![]() |
||
|
|
||
|
Qaar Kamid ah Dadweynaha Magaalada Gaalkacyo Ayaa Walaac Xoogan Kamuujiyay Hadal Kasoo Yeeray Mid Kamid ah Masuuliyiinta Maamulka Puntland
July,17,2008 www.Hobyoradio.com
Dadkaan oo isugu jira Ganacsato ,waxgarad iyo dhalinyaro ka kala so jeeda maamulada Galmudug iyo puntland ayaa si iskumid ah waxay wax laga xumaado kutilmaameen in waqtigan lacarabaabo dibna loo soo celiyo caqabad horay looga gudbay taasoo aheyd qadkii cagaarnaa oo in mudda ah ooli jiray gudaha magaalada Gaalkacyo .
Mid kamid ah ganacsatada suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo oo lagu magaacaabo Daahir Go’da Gode ayaa sheegay in aysan dan u aheyn shacabka Gaalkacyo hadalkii kasooyeeray haweeneydaas katirsan waqooyiga Gaalkacyo balse danta shacabku ay kujirto iney walaaloobaan gacmahana ay is qabsadaan. Dhawaan ayay ahayd markii caasho Geelle diiriye oo cadde muuse u magacaabay w/Gaalkacyo ay warbaahinta ka sheegtay in Magaalada Gaalkacyo loo soo celinayo qad cagaaran oo ay sheegatay in ay lagu soo celin karo nabad galyada w/magaalada Gaalkacyo Cabdalla M.C/lle Hobyoradio Galkacyo GalMudug SOMalia Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||