Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Munaasabadda 1-da july oo si Wayn Looga dabaal dagay Magaalada Hyderabad ee Dalkan India.

July,10,2012 www.Hobyoradio.com

Munaasabadda 1-da july oo si Wayn Looga dabaal dagay Magaalada Hyderabad ee Dalkan India.

Munaasabada 1-da july ee ah Maalinta xornimada dalka Somalia iyo israacii Gobolada Waqooyi iyo Koonfur ayaa lagu qabtay magalada Hyderabad ee Dalkan India.

Munaasabadan oo wax badan kaga gadisanayd munaasabadihii horay uga dhici jiray Magaaladatan Hyderabad iyo Guud ahaan dalkan India, ayay kazoo qayb galeen in ka badan 500 qof oo isugu jira Waalidiin, Culumaa’udiin, Dhalin yaro iyo Caruur Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalkan India.

Furitaankii Munaasabadan waxaa hadal kooban oo isugu jirta Mahad celin, Hambalyo, iyo Wacdi halkaasi ka jeediyay Lataliyaha Guud ee Ururka Surad Students And Community Organization (SS&CO) Sheikh Tahliil Hassan Mohamed oo kamid ah Culumaa’udiinka Magaalada Hyderabad kana mid ah Madaxdii Gudiga qaban qaabada ee Barnaamijkaasi. Sheikh Tahliil ayaa Ugu horaynba ka hadlay Dadaalkii loo soo galay qabsoomida barnaamijkan asagoo u mahad celiyay Qaban qaabiyayaashii Munaasabaddan ee Madaxda Ururka Surad Students & Community Organization (SS&CO) iyo sidoo kale u mahdceliyay Marti sharaftii kazoo qayb gashay barnaamijkaasi.

Waxaa si Xamaasadaysan Mar Qudha loogu wada kacay Heesta Calanka ama Astaanta Calanka Somliyeed oo Wajiyadii Kasoo qayb galay Munaasabadaasi ay ka Muuqatay Qiiro Saa’id ah.

Marti Sharaftii goobtaasi ka hadashay waxay dhamaantoodba ku dheeraadeen Sida ay Somalida ugu wayntahay Maalintan oo kale iyo Sida looga baahanyahay in dhalinyarada Somaliyeed ay si dhab ahi Wadanka Uga Xoreeyaan Cadowga Isugu jira Mid shisheeye iyo Sokeeye Intaba.

Hooyo Faadumo maxamed (Faadumo Olol) Oo Ka mid ahi Hooyooyinka sida aad ka ahi Looga Qadariyo Magaaladatan Hyderabad ayaa ku dheeraatay Qiimaha Malintan uu leeyahay iyo Sidoo kale ayadoo ka sheekaysay qayraadka u baahan in looga faa’ideeyo shacabka somaliyeed, waxay sidoo kale ku dheeraatay dhiiragalinta Ardayda Somaliyeed oo ay kala hadashay Qiimaha ay leedahay waxbarashada iyo Inay Yihiin Mustaqbalkii Berrito ee Wadanka.

Sidoo kale Baraanbur ka hadlaya xaaladda dalka uu marayo iyo Duco ayay halkaasi ka soo jeedisay Maamo Xaawo Bulshaale oo ka mid ah Hooyooyinka ku dhaqan dalkan India.

Waxaa sidoo Kale Dhanka Taleefanka Kaga qayb qaadatay Munaasabadda 1-july safiiradda Somalia u fadhisa Dalkan India Mss Ebyan Mohamed Saalah oo ku sugan Dalka Canada.

Safiiradda oo Muujisay Sida ay uga xuntahay Inaysan Goob joog u ahayn Munaasabaddan arimo la xiira Qalin jabinta Inanteeda yar ee ku Sugan Dalka Canada.

Safiiradda oo hadaladeeda waxaa ka mid ahaa “Waxaan marka hore rabaa inaan mahad gaara u soo jeediyo dhammaan intii soo agaasintey xafladatan, gaar ahaan ururka waddaniga ah ee Surad Community Organization oo Safaaradda Somaliyeed ee India si weyn ugu xiran, xilka aad iska saarteen isku duba ridka iyo ka miro dhalinta xafladdatan oo caawa loogu dabaal degayo kontan iyo laba guuraddii ka soo wareegatey markaynu qaadaney xorriyaddeena, oo markii ugu horeysay calankeena laga dhidbay ciiddeena qaaliga ah June 26, iyo isu taggeenii ama Unitigii Kowda July, 1960.

Safiiradda Somalia ee Dalkann India Mrs, Ebyan Mohamed Saalah oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri “Waxaan qabaa in dareenkii iyo waddaninimadii habeenkaas ku jirtey ama ka muuqatey ummaddii Somaliyeed oo markaa joogtey, ama aan iraahdo dhalinyaradii Somaliyeed ee keenay xorriyadda oo indhahooda kor u eegayeen markii la dajineyey calankii gumestaha, lana saarey calankeena baluugga ah ee xidigtu dhexda kaga taal, inaanay noqon mid la ilaaway, balse ay tahay mid jiilba jiilka ka danbeeya ay sii weyneeyaan, kuna faanaan inay yihiin ummad jirta, ogna in madaxbanaanideenana loo huray naf, maskax iyo maal, oo aysan ku imaan haddiyad gumeystihii na siiyey.

Waxaa sidoo kale Goobtaasi lagu Gudoonsiiyay koob loogu talagalay Munaasabadda 1-da july Kooxda Rethipowli oo ayadu ku Guulaysatay Cayaar Kubadda Cagta ahi oo loogu talagalay U dabaal dagida Maalinta Xornimada ahi.

Sidoo Kale waaxa iyagana Shahaadada Dugsiga Sare lagu gudoonsiiyay Ardaydii Sanadkan Dhameesatay Dugsiyada Sare (Intermediate School) ee Waxbarasho ee Dalkan.

Dhanka Madadaalada waxaa Lagu soo bandhigay Riwaayad Qiira galisay Dhamaanba Daawadayaashii Iyo Marti sharaftii Barnaamijka 1-da july oo loogu Magac Daray DALKA IYO DADKA oo soo Alifay Abwaanka da’da yar eeLuqmaan Cade.

Gabagabadii Munaasaban ayaa waxaa si Niyad Sami ah loo Saaray CALANKA SOMALIYA ayadoo kazoo qayb galayaashii wajiyadooda laga dheehan karay Qushuuc Dheeraad ah ayagoo ku luqaynaya Astaanta Heesta Calanka.

Sidoo kale Intii lagu guda jiray Saarida Calanka waxaa gabaygii caanka ahaa ee ( Sareeyoow Ma Nusqaamoow Kanna Siib Kanna Saar) halkasi ka aqriyay Macalin Yuusuf Cabdi.

Gabagabadii barnaamijka waxaa Hadal xiritaan ahi goobtaasi kazoo jeediyay gudoomiyaha Ururka Surad Students& Community Organization (SS&CO) oo ugu hambalyeeyay Dhamaan Somali wayn Munaasabadan Qaaliga ah, isagoo sidoo kalena u mahad celiyay Shirkada taleefanada ee Mufakar Telecomunication oo qayb wayn ka qaadatay Qabsoomidda barnaamijkan, Gudoomiyaha ayaa sidoo kale u mahad celiyay Kasoo qayb galayaashi Munaasabadan 1-da july.

Najiib Abdirizak warsame ( Najiib yare)

Hyderabad- INDIA

Email : Najiibyare4@hotmail.com

Mobile: 0091-9618398299

001-6157523192

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|