![]() |
||
|
|
||
|
Xubna ka tirsan Maamulka Galmudug State oo Canbareeyay falkii lagu dilay Nabadoon Cali Jaamac Biixi
July,10,2008 www.Hobyoradio.com
Maamulka Galmudug State ee magaalada Gaalkacyo ee xaruunta gobolka Mudug oo ugu horeeyo af hayeenka maamulka Galmudug state Axmad Maxamad Baasto
Iyo gudoomiye kuxigeenka gobolka Hobyo Cabdulaahi Yusuf Digsi, ku simaha wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Galmudug state Cabdulaahi Aadan Xuseen Col. Ciro Oo caawa ka qayb qaadanayay barnaamjika falaqaynta oo kabaxay idaacadda codka Mudug ee magaalada Gaalkacyo ayaa wax laga xumaado iyo fal aad ufool xun ku tilmaamay dilkii loo gaystay allaha unaxa riistee nabadoon Cali Jaamac Biixi oo xalay kooxa hubaaysan ku dileen saladii subax kadib mar uu ka soobaxay masjid layirado Salaama oo kuyala waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xaruunta goblka Mudug Masuuliyiintan oo sheegay in ka xunyihiin ayagoona ugu baqay inay joojiyaan cida ka danbaaysa falkaan foosha xun ee loo gaysanayo dadka wax galka ah oo maanta ugu danbaysay lagu dilay nabadoon Cali Jaamac Biixi Hadalada masuuuliyiintan ayaa waxaay ku soo beeg maysaa xili magaalada Gaalkacyo ay ka jiraan falal amaan xuma oo aad ubalaran ku waas oo ku soo badanaya gudaha magaalada Gaalkacyo ee xaruunta gobolka Mudug Maahan markii ugu horaaysay ee lagu dilo gudaha magaalada Gaalkacyo daka ayagu laf dhabar ta u ah umada soomaaliyeed ee iayagu ka daalay dagaalada foosha xun ee kajira wadan ka Soomaaliya Magaalada Gaallkacyo ayaa waxaa aay habeenimadii ugu danbaaysay ka jiray bandow gaar ahaan waqooyiga oo ay ka taliyo maamulka Puntland ”waxaa kaloo jiray bandoow ka jiray Kofurta magaalada Gaalkacyo kaa soo aay si wayn u adkeeyeen ciidanka maamulka Galmudug state ayagoo wax waayn ka qabtay nabad galyo Cabdalla M.C/lle Hobyoradio Galkacyo GalMudug SOMalia Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||