![]() |
||
|
|
||
|
Waxaa Ku Soo Badanaya Gudaha Magaalada Gaalkacyo Afduubyo Loo Gaysanayo Dadka Rayidka Ah Iyadoo Labadii Todobaad Ee Ugu Dambaysana Lagu Afduubay Magaalada ilaa Sadex Qof oo rayid ah
July,21,2008 www.Hobyoradio.com Kadib Markii laga reystay dilalkii iyo qarax yadii kajiray Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa badalay Afduubyo loogay sanayo dad isugu jira Culamo udiin iyo dhalin yaro Ku noolaa Gudaha Magaalada Gaalkacyo Labadii tododbaan ee ugu dambaysay ayaa waxaa dhinaca waqooyi ee Magaalada lagu afduubay ilaa 3 qof oo si isku Mida loo qafaashay Afduubkii ugu dambeeyay ayaa habeen ka hor waxaa loo gaytay nin Macalin ka ahaa iskuulka Cumar Samatar iyo Jaamacada bariga afrika oo kuyaala W/ Magaalada waxaana afduubkaas Gaytay rag la Shegay inay Madaxa Soo duub teen kurigiisana kala baxay Macalinkaas oo lagu magacaabo Ciise xabad Calasow Maxamed Cali xabad oo ah Wiil uu adeer u yahay Maclinka la afduubay ayaa warbaahinta hobyoradio usharaxay sida uu afduubkaasi udhacay iyo hadii ay jiraan til Maan la xariirta halka lala aaday waxa uuna sheegay in kooxdo hubaysan oo ka koobnaa ilaa shan dablay ah ay soo galeen hoyga macalinka oo ku yaal W/Magaalada Galkacyo oo maamulka Puntland uu ka arimiyo waxa uuna Max’d Cali xabad afduubka adeerkiis ku eedeeyay in masu’uliyadeeda ay leeyihiin maamulka Puntland. “Adeerkay waa nin masu’ul ah oo aan wax danbi ah ka galin puntland hadii wax lagu haystana waa loo yeeri karaa oo bina laga qori karaa laakiin in qof xoriyadiis laga qaado oo dablay si qasab ah ku qafaashaan waxaan u aragnaa in laga leeyahay dano Gaar ah” ayuu yiri Max’d Cali xabad oo aah wiil adeer uu u yahay Macalin Ciise xabad Calasow Afduubyadii xigay ayaa si bareera waxaa todobaadkii tagay loogu gaystay 2 qofood oo mid kood laga baxay masjid uu ku tukaday salaadii cishay kaasi oo ku yaala dhinaca waqooyi ee magaalada Gaalkacyo. Iyadoo afduubka sadexaad oo umuuqday Mid qor shaysan kooxo hubaysan ay ugaysteen wiil dhalin yaro oo kamid ahaa dhalin yarada Muruq Maalka ah waxaana la afduubay xili uu ku Guda jiray howshiisa shaqo Majiraan ilaa iyo haatan Cid Si cad loola xariirinayo afduubyada kusoo kor dhaya Magaalada Gaalkacyo Waxaa xusid Mudan in Labo qof oo todobaad kii tagay laga afduubay W/Magaalada Gaalkacyo Midkood ay ahaayeen kuwa kasoo jeeda kilinka Shanaad ee dalka Itoobiya. Majiraan ilaa iyo haatan wax war ah kuna aadan afuudyada oo ka sooo baxay saraakiisha amaanka ee puntland waxaase ay hore usheegeen inay jiraan dad ay uqab qabteen howlgalada amaan sugida ee Ciidamadooda ay kawadaan qayb kamid ah W/Magaalada Gaalkacyo W/D/Wariye Cabdalla M.C/lle Hobyoradio Galkacyo GalMudug SOMalia 0025290752260 Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||