Maamulka Galmudug oo siweyn u Cambaareeyay dilkii  loo gaystay  Marxuum Dr  Ciise Xasan Calasow  oo laga helay maydkiisa dhanka Waqooyiga Gaalkacyo.

July,22,2008  www.Hobyoradio.com

Marxuum Dr Ciise Xasan Calasow ayaa hoygiisa lagala baxay maalmo kahor ayadoo la sheegay inay kadambeeyeen malayshiyo katirsan Waqooyiga Gaalkacyo, Marxuumka Dr Ciise Xasan Calasow oo dhalasha ahaan kazoo jeeda  Curadka Beelweynta Hawiye ee Murusade ayaa waxaa aad oga carooday Dilkiisa  dadka kunool Koofurta magalada Gaalkacyo ee Galmudug State.

Maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay dadka kazoo jeeda Koofurta Soomaaliya ama ku abtirsada beelaha Galmudug  inay kazoo baxaan Waqooyiga magalada Gaalkacyo.

Marxuum Dr Ciise Xasan Calasow ayaa maydkiisa oo ay 15 xabadood ku taal laga helay Yamayska oo ku yaal Waqooyiga magalada Gaalkacyo.Dr Ciise Xasan Calasow ayaa ku abtirsada beelaha wada dhistay maamulka Galmudug State.

Marxuum Dr Ciise Xasan Calasow oo ahaa macalin wax ka dhiga  Jaamacadda Bariga Afrika iyo Dugsiga Sare Cumar Samatar oo ku wada yaal Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaan ilaa iyo hadda la ogayn sababta dilkaasi keentay iyo cidda ka dambaysaba ayadoo ay salka ku hayso aano qabiil iyo ugaarsi beelaha Koofureed.  

Marxuum Dr  Ciise Xasan Calasow ayaa maydkiisa loosoo gudbiyay Isbitaalka Gaalkacyo ee dhanka Galmudug ayadoo baaritaan lagu sameeyay maydka marxuumka oo ay ka muuqatay jir dil iyo Xabado aan loom eel dayan.

Maydka marxuum Ciise xasan Calasow ayaa waxaa isugu yimid madaxda Galmudug, golaha dhaqanka Galmudug, Waxgaradka,Culumaa’udiinka iyo Aqoonyahanada kadhiga dugsiyada Koofurta magalada Gaalkacyo, ayadoo Maydka marxuumka  lagu tukaday jinaasadii kadibna lagu aasay qabuuraha Koofurta magalada Gaalkacyo ee Galmudug State.

 

A.H. Awale

Hobyoradio.com

Gaalkacyo, Galmudug State

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com