![]() |
||
|
|
||
|
20 arday oo Somali ah oo ka qalinjabisay jaamacad ku taal dalka india
July,27,2008 www.Hobyoradio.com
Ardaydan ayaa ka kala yimaada gobolada dalka Somalia walow ardayda ka timaada koonfurta Somaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ey rajo/niyadjab xumo iyo wal-wal ka muujiyaan halka ey ula laaban lahaayeen aqoontooda madaama ay dhameesteen heerkooda jamacaded deegaanadoodiina ey ku jiraan xaalada xun iyo dagaal joogta ah.
Ardayda inteeda kale ee ka kala yimid gobolada Waqooyi, Bari, gobolada dhexe iyo jubooyinka ee Somaliya ayaa iyagu durbadiiba ku laabta deegaanadooda, walow ey iyaguna shaqooyin ku heleyn waxa ey soo barteen oo ey jaamacadaha uga bexeen maadaama uusan dalku laheyn
Ardayadaan dhameystay jamacada ayaa ka muragasan halka ay qaban lahaayeen mana ahan markii uga horesay ee ardey Somali ah oo ey tan oo kale ku dhacdo madaama ay wadankii ay wax u barteen aysan u laban karin dagaalo iyo dhibaatooyin kale oo jiro awgood. kuliyadaha; B.B.M dhanka kale waxaa xusid mudan in baryaan dalka india laga diiday baasaboorka somaligaa kaas oo markii hore ay ardada somaliyeed dalka ku soo gali jireen si ay wax uga bartaan dalkaan, arintaa ayaa waxaa lagu micneyay ka dib markii xoogaha muqalasiinta ay wax is dama marsiiyeen oo ay arday si sharci dara ah dalka ku soo galiyeen
phone No +919902650663 india Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||