![]() |
||
|
|
||
|
Beelaha Daga Gobolka Mudug Qaarkood Oo Bilaabay in ku Soo Biiraan Maamulka Goboleedka Galmudug State.
July,19,2008 www.Hobyoradio.com ![]() Afhayeenka dowlad goboleedka Soomaliyeed ee Galmudug State Mudane Ahmed Maxamuud Baasto oo ka warbixiyay Xiriir ay lasoo sameeyeen..
Max’d Mursal Xaashi oo ah Gudoomiyaha Maamul Goboleedka la Magac baxay xiriir ee Dagmada Galdogob oo wareeysi siinayay barnaamijka tusmada ee kabaxa idaacada codka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Maamulka Gobolka xiriir siyaasiyiinta , Cuqaasha , Indheer Garadka, Culu Maa udiinka iyo bulshada rayidka ah ay Gebi ahaantoodba Gudoon ku Gaareen in ay kamid noqdaan dowlad Goboleedka Gal mudug state . Muuqaalka Magalada Goldogob ee gobolka Mudug
Gudoomiyaha ayaa ku eedeeyay maamul Goboleedka puntland oo ay horey uga mid ahaan jireen in ay Gobolkooda duudsiiyeen wixii uu xaqa u lahaa sida wasaaradaha maamul Goboleedka puntland isla markaana ay isku koobeen dad gaar ah sida uu sheegay Masu’uulkasi gudoomiyaha ka ah maamulka la Magac baxay xiriir Waa Masu’ulkii 2aad ee isagu shaaca ka qaada in uu kamid noqon doono Maamul Goboleedka Gal mudug state tan iyo wixii ka dambeeyay Markii dhidibada loo taagay maamulka Gal Mudug state iyadoo maalinimadii shalay aheyd ay maamul Goboleedka Gal mudug ku soo biireen beesha Hiraab ee Maxamuud Gorgaarte oo ka mid ah beelaha degan magaalada Gaalkacyo ee Goblka Mudug Waxaana kulan odyaasha Galmudug iyo beesha hiraab maxmuud Gar gaarte odyal ka socday ay kulan balaaran ku yeesheen xaunta looga arimyo Maamulka galmudug ee madaxtooyda gaalkacyo oo si weyn la iskugu afgartay dhamaanba wixii laga wada hadlay si weyna waxaa loo soo dhaweeyay odayaasha iyo Nabdoonada ku soo biiray maamulka GalMudug State Cabdalla Max’d C/lle Hobyoradio Galkacyo GalMudug SOMalia 0025290752260 Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||