![]() |
||||
|
|
||||
|
Madaxweynaha DG Galmudug Prof. Max'ed Warsame Kiimiko oo booqosho gaaban kuyimid San Diego, California ee dalka Maraykanka.
July,14,2008 www.Hobyoradio.com Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaliyeed ee Galmudug Prof Max'ed Warsame oo baryahan socdaal ku marayay magalooyinka Portlan, Main, Boston, Massachusats. Minneapolis, Minnesota. Rochester, Minnesota. Phoenks, Arizona ee dalka Maraykanka ayaa soo gaaray magaladda San Diego ee gobolka California,
Jaaliyada Galmudug ee ku dhaqan magalada San Diego ayaa siweyn usoo dhaweeyay Madaxweynaha iyo marti sharaf kasoo raacday gobolka Arizona oo kala ahaa Wakiilka Galmudug ee dalka Maraykanka Mudane Max'ed Ahmed Urur, Wakiilka Galmudug ee gobolka Arizona Mudane C/rashiid C/llahi Foonka, Mudane Cabdi Dhoof.
Ahmed ayaa Aayadaha Quraanka noo aqriyay
Wakiilka Galmudug ee gobolka Arizona C/rashiid C/llahi Foonka Hoolka Weyn ee Holiday Inn San Diego ayaa waxaa isugu yimid qaybaha kala duwan ee Jaaliyada Galmudug Waxgaradka,Aqoonyahanka, Dhalinyarada iyo Haweenka.
Ugu horayntii ayaa waxaa shirka lagu furay Aayadaha Quraanka Kariimka oo uu inoo aqriyay Ahmed Maxa’ed Colow, Madaxa Jaaliyada Galmudug ee San Diego Dr. Qaliif Ali Boor ayaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha iyo marti sharafka magalada San Diego.
Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Cusman Shirwac Gote, iyo Nuur Weheliye Nuur Caruush oo labaduba soo dhaweeyay Madaxweynaha ogana mahad celiyay horumarka iyo Amaanka kajira deegaanada Galmudug State. Madaxweyne Max’ed Warsame ayaa ka warbixiyay deegaanada Galmudug asagoo inta badan diirada saaray Arimaha Nabadgalyada,Waxbarashada, Caafimaad, iyo Horumarka gobolka , madaxweynaha oo ka waramaya Nabadgalyada ayaa sheegay in la diyaariyay Ciidamada Booliska iyo malayshiyada oo tababarkii loo dhameeyay.. Ugu dambayntii madaxweynaha Galmudug Prof. Max’ed Warsame Cali Kiimiko ayaa u mahad celiyay guud ahaa Jaaliyada San Diego gaar ahaan dadkii soo qaban qaabiyay iyo kuwii kazoo qayb galay shirka. C/aziz Xogolof San Diego, California Hobyo Radio News Media |
||||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||||