![]() |
||
|
|
||
|
Kulan Ay Manta Isuguyimaadeen Golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedka Galmudug Ayaa Kadhacay Xarunta Madaxtooyada Galmudug Ee Magaalada Gaalkacyo
July,10,2008 www.Hobyoradio.com
Kulankaan oo ahaa mid albaabada uxiranaayeen ayaa waxaa kasoo qeybgalay dhammaan golaha wasiirada Galmudug ee kusugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug
kulankaas ay manta yeesheen golaha xukumada dowlad gobaleedka Galmudug ayaa waxaa shir gudoominayey kusimaha madaxweynaha Galmudug mudane Cabdi samad Nuur Guuleed iyadoo kulan kaasi kadib uu saxaafadda lahadlay afhayeenka dowlad gobaleedka Galmudug Axmad Maxamad Baasto oo sheegay ujeedadii kulan kaan loo qabtay in ay ahayd la wareegida daqliyaadka oo haatan ay gacanta kuhayaan gudiyadii ganacsatada ee lagu doortay shirweynihii degmada Bandiiradleey, sidoo kale wuxuu afhayeenku intaas raaciyay in dhawaan dawlad goboleedka Galmudug ay la wareegi doonto dhamaan hawlihii ay gudiyada Bandiiradley lagu soo magacaabey hayeen.
Liibaan Ciise Cumar Galkacyo, Galmudug State of somalia Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||