Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

MSF PRES RELEASE: Cholera ‏ Shuban  ka dilaacay Kismayo

July,10,2012 www.Hobyoradio.com

MSF PRES RELEASE: Cholera ‏ Shuban  ka dilaacay Kismayo

MSF waxey ka hortageysaa shuban ka dilaacay magaalda Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya oo saameeyey caruurta iyo dadka waaweyn. Waxaan maalin walba jiifinnaa bukaan hor leh. Kismaayo waa magaalo aad u dad badan sidaa darteed waxaa jirta khatar taasoo ah in cudurka uu si dhakhsi ah ugu faafo bulshada dhexdeeda.

Baartitaan degdeg ah oo lagu sameeyay 10 bukaan ayaa muujinaya in 6 ka mid ah ay qabaan cudurka koleeraha. Marka laga yimaado 65 bukaan ah oo la daaweeyey ilaa hadda, 40 ayaa waxay la dhibanaayeen fuuq bax daran una baahdeen daaweyn degdeg ah. Bukaankan itiisa badan waa caruur da’adoodu ay ka hooseyso 8 sano jir.

Shubanka biyoodku waa cudur si dhakhsi u faafi kara oo khatar ah haddii aan wakhti haboon lagu daaweynin. Haddii aan tilaabooyin ka hortag ah la sameynin cudurku aad ayuu u faafi karaa.

Sida ugu haboon ee loogu hortagi karo cudurka koleeraha waa in daawo lagu shubo goobaha ay dadka ka helaan biyaha la cabo iyo in nadaafadda si heer sara ah loo ilaaliyo. Laakiin, goobtan daawada biyaha lagu daro ee la yirahda koloriin (chlorine) lama ogolo in la isticmaalo. Howlwadeenada caafimaad ee hay’adda MSF oo bulshada ka dhex shaqeeya waxey dadka kula dardaarmayaan in biyaha ku miiraan mar suuf nadiif ah, ka dibna ay kululeeyaan ka hor inta aysan isticmaalin. Waxaa sidoo kale loo baahanyahay in gacmaha saabuun lagu dhaqo mar walba.

Xarun ku meel gaar ah oo lagu daaweeyo cudurka koleeraha ayaa laga sameeyay mid ka mid ah xarumaha caafimaad ee hay’ada ay ku leedahay Kismayo, laakiin 20ka sariirood ee xarunta yaala hadda waxaa buux dhaafiyey 36 bukaan ah kuwaas oo daaweyn ay u socoto, waxaana loo baahanyahay xarun weyn oo lagu daaweeyo tirada bukaanka oo sii kordheysa.

2 ka mid ah shaqaalaha MSF ayaa laga afduubtay xerada Dhadhaab, dalka Kiinya bishii Oktoobar sanadkii hore, waxaana la aaminsanyahay in lagu haysto dalka Soomaaliya. Ilaa inta arintan laga xalinayo, balaarinta howlaha caafimaad ee MSF waxey ku eg yihiin ka hortagga xaaladaha degdegga oo kali, sida tan haatan ka jirta Kismaayo.

Inkastoo MSF ay aad uga walwalsatahay shaqaalaheeda lagu haysta Soomaaliya in ka badan 9 bilood, hadana kama jeesan karno masuuliyadda anaga oo ah bixinta gargaar caafimaad ee baniaadamnimo, taas oo ah in bukaanka la daaweeyo marka ay jirto xaalad degdeg ah.

Waxaan ka ugu baaqeynaa dhamaan Soomaalida leh karti ay kaga qeyb qaataan dadaalada siidaynta shaqaalaheena in ay doorkooda ciyaaraan oo si loo suurto geliyo sii deyn nabdoon ee xubnaha shaqaalaheena MSF.

MSF waxey ka shaqeysaa xarumo Kismaaya ku yaala oo bukaan jiif iyo bukaan socod ah oo  lagu daaweyo caruurta ay saameysay nafaqa darada iyo jadeecada tan iyo bishii Disembar sanadkii tagey.

MSF haatan waxey ka shaqeysaa xarumo ku yaala 22 deegaan oo ka tirsan Soomaaliya. Qeyba badan oo ka tirsan dalka waxaa saameyay xalad daran ee baniaadamnimo, oo ay sababeen barakac,nafaqa daro,cuduro dilaacay iyo helitaanka adeeg samafal ah oo adkaatay xaaladda amaan darada awadeed. MSF waxey sidoo kale caawisaa boqolaal kun oo qaxooti Soomaali ah oo ku sugan xeryaha dalalka jaarka ah ee Itoobiya iyo Kiinya.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|