Wajigii 2aad ee lagu dhex dhexaadinayay Beelaha  Walaalaha ah ee wada daga Gobalada Mudug & Galgaduud  oo heshiis la dhex dhigay. Daawo Sawirada

July,11,2008  www.Hobyoradio.com

Waxaa dhawaan la soo gaban gaban gabeeyay Wajigii 2aad ee lagu dhex dhexaadinayay Beelo Walaalo ah oo ay Dhamaad kii Sanadii 2004 ILLaa Bilawgii Sanadii 2006 Dagaalo ku Dhexmareen Qaybo ka Tirsan Gobalada Mudug & Galgaduud

Xuquuqda Sawirada iyo Warbixinta Waxaa wada leh Wariye  Max'ed C/laahi Boqorka IYO Cabdalle Max'ed C/lle  By C/aziiz Xogolof

Wadahaladaan ayaa Waxaa Soo Qaban Qaabiyay Culimo Awdiin Udhashay Beelaha ay Coladu ka Dhextaag nayd Mudada Kabadan 4 Sano
Wajiga 2aad ee Wadahadalada ayaa Kadhacay Deegaanada Wankiir,Baxdogaabo,Docoleey,Dagtuur,&Waliba Deegaano ku Xeeran Deegaanadaasi Majirin Wax Dagaalo ah oo Xiligaan ka Soconayay Deegaanadasi hasayeeshee Waxaad dareemaysaa marka aad tagtid halkaasi in ay jirto Baqatin iyo Is aamin daro ka dhextaagan dad kaasi Wada Dhashay ee ay Colaadu Dhexmartay  Meelaha Tuulooyinkaa oo ay wada hadaladu ka dheceen ayaa lagu Arkayay kahor intii aan Laheshiisii Dhalinyaro ay dhaqan u noqotay Sidashada Qoriga iyagoona kuu sheegaya marka aad la sheekaysatid in ayqoriga is kaga Waardiyaynayaan beesha kale ee hadba ka soo horjeeda.

 


 

 Qodobadii Laisla Gartay

 
Ku lankaasi oo ka dhacay dagmada Baxdagabo ayaa la is ku afgartay Qodobo Muhiim ah oo ay Kamid ahaayeen
1- In Lagu Dhaqmo la iskuna xukumo shareecada islaamka
2- In Lawadago Deegaana ay Dirirtu ka dhacday
3- In Lagawada Shaqeeyo Ilaalin ta Nabadda
4- In Wixii xisaab tan ah dib la iskaga yimaado


Iyadoona halkaasi la dhigay Ciidamo hoostaga culimadii Waday Howsha Dhedhexaadin ta iyo Waliba Gudi ka Socda Dadka Deegaan ka
Dadaaladaan Nabadaynta ah ayaa waxaa is Wayn u soo dhaweeyay Wad kii ku Noolaa Goobahaasi oo ay colaad so keeye ku Raagtay iyo Waliba dadka waxgarad ka ah ee kunool Gobalada Mudug &Galgaduud
Dhaqaalaha howshaani lagu waday ayaa Waxaa ku Deeqay Jaaliyada Dibadda ee ka soo jeeda Mudug iyo Galgaduudd Qoor kood Iyadoona kulan kaasi oo uu goob jog ka aha c/lahi shire cagay oo ka socday Jaaliyada dibadda Gal-mudug Ugu dan bayn tii Kulan Kaasi oo ay Joobgog ka Ahaayeen Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowlad Gobaleed ka Gal-mudug ayna Siwayn u soo dhaweeyeen Go’aanadii ka soo baxay kulan kaasi ayaa ku Soogaban Gaboobay Jawi is Afgarad leh.

 

Wariye  M.C/laahi Boqorka

Cabdalle M.C/lle
 
Hobyoradio Galkacyo GalMalia

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com