![]() |
|||
|
|
|||
|
Jaaliyada Galmudug ee magaladda Rochester gobolka Minnesota ayaa Xaflad soo dhawaynta iyo sagootinka isugu jirta u qabtay Madaxweyne Prof. Max’ed Warsame Cali Kiimiko.
July,13,2008 www.Hobyoradio.com
Waxaa xaflad soo dhaweyn iyo sagootin iskugu jirtay ka dhacday Magaalada Rochester ee Gobolka Minnesota, taasoo ay Jaaliyadda Galmudug ee Rochester u sameeyeen Madaxweyne Maxamed Warsame Cali "Kiimiko".
Wasiirka Arimaha gudaha ee Galmudug Col. Muxuyadiin Macalin Cali oo kamid ahaa waftiga lasocda madaxweynaha ayaa isna shirkaasi ka hadlay. Madaxweynah ayaa qudbad qiimo badan oo aad u dheer ka jeediyey xaflad kulanka ay sameeyeen Jaaliyaddu, qudbadaas oo iskugu jirtay warbixin iyo dardaaran, ayaa shacabku aad ugu riyaaqay. Sidoo kale waxaa isla shirka gudihiisa Jaaliyaddu ku dooratay Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen iyo Khasnaji, jaaliyadda wakiil uga noqon doona Galmudug State, kuwaas oo xariir toos ah la yeelan doona Maamulka Sare ee Gamudug State iyo qaybaha kale ee Jaaliyadda. Jaaliyada Galmudug ee magalada Rochester ayaa u doortay Wakiil Rasmiga ah ee u jooga Rochester maamulka Galmudug.. Huseen Sheekh Nuur Rochester, Minnesota Hobyo Radio News Media |
|||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
|||