Maamulka W/Gaalkacyo  oo siidaysay dhalinyarii 9 ahayd ee ay  ka qabteen  Waqooyiga magalada Gaalkacyo ee Galmudug State.

July,17,2008  www.Hobyoradio.com

Maamul  W/Gaalkacyo ayaa maanta xabsiga ka sii daayay dhalinyaro gaaraysa ilaa 9 kuwaas oo ay ka taxaabeen  Booliska W/Gaalkacyo     Magaalada Gaalkacyo .

Dhalinyaradan oo garaya  9 kana soo kicitimay magalooyinka Cadaado iyo Guraceel oo ka tirsan gobolka Galgaduud  kuna sii jeeday magalada Hargaysa ayaa waxaa taxaabay maamulka Waqoyiga Gaalkacyo.

Dhalinyaradan ayaa lataxaabay kadib markii ay la heshiiyeen nin darawal   ah oo kashaqeeya wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Laascaano, wararka ayaa sheegaya in darawal kale uu kacodsaday darawalkii ay la yeshiiyeen inuu rakaabka wax kasiiyo' markuu ka diiday ayuu Darawalkii labaad u tagay Booliska Waqoyiga Gaalkacyo kuna wargaliyay in ay dhalinyaradan  fulinayaan xasilooni daro dhanka Waqooyi Bari ee Somaaliya.

Maamulka Galmudug ayaa falkan ku Canbaareeyay maamulka W/Gaalkacyo, Uguna baaqay inay si deg daga xoriyadooda ugu soo celiyaan dhalinyaradan safarka ahayd ee kasoo jeeda beelaha walaalaha Galgaduud iyo Mudug/

Dhalinyaradan oo xoriyadoodii dib u helay ayaan la ogayn inay safarkoodii sii wadan doonaan ee dhanka Hargaysa iyo in ay kusoo noqondoonaan gobolada Galmudug State.

Ciidanka galmudug State

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com