![]() |
||
|
|
||
|
Puntland Oo 9 Dhalinyarada Macalimiinta ee kasoo jeeday gobolada Dhexe Gaysay Xabi Ku yaal Boosaso.
July,17,2008 www.Hobyoradio.com
Ilaa 9 dhalinyro macalimiin soomliyeed oo dhawaan booliska puntland ay ka qabteen koontoroolka w/ee magaalada Gaalkacyo mudo lix casho ahna ku jiray xabsi ku yaal w/magaalada Gaalkacyo ayaa barqanimadii manta loo dhaadhiciyay Bosaso waxaana wararku ay sheegayaan In dhilinyrada macalimiinta ah oo lagu qaaday gaari shabaqle ah oo ah kuwa maxaabiista la saaro ayna ilaalo ka hayeen ciidamo puntland ka tirsan maanta la geeyay magaalada Garoowe oo saacdo halkaasi lagu hayay
waxaana warar lagu kalsoonyahay oo aan halayno ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta dhalinyaradaas macalimiinta dugsiyada Qur’aanka ah la gaarsiiyay magaalada boosaaso ee xarunta gobolka bari Waxaana wararka ay inaasi ku darayaan in saraakiisha puntland saacadaha soo socda ay qorshaynayaan in dhalinyaraaas soomaaliyeed ay u qaadaan una gacan galiyaan dawladda iIthoobiya. Tan wixii kadanbeeyay markii ciidamda maamulka puntlad ee w/Gaalkacyo ay gacanta ku dhigeen dhalinyradaas macalimiinta dugsiyada Qur’aanka oo ka yimid gobolada dhexe ee dalka Soomaliya ayaa waxaa soo baxayay qayla dhaan iyo dadaalo la xiriirta in dhalinyardaas la soo daayo waxaana dadaaladaas waday ehelada dhalinyradaas,wax garad, iyo siyaasiyiin reer Gaalkacyo ah. Waxaana muuqata in dhamaan dadaaladaas ay dhamaantood noqdeen kuwo aan lagu guulaysan maadaama maamulka puntland u dhalinyraas u dhaadhiciyay deegaano kale oo magaalada Gaalkacyo ka baxsan waxaana talaabadaas sidoo kale canbaareeyay qaybaha kala duwan ee bulshada reer Gaalkacyo oo ku tilmaamay mid maamulka puntlan uu ku qaladamay isla markaasina taariiq madow unoqon doonta Cabdalla M.C/lle Hobyoradio Galkacyo GalMudug SOMalia Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||