![]() |
||
|
|
||
|
BAAQ ABUURIDDA MAXKAMADDA DEMBIILAYAASHA SOMAALIYEED.
July,19,2008 www.Hobyoradio.com
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyed Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaalada ka duulaaya masuuliyada Qarameed,Bani-aadaminimo iyo mida Akhlaaqeedba waxaanu halkan ku soo gudbineeynaa aragtida cadaaladeed iyo garsoor oo Dadka Somaaliyeed xaqa u leeyahay helideeda sida Umadaha Aduunkaba.
Waxaan ugu baaqeeynaa Maxkamadda Aduunka ee Dembiilayaasha Iyo Golaha Aduunka Qaramadda Midoobeey,Golaha Xuquuqda iyo Difaacaha Xurmada Basharka Midoowga Yurub iyo Guud ahaanba Ururadda u taagan Difaaca Xuquuqdda Dadka in eey gartaan isla markaana gutaan Masuuliyada ka saaran Shacabka dhiban ee Somaaliyeed,Qaranka dhan oo ku soo jira Tacadiyada iyo Xad-gudubyada joogta ah,Xasuuqa,Gumaadka iyo Bara-kiciinta Iyo Duulimaadka Gumeeysiga Itoobiya Dalkooda ku heeysato, waxaa ayaan darro ah in Caalamku indhaha ka qarsadaan ama ka aamusaan Masiibooyiinka bani-aadaminimo oo ka taagan Dalkaas,Xaaladda Daarfuur waxeey kicisay Damiirka,Dareenka iyo caqliga bulshadda aduunka oo dhan waana Dhibaato jirta maxaa looga aamusay,indhaha looga Qarsanaayaa tan ka daran oo ka taagan Dalka Somaaliya.
Waxaan ku boorineeynaa Xeer-illaaliyaha Guud Maxkamada Caalamigga ee Dembiilayaasha in eey qorshahooda ku daraan sida ku haboona u dersan Xaaladda Xasuuqeed oo ka taagan Dalka Somaaliyeed, kana soo saaraan Go'aamada ku haboon iyo Helida ama Abuurida Maxkamada Dembiilayaasha Somaaliya sida Cadaalada loo hor keeno kuwa ka masuul ka ah-Gunaadka iyo Tacadiyadda lidka ku ah Bani-aadanka oo ka dhacay welina Socda Dalkaas,iyadoo eey jiraan Warbixino,Qoraalo iyo cadeemo badan oo loo hayo arrimahaas,kuwii geeystana Aqlabiyadoodu hada ka mid yihiin Rajiimka Fadaraalka oo Beesha Caalamku garaneeyso Magacyadooda iyo Sawiradoodaba, Xasuuqa,Gumaadka,Dilka ugaarsigga,Baro-kiciinta,Xasuuqa Bada,Afduubka,Fara-xumeeynta,Boodka hantida,Argagax joogta ah iyo Abuuridda Colaada Beeleed intuba waa Tacadiyo lidku ah Xuquuqdda Basharka iyo Jiritaanka Umadda,Weliba waxaa dheer duqeynta dayuuradda iyo Hubka Culus oo la adeeganayo Maxaa Helay damiirkii Caalamka,Maxaa Helay. Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo arrintaas culeeys weyn saaraaya ayaa si gaar ah Ummadda Somaaliyeed gaar ahaan Qurbaha Jooga Damiirka nool ku boorinaayaa in eey sidda ku haboon arrintaas ugu ololleeyaan Dalalka eey degan yihiin Barlamaanadda,Ururada Xuquuqdda Bani-aadanka iyo Qareenada ku Takhasusaay arrimaha Difaacaha Xurmada Basharka eey u Gudbiyaan sawiradda,Qoraaladda iyo guud ahaanba wixii xog ah oo ku saabsan Xasuuqyadda,Gumaadka iyo Tacadiyada sida Joogtada ah u dhacaaya Dalkeena Hooyo eeyna geysataayaan:- Ciidamada Gumeeysiga Itoobiya, maleeshiyaadka Rajiimka Iyo Guud ahaanba Tacadiyadood ka dhacay Dalkeena Hooyo. -Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)- -Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda Iyo cadaaladda. -England-UK- 17/07/2007- Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||