Dad ku Dhintay  Rasaas kooxo Hubaysan Ay la Beegsadeen Gaari Marayay Inta Udhaxaysa Gaalkacyo iyo Galinsoor

July,25,2008  www.Hobyoradio.com

Dad ku Dhintay  Rasaas kooxo Hubaysan Ay la Beegsadeen Gaari Marayay Inta Udhaxaysa Gaalkacyo iyo Galinsoor iyo ciidanka  GalMudug Oo Gacanta Ku Dhigatay kooxihii Gaystay Falkaas

2 ruux ayaa ku Geeryootay  Gaari kooo hubayasn ay Galinkii danbe ee maanta ku rasaas ku fureen isla markaana xili uu Marayay wadda isku xirta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta G/Mudug  iyo degmada Galinsoor ee G/Galgduud

Gaarigaan oo noociisu ahaa Market kana tagay Magaalada Gaalakcyo ayaa ku si jeedayay degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaana la sheegay in xili gaarigaasi uu Marayay Meel aan sidaas uga fogayn Galinsoor ay kooxaha dablayda ah rasaas la beegsadeen taasi oo Sababtay Geerida labad rux oo Gaarigaa Saarnaa

Labada qof ee Geeryootay ayaa ahaa rag Gaariga saarnaa Midkoodna darawal ka ahaa halka kan kalana uu haa nin kale oo la socday Mid ka mid ah labada ruux ee Geeryootay ayaa ahaa nin Gancsade ah oo can ka haa Goblada Mudug iyo Galgaduud laguna Magacaabi jiray Geesa weyne  wararka aan ka helayno deegaanka galinsoor ayaa sheegaya in Gaariga dadka lagu dilay oo ay saarnayd lacg badan oo kaash ah ay kooxaha dablayda ah doonayeen in ay dhacaan waxaana usuura Gashay in ay Gacnta ku dhigana lacgtii iyo Gaarigii kadib markii ay Goobtaasi ku geeryoodeen  labada ruux waxaan wararku intaas ku darayaan in Gaariga ay Saarnaayeen dhawar qof oo dumar ah balse aysan dhibaato soo Gaarin Galinsoorna ay hada ku sugan yihiin

Taliyaha Qaybta booliska Gobolka Mudug Max’d Nuur Cali Gadaar oo aan qadka telfonka kula xiriinay goor dhawayd oo Caawa ah ayaa noo sheegay in hawl gal ay ciidamda booliska iyo kuwa daraawiishta ee galin soor ku sugan ay gacanta ku soo dhigeen ragii hubaysnaa ee falkaa dilka iyo dhaca ah ka Gaystay degmada Galisnoor waxa uuna taliayaha qaybta booliska Gobolka Mudug Mudane Max’d Nuur Cali Gadaar sheegay in Cadaaladda la hor keeni doono  Waxa uuna mudane Max’d Nuur uu ku tilmaamay kooxihii falkaasi Gaysatay kuwo wax Ma garato ah oo ka kooban ilaa 3nin oo hubaysan lagana qabatay Degmada bandiiradley ee Gobolka Mudug

 

Cabdalla M.C/lle

Hobyoradio

Galkacyo GalMuug SOMalia

0025290752260

 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com