Jaaliyadda Holand oo daawatay Film laga duubay degaanadda GalMudug

Jun,9,2008  www.Hobyoradio.com

Jaaliyadda Galmudug State ee Holand ayaa  kulankii ugu balaarnaa uga hadlay sida ugu haboon ee gacan looga geysan karo degaanadda dowlad goboleedka GalMudug State.

Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen gabdhaha GalMudug ee Magaaladda Rotterdam ayaa warbixin looga dhageystay Duraan Cali Dabaadi oo ah Gudoomiyaha Hay'ada Hobyo Relief and Development.


Duraan Cali Dabaadi wuxuu Jaaliyadda Holand hordhigay Film dheer oo uu ka soo duubay dhamaan degaanadda Galmudug sida,Galkacyo,Hobyo,Wisil,Xera dhagaxleey,Budbud,Afbarwaaqo,Gelinsoor iyo degaano kale oo badan.

Socdaalkii uu Duraan ku maray deegaanada Galmudug Statehttp://www.hobyoradio.com/12,21,71HR-Sosda.htm 


Film-ka Duraan oo intiisa badan diiradda lagu saarayay Dugsiyadda Waxbarashadda,Xarumaha Caafimaadka,Nabadgelyadda iyo nolosha qoysaska xoolaleeyda,waxaa uu tiiraanyo geliyay dhamaan bulshadii kulanka isugu timid,waxaana kadib la guda galay dooda la xiriirtay sidii Jaaliyadda Holand ee GalMudug u taageeri lahayd ololaha lagu hormarinayo nolosha shacabka iyo degaanadda GalMudug State.

Daawo Socdaalkii Duraan Cali ee Isbitaalka Gaalkacyo Galmudug State http://www.hobyoradio.com/11,23,71Galkacyo.htm


Marwo Raabico Xasan Cadde Faqi oo gudoomineysay shirka Jaaliyadda ayaa ka hadashay taariikhda degaanadda GalMudug ee berrisamaadkii,waxayna ku boorisay dadweynahii ka qeybgalay kulanka inay u istaagaan sidii hiil iyo hoo loola garab istaagi lahaa dowlad goboleedka GalMudug.

Daawo socdaalkii gudomiyaha Hobyo Relief Duraan Cali Dibaadihttp://www.hobyoradio.com/1,14,81SYL.htm


"Waxaan ugu baaqayaa dhamaan Shacabka GalMudug dal iyo dibad meelkasta oo ay joogaan inay u istaagaan waxqabadka dadkooda iyo degaankooda,waxaana wax lagu farxaa israaca iyo isku duubnida dadka reer GalMudug"ayey tiri Marwo Raabico Xasan Cadde Faqi.


Xasan Aadan Cadde (Don't Worry) oo ka hadlay kulanka Jaaliyadda ayaa u mahadceliyay gabdhaha Rotterdam ee qabanqaabiyay,wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay mar walba in la garab istaago ololaha horumarinta GalMudug.


"GalMudug State way dhaqaaqday,waxaana farxada in shacabka u dhashay maanta gacmaha is heysto oo dal iyo dibadba u ololeeynayaan sidii loo hormarin lahaa,dhankasta,sidaas daraadeed hadii aan nahay Jaaliyadda Holand,waxaanu ka mid noqonay Jaaliyadaha la diyaarkaa hiil iyo hoo,waanu tageeynaa,oo booqaneynaa degaanada aan u dhalanay"ayuu yiri Xasan Dont Worry.


Marwo Maryan Cilmi (Faataxo) oo ka mida gabdhaha Rotterdam ee qabanqaabiyay kulankaas ayaa hadal qiiro xambaarsan u jeedisay dadweynahii ka qeybgalay.


"Waa inaan kulamada joogteeyno,waa inaan bil walba gacan ka geysano dhaqaalaha gunooyinkaa ee Mushaaraadka Macalimiinta Waxbarashadda ,askarta amaanka sugaya,waxaana ugu baaqayaa dhamaan Gabdhaha GalMudug ee qurbaha ku nool inay dadaalkooda sii labalaabaan oo weliba GalMudug booqdaan,kana dhigtaan degaan"ayey tiri Marwo Faataxo.


Mas'uuliyiinta Jaaliyadda Holand ee ka hadashay kulankaas waxaa kale oo ka mida:-
1-Abshir Faarax Cawaale,2-Xareed Xaashi Diini,3-Aamina Sheekh Labaale,4-Farxiyo Gureey Ashkir,5-Canab Adan Goleey,6-Muna Xuseen Xasan,7-Xaawo Ciisse,8-Xaliimo Cabduqadir Warsame,9-Abdi Salaan Abdulle Alasow

Dahir Abdulle Alasow
Associated Somali Journalists ASOJ Chairman

Tel: +447939046530

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com