Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Jaamacada Mudug iyo Wasaarada Shaqada iyo dhalinyarada oo tababar soo gabgabeeyay

July,10,2012 www.Hobyoradio.com

Jaamacada Mudug iyo Wasaarada Shaqada iyo dhalinyarada oo tababar soo gabgabeeyay.

Waxaa magaalada Gaalkacyo ee Caasimadda Galmudug soo gaaray wafti ka socda Ururka dhalinyada Soomaaliyeed ee Jaamacadaha dalka Ingiriiska marka la soo gaabiyo loo yaqaan UKSS (United Kingdsom Somali Students). Waftiga oo ka koobnaa laba xubnood oo kala ahaa Maxamed Diini oo ka soo safray dalka Mareykanka iyo Maxamed Xasan oo ka soo safray dalka Ingiriiska.

Waftigu waxay qorshahiisu wuxuu ahaa in ay booqdaan jaamacadaha ay aqoonsan yihiin , jaamacadahaas oo ardey dhigatay qaarkood ay ururka UKSS ka kaalmeeyo xagga waxbarashada ayagoo siiya deeqo wax barasho. Jaamacadda Gaalkacyo (GU) oo ka mid ah jaamacadaha ay deeqda siiyaan , waxaa wax ka bartay 20 ardey oo ay wax barashada ka bixIyaan UKSS, sidaas daraadeedna waxay Gaalkacyo u yimaadeen in ay u kuur galaan wax barashada ardeyda guud ahaan , siiba kuwa ay wax ka bixiyaan gaar ahaan.

Waftiga waxaa diyaaradda uga hortagay si wanaagsan u so dhaweeyey Maamulka Jaamacadda Gaalkacyo iyo ardey farabadan oo ka socota Jaamacadda Gaalkacyo oo uu hogaaminayo gudoomiyaha jaamacadda Prof. Cabdulqadir Shirwac. Waxaa loo soo galbiyey waftiga Jaamcadda Gaalkacyo, ayagoo si wanaagsan loogu soo wareejiyey , waftigu waxay shirar la qaateen ardeydii ay wax barashada siiyeen, iyo maamulka jaamacada intaba. Waftigu waxay ka qayb qaateen dhisme cusub oo jaamacadda loo dhisayo ay ay saacado ka shaqeynayeen, waxayna aad ugu bogeen sida maamulka jaamacaduu ugu dadaale horumarinta waxbarashada ardeyda guud ahaan.

Waftiga oo maalin ka dib uu gudbay Garoowe si ay soo booqdaan jaamacado kale oo ay xariir wax barasho la leeyihiin, aya mar kale dib ugu so laabtay Jaamacadda Gaalkacyo maalmo ka dib, waxayna kula dardaarmeen ardeyda Jaamacadda Gaalkacyo in ay dadaalkooda sii kordhiyaan. Waxay waftigu muujeen sida ay ugu qanceen waxbarashada jaamacadda Gaalkacyo ayagoo ka dhawaajiyey in ay soo mareen ilaa toban jaamacadood oo dalka ku yaala, Jaamacadda Gaalkacyana ay tahay jaamacadda Kaliya oo ay ku arkeen macalimiinta ajnabiga ahayd ee ugu badanayd.

Waxaa markay dhofayeen sii sagootiyey maamulka jaamacada iyo macalimiinta.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|