![]() |
||
|
|
||
|
Wareegto Ka Soo Baxday Xaafiiska Kusimaha Madaxweynaha Galmudug Oo Lagu Magacaabay Xubno Cusub Oo Ka Mid Noqon Doona ha’yadaha Dawliga Ee Galmudug State.
Jun,9,2008 www.Hobyoradio.com
Wareegto Ka Soo Baxday Xaafiiska Kusimaha Madaxweynaha Galmudug Oo Lagu Magacaabay Xubno Cusub Oo Ka Mid Noqon Doona ha’yadaha Dawliga Ee Galmudug State.
Wareegto Maanta ka soo baxaday xaafiiska ku simaha madaxweynaha Galmudug State Mudane C/Samad Nuur Guuleed ayaa waxaa lagu magacaabay xubno cusub oo ayagu ka mid noqon doona Ha’adaha dowliga ah ee ay leedahay dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug State. Wareegtadaan oo nuqul kamid ah uu soo gaaray hobyoradio ayaa waxa ay uqornayad sidaan: Sii hayaha xilka madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug markuu arkay Qodobka 49 aad, Farqada 2aad ee axdiga Galmudug. Markuu arkay Baahida Loo Qabo In si Deg deg ah Loo Dhiso Hay’adihii Dawladda Markii uu Talo Soo jeedin ka helay Qaybaha Dawladda ee kala gadisan. Wuxuu soo saaray Magacaabistaan Magacaabis Xilka Afhayeenimo Laga bilaabo manta oo ay taariikhdu tahay 7/6/2008 waxaa la magacaabay xubno cusub oo kala ah. 1- Mudane Axmad Maxamuud Xasan (Baasto)-Xilka Afhayeen ka Dowlad Goboledka Galmudug 2- Mudane C/laahi Xasan Cilmi (Faradiid)-Xilka Wawasiir ku xigeenka Boostada iyo isgaarsiinta 3- Mudane C/laahi Aadan Xuseen (Cirro)-Xilka Agaasimaha Guud ee wasaarada arimaha gudaha. Qod-2aad Dhaqan gal Magacaabistani waxay dhaqan galaysaa maalinta lasoo saaro lagana siidaayo qalabka warbaahinta Cid kasta waxaa waajib ku ah in ay dhowrto, dhaqan galisana Waxaa wareegtadaan ku saxiixan Mudane C/Samad Nuur Guuleed Kusimaha Madaxwaynaha
Cabdalla Max’d Cabdille Hobyoradio Galkacyo Mobail:0025290 752260 Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||