![]() |
||
|
|
||
|
Waxaa Dib Xuriyadooda Uhelay Qaar Qaar Ka Mid ah Dadkii Puntland Uqabatay In ay Ka Danbeeyeen Dilkii ALlAHA UNAXARISREE Nabadoon Cali Jaamac Biixi
July,17,2008 www.Hobyoradio.com
Maxamad Aadan Cali oo kamid ahaa dadkii ay u qa qabteen Ciidamada Puntland in ay ka dan beeyeen dilkii Cali Jaamac Biixi ayaa maantay dib loo soodaayay
Maxamad Aadan Cali oo maantay soobooqday Idaacadda Codkamudug ee mgaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kamuuqatay dhib aad ufara badan asagoona sheegay in jirdil loogeystay in tii xabsiga uu kujiray sidookale waxaa uu tilmaamay in si fool xun ay ula dhaqmeen laguna sameeyey in Xaniiyaha katiinad looga xiray haatana asaga iyo Caruurtiisa ay ku suganyihiin meel aan hooy laheyn'' Dhibane Maxamad Cali ayaa intaas ku daray in sidoo kale mudadii askarta puntland hayeen ay ay ugaysteen tacidiyo badan “Inta gardaduub la xii xiray ayaa la ijiifiyay gaari sagxadiis oo kulul feerahayga oo banana ayuu yiri Dhibane Maxamad Cali” oo shabakadda warbaahinta codkamudug u warmayay Dhinaca kale qaarkamid ah dadkii laga qabtay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee ahaa dadkii kasoo baracay Gobalada Koonfureed ee soomaaliya ayaa wali la la’ yahay iyagoona ehaladoodii ay ku mashquulsan yihiin sidii loo heli lahaa dadkaasi xir xiran Ugu dambeyntii waxaa magaalada Gaalkacyo kasoo cusboonaaday xariga iyo afduubka loo geysanayo dad aan waxba galabsan askarta puntalnd ay xabsiyada udhaa dhicinayaan Cabdalla M.C/lle Hobyoradio Galkacyo GalMudug SOMalia Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||