waxba qarsan oo ay boorka ka qaadaan calanka intii ay awoodaan ayagoo intoodii abwaanada aheyd ku cabbirey maansada dadkana dareensiinaya in aan la quusan oo maalin uun si xor ah loo xusi doono xorriyada.

Dadaaladii la sameeyey waxaa ka mid ahaa in qurbaha kala geddisan lagu xuso maalmahaan qaaliga nagu ah waloow aysan ahayn kuwo markaas si weyn loo dhigi jirey waxaa marnaba ka fariisan in maalmahaas la muujiyo Suugaanleyda soomaaliyeed oo kaalin weyn ka qaatey sidii ay bulshada u fahamsiin lahaayeen weyneynta maalmahaan, Saxaafadda iyo Qalinleyda soomaaliyeed oo marwalba bulshada u gudbin jirey, Ururadda bulshada rayidka ah , iyo ardeyda Soomaaliyeed oo meelo kala duwan u joogo waxbarashada oo iyaguna Kaalin weyn oo lama ilaawaan ah ayeey ka qaateen.

Isku soo wada duuboo ka dib guulihii ay gaartey Dowlada KMG ah ka saaridii Alshabaab laga saarey meelo badan oo dalka ka mid ah oo ay ugu horeyso magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa markale u soo if baxay ummadii saansaan Nabadeed waxaa meelo badan mar kale dib looga taagey calankeenii wadaniyiintii ayaa mar kale u jidboodey dhulkoodii iyo calankii qurxoonaa waxay Dowladeenii ku dadaashey soo celinta Nabadii iyo sharaftii Calanka Waxaa dib loo yagleeley xarumihii warbaahinta sida Telefishinkii Qaranka waloow uu raadiyo muqdisho horey u shaqeynaayey Intii ay dowlada kmg ah shaqeyneysey waxyaabaha ay xooga saartey taariiqdana ay xusi doonto ayuu ka mid yahay Tvga qaranka waxaa markale dhagihii shacabka dib ugu soo laabtey suugaantii wadaniga aheyd oo ay ka mid tahay suugaantii loogu talogaley Xorriyadda iyo qiimaha ay leedahay Maalmahaan Qaaliga nagu ah.

Waxba yuu qalinka ila taginee aan u soo daadago dulucda qormadeyda oo aan ugu talo galey inaan ku eegno maalmaha Munaasabaddaha xorrnimada Soomaaliya sida sanadkaan uu uga duwanaaday sanadihii tagey Waxaa Muqdisho iyo meelo kaloo badan oo Soomaaliya ka mida loogu xusey si aan horey loogu maamuusin waxaa la sameeyey banaanbaxyo aad u waaweyn oo ay ka hadleen dad mas,uuliyiin ah kuwo taariiqdaas joogey oo bulshadii yaryareyd uga sheekeynaya sidii lagu heley xorrnimada aynu maantey harsaneyno waxaa la soo bandhigey ciyaaraha qeybahooda kala gedisan ee aan dhaqanka u leenahay iyadoo ay ka qeyb qaadanayeen warbaahinta Soomaaliyeed kuwa dowlada iyo kuwa gaarka loo leeyahayba waxaase xusid mudan Radiyo muqdisho iyo Talefishinka qaranka sidii ay u soo gudbinayeen munaasabadaha Quruxda badan, annagoo dhageysaneyney amaba daawaneyney suugaan hor leh oo cusub looguna talogaley munaasabadahaas , Dhanka qurbaha hadii aan jaleeco waxuu ahaa sanadkaan mid si weyn uga duwan sanadihii hore sababta oo ah waxaa lagu qabtey meelo aan horey loogu sameyn jirin munaasabadaha sidoo kale waxaa la sameeyey banaanbaxyo aad u waaweyn maalintii oo dhan la isku soo baxayey waxaa farxad iyo ciyaaro kala duwan loo sameeyey ubadkii yaryaraa ee ku dhashey qurbaha ayagoo la barayo sida ay noogu weyn tahay waxaan kaloo aan aad ulla yaabey markii aan arkey ilmo yaryar oo ku dhashey qurbaha ka qeyb qaadanaya ruwaayado ka hadlaya xorriyada kana sheekeynaaya waxa ay yihiin maalmahaan sida lagu heley xornimada sida loogu soo halgamey waxyaabaha lama ilaawaanka ah waxaa ka mida sida qof walba oo soomaaliyeed u jecelyahay Calankeena buluuga ah ayagoo raba dhamaan iney isku masawiraan ayna ku faanaan dhalinyarada qaarkood waxey ku sameysteen calanka wajiyadooda, Aad ayaan ugu farxay isbedelkaan arkey sanadkaan iyo sida dadkii ay u sii fahmayaan wadaniyada in kastoo ay weli jiraan qaladaad yaryar oo aan ku arkey wadamadaan qurbaha waxaan aad u dhaliiley meel ka mid ah meelahii aan uga qeyb qaatey munaasabada markii aan arkey in ay aad u yaraayeen heesihii munaasabadaha iyo kuwii wadaniga halka laga dhigey heeso jeceyla iyo kuwo amerikana qoobka ciyaar ayadoon laga sheekeyn waxa ay tahay munaasabada Qiimaha ay inoo leeyihiin Maalmahaan sidii lagu heley Xorriyaddan waxaan ku wacyi gelinayaa Jaaliyaddaha soomaaliyeed ee ku howlan sameynta Munaasabdahaan oo kale iney adkeeyaan hadafka loo sameeyey howsha ay markaas hayaan.
Guntii iyo gunaanadkii waxaan dhihi karnaa sanadkaan 2012ka waa sanad Nabadeed sanadkii isbedelka waxaana u saadaalinayaa inuu noqdo bilowgii Nabadda, Horumarka, Cadaalada.


W/Q. Fardowsa Sh Xassan Kuriya

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|