Gabdho ka tirsan Jaaliyadda GalMudug Ee Dalka Norweyn Oo Deeq Lacageed  Soo Gaarsiiyay Agoonta Magaalada Gaalkacyo Ee GalMudug State Daawo Sawirada

July,12,2008  www.Hobyoradio.com

Gabdho  udhashay deegaanada dawlad goboleedka Galmudug Satate kuna nool dalka Norweyn ayaa waxa ay deeq lacgeed soo gaarsiiyeen Agoonta magaalada Gaalkacyo ee G/Mudug.

Mahad Gaara Wariye Cabdalle M. Cabdalle oo xuquuqda Sawirada iyo Warbixinta leh. By. C/aziz Xogolof

   

Deeqadan lacgeed ayaa gabdhaha norweyn waxa ay u soo wakiisheen si agoonta loogu qaybiyo Ururka haweenka MIDNIMO ee galmudug state oo ah urur ka shaqeeya hor’umarinta haweenka dahilinyrada iyo dadka dhibaatada ay haysato.

 

Sida ay Hobyoradio usheegtay wasiir ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga Galmudug ahna Gudoomiyaha ururka haweenka Gobolka Mudug Marwo xabiibo Maxu’d  Cabdi oo loo yaqaan{xabiiboKoofurow} xili la soo gaba gbeeyay deeqada lacageed waxa ay sheegtay maro xabiibo koofurow in deeqdaan lacgeed ay iska soo uruuriyeen Qaar ka mid ah gabdhaha galmudug ee norweyn oo ay ka mid tahay ismeehaan wareeje iyo xubno kale oo jaaliyadda galmudug ah

 

Marwo xabiibo koofurow waxa ay sheegtay in deeqda lacgeed ay gaarayso $700{Todoba Boqol oo doolar}

 

Marwo xabiibo koofurow iyo xubno ka tirsan ururka haweenka midnimo ayaa deeqdaas u qaybiyayay agoon fara badadan oo qaarkood ay waalidiintooda ugudoomeen halka kuwo kalana iyga la gudoonsiiyay sida aad ku arkaysaan sawirada aan ka soo qaadnay xiliga qaybinta socotay

 

Agoonta deeqdaan lacgeed la gudoonsiiyay ayaa waxaa ka mid ah in ka badan laba boqol oo agoon ah kuna jira XARUNTA AGOONTA IMAAMU NAWAWI ee Magaalada Gaalkacyo oo ururka haweenka MIDNIMO ugu horayntiiba ka bilaabay qaybinta lacgtaas

 

Waxaana deeqdaas gaarsiinteeda agoonta ku jirta xerada agoonta IMAAMU NAWAWI Soo dhaweyay macalimiinta xarunaas oo xiligaas ku guda jirtay wax barista ardayda, in kasta oo qaar ka mid ah aradayda ay xiligaas ku maqnaayeen fasixii xarunta ayaa hadana waxaa deeqdooda loogu dhiibay macalimiinta xarunta

 

Deeqdaan lacgeed ee qaar ka tirsan gabdhaha Galmudug ee dalka Norweyn ay soo direen ayaa ah tii ugu horaysay oo loogu tala galay agoonta magaalada gaalkacyo Gabadha Glmudugna ay u soo diraaan

 

Dhamaan waxaa laga dheehan karay agoonta yar yar ee deeqda la gaarsiiyay sida ay ugu farxeen deeqda walaalhooda ay u soo direen ayagoona mahad celin iyo ducoba udiraya gabdha noorweyn ee agaaonta taakulaynta usoo diray

Waxaana la oran karaa waxa ay ku soo aaday xili ay ubaahnaayeen maadaama lagu jiro xaalad adag oo dhanka nolosha ah iyo maciishada oo qiimeheedu yahay mid aad sareeya

 

Haddii Aan nahay Bahda hobyoradio waxaan umahad celinaynaa walaalaha Gabdha Norweyn ee Deeqda Gaarsiiyay Agoonta Magaalada Gaalkacyo Ee GalMudug ILAAH ajar iyo xasanaad badan ha idinka Siiyo

 

 

W/D/Wariye Cabdalla M.C/lle

Hobyoradio Galkacyo

GalMudug State SOMalia

Mobil:002529 752260

 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com