Xabisiyada Puntland  Oo Maalinki  6AAD ay ku Jiraan Macalimiin Soomaliyeed Oo Siminaar Ugu Socday Hargaysa  iyo Shacabka GalMudug  oo canbaarayn Ujeediyay Puntland

July,16,2008  www.Hobyoradio.com

Waxaa maalinkii 6AAD  ku jira xabsiyadaW/Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland in kabadan 13 macalimiin dahlinyro ah oo maalinadii jimcaha ciidamada puntland ay ka qabteen koontoroolka w/Gaalkacyo

dhalinyaradaan macalimiinta ah ayaa kayimid deegaano ka tirsan gobolada dhexe sida cadaado,Godin labe,Guriceel oo dhamaantood ka tirsan gabolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaliya dhalinyaradaan ayaa saraakiisha puntland qabteen xili ay ku sii jeedeen siminaar aqoon kororsi diinta islaamka ah oo ay ugu socden magaalada Hargaysa ee maamulka Soomaliland

 

ujeedada ay puntland dhaliyarada macalimiinta ah uqabatay ayaa lagu sheegay in dhalinyaradaas lagu xiriirinayo in ay ku lug leeyihiin amaan darida baryihii ugu danbeeyay soo food saartay maamulka puntland oo ay ka dhacaan falal iskugu jira dilal qorshaysan iyo waliba qaraxyo joogto ah oo lala beegsnayo gobo ay ka mid yihiin Hoteelo iyo waliba shinemooyinka w/Gaalkacyo

Qaar ka mid ah odoyaal dhaqameedyo iyo culimo 'udiin ehel la ah dhalinyarada ku xiran xabsiyada maamulka puntland oo soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in xiriir ay la sameeyeen saraakiisha puntland ay aysan ka helin jawaab qancisa oo lagu sii daynayo wiilashooda iyo sababaha ay uhaystaan toona waxayna sheegeen odayaal dhaqameedyada iyo culimo udiinka in maalinimadii shalay qaar ka tirsan odayaashaas oo booqasho ugu tagay wiilashooda ay askarta puntland xabiga utaxaabeen in kasta oo 24 saac oo ay xirnaayeen kadib la soo daayay odayaashaas

dhinaca kale afhayeenka maamulka Galmudug ee magaalada  Gaalkacyo Maxamuud Axmed Xasan (Baasto) ayaa isna cambaareeyay falalka ay ciidamada booliska ee maamulka Puntland ku xireen dhalinyarada macalimiinta ah, wuxuuna xusay in nidaamkaasi uu yahay mid ay maamulka puntland ku qaldanyahay loona baahanyahay in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah usii daayaan macalimiintaas

qaybaha kala duwan ee bulshada reer Gaalkacyo intooda badan oo warbaahinta la hadlayay ayaa canbaareeyay talaabada askarta iyo maamulka puntland ay maalinkii lixaad xabiyada ugu haystaan dhalinyaradaas soomliyeed ee macalimiinta ah waxayna ugu baaqeen maamulka w/ee puntland in ay sidaas wax ka badalaan oo ay dhibaatada ka daayaan dadka aan waxba galabsan

isku soo wada duuboo waxaa mudooyinkii ugu danbeeyay w/Gaalkacyo ku soo badanayay falalk amni darida ah waxaana la dilay in kabadna 10 ruux oo xiliyo isku dhaw la dilay ayna ku jireen dad caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo uunka mid ahaa nadaboon Cali jaamac biixi oo dhawaan kooxo hubaysan oo haybtooda la garan ay toogteen xili uu ka soo baxay salaada subax masjid ku yaal W/Gaalkacyo

waxaana dilka ninkaas nabadoonka ahaa aad uga xumaaday dhamaanba bulshada gobolka Mudug oo ku tilmaamay in uu ahaan nin nabadeed deegaankana ku lahaa taariiq wanaagsan

Cabdalla M.C/lle

Hobyoradio Galkacyo State SOMalia

Mobil:002529 752260

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com