Odayaasha Dhaqanka Galmudug Iyo Puntland  Oo Kulan Hor’udhac Ah Ku Yeeshay Magaalada Gaalkacyo

July,21,2008  www.Hobyoradio.com

Kulan ay iskugu yimaadeen odayaasha dhaqanka maamulada Gaalkacyo ee maamulada  Galmudug iyo puntland ayaa saakay wajigiisii koowaad waxa uu ka furamay iskuulka umadda ee magaalada Gaalkacyo

Kulankan ay yeesheen odayaasaha dhaqanka oo soconayay Mudo kooban ayaa  ujeedintiisu ahayd dhamaynta kala shaki ka dhex taagnaa dadka  beelaha ay odayaashu ka socdeen kaasi oo la xariira dilal ka dhacay magaalada Gaalakacyo gaar ahaan dil dhawaan loo gaystay ALLAHA una xariisteen Cali Jaamac biixi oo ka Mid ahaa wax Garadka labada dhinac Midkood

Dilkaas loo gaystay Cali Jaamac biixi ayaa qaar ka Mid ah wax Garadka dhinaca W/ ee Magaalada waxaay sheegeen in laga soo abaabulay dhanka kale ee Maamulka GalMudug Ka arimyo

Kulanka maanta ka dhacay dugsiga Umadda oo ku yaal bartamaha Magaalada Gaalkacyo al baabaduna ay uxirnaayeen  oo aan saxaafadda loo ogaylayn waxaa Gunaandkiisii waxaa warar kooban warbaahinta siiyay Qaar ka tirsan nabdoonada kulanka ka qayb galay

Nabdoon cismaan Nuur Qayd wax uu ka mid yahay nabdoonada GalMudug waxa uuna warbaahinta u sheegay in kulanku ahaa Mid hor’udhac ah la iskuna afgartay qaar ka mid ah qodobadii looga wada hadlay kulankaas asagoona sheegay in lagu balamay kulan kale oo aan la cayimin

Dhinaca kale waxaa kulankaas Goob jog ka ahaa labada Gudoomiye Gobol ee GalMudug iyo Puntland.

Xasan Faarax Barre iyo Daahir C/Qaadir Axmed {Daahir Aflow} oo aan ayagu ka hadlin goobtaasi sida ay xaqiiiyeen ka Qayb Galayaasha kulankaas  

Isku soo wada duuboo kulankaan ayaa ku soo beegmaya xili qilaaf xoogan uu ka dhex taagan yahay Maamulada Gobolkaas oo soo jiitamayay Mudo  iyodoona mamaulka Puntlan sidoo kale dhawaan sheegay in la soo celinayo Qadkii Cagaarnaa ee bari ka jiray Magaalada Gaalkacyo

W/D/Wariye Cabdalla M.C/lle

Hobyoradio Galkacyo

GalMudug SOMalia

0025290752260

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com