Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN‏.

Jun,21,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso

RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN‏

 

Talaabo khalad ah xad-gudub ah kana turjumeeysa habka
cadoownimo iyo garasho xumadda hogaanka sare ee P/Land iyo
guul darada heeysata maamaamulkaas gaar ahaan dhanka amaanka iyo howlaha horumarinta oo eey si weyn uga gaabiyeen,kadibna keentay kacdoonka hubeeysan oo sida weyn uga soo shaacaaya guud ahaanba degaamadda P/Land gaar ahaan Goboladda Barigga.


waxaa arrin si weyn looga xumaado lagana argagaxo talaabada bani-
aadami-nimadda ka baxsan oo eey ku kaceen welina wadaan Ciidamadda Poliiska iyo kuwo sirta gobolka barri
kuna raafaayaan Dadka asal ahaan ka soo jeedaa koonfurta Soomaaliya oo dhibaatadda nabadgelyo xumo iyo colaada koonfurtu hore u soo bara- kicay kuna khasabtay soo cararka iyo soo haajiridaba,raafkaas ayaa ku saleeysan ama ujeedada ka dameeysaa tahay daboolida ama meel kale u saarida xaaladda nabadgelyo xumo,dilka joogtada ah iyo kacdoonka
Dadweyne oo sida weyn ugu jirra degaankaas,mana jiro wax cadeeyn ah oo sheegaaya in Dadka asal ahaan ka soo jeeda koonfurta Somaaliya ku leeyihiin xaaladaas wax xiriir ah,balse waa arrin maqaar saar ah,waana mid caado ah Hogaanka P/Land ku kicida talabaadaas oo kale,waxaan oran karaa awooda iyo tabarta maamulka P/Land waa raafka iyo dhibka dadka tabarta yare dhibanayaasha ah,iyadoo la wada ogyahay cida ka
dameeysa kana masuulka ah xaaladda nabadgelyo xumo ee goboladda Barigga ka taagan,weliba Maamulka si weyn farto loogu fiiqo in eey ku luq leeyihiin dilalka khaarajiinta ah.
    
Waxaan halkan caambaareeyn culeeyskeeda leh uga soo jeedinaayaa Hogaanka sarre P/Land,Golaha Barlamaanka Sawirka ah iyo Maamulka Gobolka Bari waana inaad ogaataan dhibaatadda,cawaaqib xumada iyo guud ahaanba wixii xumaan ah oo talaabadaas ka imaan kara inaad si toos ah idiinku masuuliyadeeda u leedihiin,waa fal ka turnumaaya sida
garaadka iyo caqliyada hogaanka sare u hooseeya kartidiisuna u liidato, sidoo kalle waxaa cambaareeyn iyana mudan Hogaan dhaqameedka, Culimaa-udiinka,Ururdada Bulshadda iyo guud ahaanba Wax-garadka Reer P/Land oo ka gaabiyeey wax ka qabashada talaabooyinka khaldan  iyo xaalada jaha-wareer oo hogaanka P/Land ku socdo,shaki kuma jiro in Raafkaasu keeni karaayo ama abuuraayo si kordhinta naceeybka iyo
kala fogaanshadaha Dadka reer P/Land iyo kuwa Koonfurta Soomaaliya, halka la raafaayo Dadweynaha koonfurta ka soo jeedaa waxaa gobolka barri P/Land buuxa Dad aad iyo aad u fara-badan kana soo jeeda Dalka Itoobiya loona ogol yahay in eey si xoriyad leh ku joogaan P/land kana sameeyn karaan ganacsi,iyadoo la wada ogyahay in Maamulka hore ugu dhiibay Muwaadiniin Somaliyeed rajiimka Addis ka taliya,Markaas waxaa
xaq iyo xormo ku leh degaamadda P/Land maamulkuna difaacaa dadka ka soo jeeda Itoobiya,waana arrin gun-nimo weyn leh,waana mid ka Tarjumeeysa in eey yihiin Shaqaalle rakhiis ah oo Zanaawi meesha u Jooga kuwa isku sheegaaya Madaxda Sarre ee P/Land. 
 
Gunaanadka qormadan gaaban waxaan ku soo xiraayaa
anigoo nabadgelyo buuxada,horumar dhab ah iyo hab
wanaagsan oo Dadweynaha u adeega la jeceyl P/Land iyo guud ahaanba Dalka iyo dadka Somaaliyeedba,hadana si weyn ayaan uga xumaaday oo u qaadan waayeey in dad somaaliyeed oo dhibaato nabadgelyo xumo iyo colaada iyo dagaal joogtada ah oo ka taagan Koonfurta Soomaaliya si naxariis daro ah,cadoownimo ku dheehan tahay,Islaanimada ka baxsan loo raaf looguna daadiyo koonfurta galkacayo,talaabadaas ayaa sawir cad ka bixineeysa hogaanka sarre P/Land habkiisa khaldan,kana baxsan hab dhaqameedka Somaaliyeed iyo xurmadda marti-gelineedba.
 
 
-Qorre-Xassan C/Laahi (Xassan Carab)-
-England-UK- 21/07/2010-
-sharifhassan50@hotmail.co.uk

 

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|