|
Booqasho rasmi ah uu Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug ku Mudane Xasan M. Hayl ku yimid Arizona.
Jun,29,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug
Dhagayso
wararkii
Idaacada
Hobyo ee
Jan,19,2010
Dhagayso
Booqasho rasmi ah uu Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug ku Mudane Xasan M. Hayl ku yimid Arizona.




Max'ed Ahmed Urur


Cumar Ahmed
Habeenkii xalay waxaa jaaliyadda Galmudug ee Arizona si diiran u soo dhaweeyeen Guddomiyahay barlamaanka Galmudug Mudane Xasan Maxamuud Hayl isagoo booqasho rasmi ah ku marayey Gobollo ka mid ah Waqooyiga Maraynkanka. Xafladaas oo si wacan u soo agaasimeen haweenka iyo Dhalllinyarada Jaaliyadda Galmudug ee Arizona. Khudbad so dhaweyn ah waxaa halkaas ka akhriyey Mudane Maxamed Urur ee ka mid ah asaasiyaashii dawladga Galmudug State.
Waxaa xigey khudbad dheer ee xog-warran ah ee Mudane Xasan Hayl halkaas ka jeediyey. Wuxuu guddoomiyaha ka hadlay waxqabadka Galmudug iyo mashaariicda horumarineed ee ka socota dawladda Galmudug, iyo isagoo tilmaamay in jaaliyadda Galmudug ee Arizona tahay mid ka mid xubnaha firfircoon ee muhiimka ah fulinta iyo dardargelinta mashaariicda dawladda Galmudug. Wuxuu Guddoomihaha ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in ay jaaliyadda dardar geliso qayb weyna ka qaadato mashaariicda ay ka midka yihiin dhismaha xarumaha madaxtooyada iyo barlamaanka ee dawladda Galmudug ee la doonayo in dhawaan laga hirgeliyo Magaalada Gaalkacyo.
Mudane Xasan Maxamuud Hayl wuxuu ku booriyey jaaliyada muhimadda ay leedahay isku duubniyad iyo midnimada xubnaha jaliyadda Galmudug taasoo keeni karto in ay xabadan oo horumar ka suurta gelin karto deegaanka Galmudug.
Waxaa kadib lagu soo gunaanaday xafldaas su’alo muhiim ah ee soo jeeddiyeen xubnaha Jaaliyadda Galmudug iyagoo si wacan ugu qanceen jawaabihii waafiaga ahaa ee guddoomiyaha ka bixiyey weydiimahaas.
Cumar Axmed
Cumar_axmed@live.com
Arizona, USA

|