Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
Xaflad lagu gudoonsiinayey shahaadooyin ardadii kaqalinjabisay dugsiga sare ee S.Y.L oo kadhacday hotel embessy ee magaalada Gaalkacyo.

Jun,22,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso

Xaflad lagu gudoonsiinayey shahaadooyin ardadii kaqalinjabisay dugsiga sare ee S.Y.L oo kadhacday hotel embessy ee magaalada Gaalkacyo.


xaflad siheer sare ah losoo agaasimay ayaa kadhacaday hotel embassy oo kuyaala bartamaha magaalada gaalkacyo waxaana xafladan oo shahaado lagu gudoonsiinayay aradadii sanadkan kaqalinjabisay dugsiga sare ee S.Y.L kasooqaybgalay masuuliyiin katirsan maamulka galmudug iyo waalidiinta ardad shahaada lagudoonsiinayay.


xafladan oo ahayed mid siweyn loosooqaban qaabiyay ayaa waxaa kahadlay maamulka dugsiga sare ee S.Y.L wasaarada waxbarashada mamulka galmudug iyo aqoonyahano kayimid wadanka dibadiisa waxaana ugu horeyn halkaas kahadlay maamulaha dugsiga sare ee S.Y.L macalin muuse oo kasheekeeyay waqtigii ladhisay dugsiga sare ee S.Y.L waxuuna kunuux nuuxsaday in loobaahanyahay in waalidiinta ay lashaqeeyaan maamulka iyo macalimiinta isagoo balanqaaday indhankooda ay kudidaali doonaan hormarinta ardada iyo kubcinta aqoontooda
waxaa isna halkaas kahadlay shiiq muxuyadiiin shiiq yuusuf bare oo ah gudoomiyaha jimciyada alixsaan islamarkaana ahaa ahaa aas aasayaashii dugsiga sare ee S.Y.L waxa uuna kasheekeeyay sidii ay kusoobilaabeen dhismaha iyo fikirkii inlahelo dugsi sare oo magaciisu yahay S.Y.L waxa uuna umahadceliyay dhamaan intii kaqeb qaadatay taabagalinta dugsiga sare ee S.Y.L waxa uuna
kuladardaarmay ardadii shahaada lagudoonsiiyay inay ilaashadaan shahaadadooda oo uu kutilmaamay inay tahay mid qaali ah
waxaa sidookale isna halkaa kahadlay cumar slaad cilmi oo kamid ah jaliyada galmudug oo halkaa kajeediyay erayo soojiitay dhamaan dadkiii kasooqaybgalay xaflada kaddib markii uu siqiiro leh usheegay inuu dhaqaalo kabixinayo ardada aan awoodin inay lacag iskabixiyaan waxaana arintaas soodhaweeyay dhamaan dadkii halkaa kasooqeyb galay isagoona lacagtii uguhoreysay gudoonsiiyay maamulka dugsiga sare ee S.Y.L oo iyaguna kagudoomiyay islamarkaana waxlagu farxo kutilmaamay arintaas
ugudanbeyntii ayaa waxaa halkaa kahadlay wasiirka waxbarashada galmudug burhaan warsame cigaal oo erayo hambalyo ah udiray ardadii kaqalinjabisay dugsiga sare ee S.Y.L waxa uuna wasiirku kudheeraaday wax qabadkii wasaarada waxbarshada mudadii ayjirtay
isagoona sheegay in waxlataabankaro ay qabatay wasaarada waxbarashada waxuuna ugubaaqay bulshada in loobaaahanyahay inlalashaqeeyo maaamulka galmudug oo uusheegay hadaaney helin taageerada bulshada galmudug inaaney kaligood waxba qaban karin iskusoo wadaduuboo xafladaas ayaa kusoodhamaatay jawi aad uwanaagsan iyo farxad kamuuqatay ardadii shahaadooyinka lagudoonsiiyay
 
Burhaan c/laahi xashi
hobyoradio galkacyo
Email,burhan712@hotmail.com

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|