Abwaan Ustaad Cabdalla Nuurdiin Axmed oo ku geeriyooday xaafada Beexaani degmada Shibis ee magaalada Muqdisho

July,24,2008  www.Hobyoradio.com

Alle ha u naxariistee abwaankii caanka ahaa Cabdalla Nuurdiin Axmed ayaa goor dambe oo galabta ahayd ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala xaafada Beexaani degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, geerida Cabdalla ayaa timid ka dib muddo isbuucyo ah oo uu xanuunsanaa.

Hadaan nahay Bahda Hobyo Radio waxaan Tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskii uu ka geeriyooday Cabdalla Nuurdiin samir iyo iimaan allaha inka siiyo marxuumkana Janadii Fardowso ka waraabiyo aaaaaamiiiiiiin.

 

Naxariistii Eebe Allaha siiyee Cabdalla ayaa magac weyn ku dhex lahaa bulsho weynta Soomaaliyeed, gaar ahaana marka ay timaado dhinacyada fanka, warbaahinta iyo suugaanta kuwaasi oo uu rugcadaa ku ahaa mihnadna u ahaa intii uu noolaa abwaankaasi. 

 

Cabdalla M.C/lle

Hobyoradio Galkacyo

GalMudug SOMalia

cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com