TACSIDDA GEERIDDA-ABWAAN-CABDALLA NUURADIIN AXMED.‏

July,26,2008  www.Hobyoradio.com

 

Geeridu waa xaq-aduunkana cidi ku waari-meeyso,waxaan

Halkan Tacsi tiiraan yadeeda leh Qoys,Eheladii,Qarabadii,Asxaabi iyo Guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed Geeridda ku

Timmi-Abwankii Weyn.Suxufigii caan ah-Marxuum-CABDALLA NUURADIIN AXMED oo aqlabiyadda Ummadda Somaaliyeed aqoon fiican u leeyihiin,sanado badana dhegaheenu maqlaayeen Codka Marxuumka.

Anigoo ah Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)

kana mid ah bahda Qorayaasha Somaaliyeed ee dhanka Inter-netka,si gaar ahna uga hadla danaha guud iyo maslaxadda Ummadda,Anigoo ku hadlaaya Magaca Qoyskeeyga iyo midkeeyga Xassan ahaanba waxaan halkan ku xusaayaa in Marxuumku ahaa Abwaan weyn oo magac iyo maqaam weyn ku leh Suugaanta iyo

Hanaanka Curiinta Heesaha Somaaliyeed, Abwaan kaalin weyn ka soo qaatay jelidda Riwaayadaha Somaaliyeed gaar ahaan Banaadirigga,Weriye iyo Suxufi sida Qoraxdda u shaacay,si weyna loogu xasuusto xayeeysiiska weliba waqtiyadan damme,

Marxuum-Abdalla Nuuradiin wuxuu ka mid ahaa Weriyaashii caanka ahaa Raadiyo Muqdisho xigilii Dowladii Kacaanka, Intii ka dameeysay wuxuu ka soo shaqeeyeey-Idaacada Geeska Afrika iyo Tv-ga Universal.

 

Marxuun-Abdalla Nuuradiin wuxuu ahaa Muwaadin Somaaliyeed wadani ah waxaana tusaale u ah

in wuu diideey in wuu dalka ka baxo waqtiga burburka siina wadeey doorkiisii iyo adeegi warbaahinta door weyna wuu ka qaatay,waana mid wuu amaanteeda ku muteeystay Mahad-celin iyo amaan badanba-Geeridu waa axq-Marxuumkuna soo qaaday doorkiisii iyo masuuliyadiisii qarameed-Shacabkuna wuu

Xasuusan doonaa-Abwaankaas Geeriyoodeey iyo Guud ahaanba  kuwa Dhigiisa ahaa-Alle Naxariistii Jano Ha siiyo-aamiiin.

 

Geeriddu Waa Xaq-

-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-

-England-UK- 26/07/2008-

-sharifhassan50@yahoo.com-

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com