|
Booqashaddii madaxweynaha Galmudug ee dalka Finland. Daawo Sawirada.
Jun,9,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug
Dhagayso
wararkii
Idaacada
Hobyo ee
Jan,19,2010
Dhagayso
Booqashaddii madaxweynaha Galmudug ee dalka Finland. Daawo Sawirada.









M/weynaha iyo qaar kamid jaaliyada Finland oo hotelka wadafadhiya


Masuul Finland iyo M/weyne Max'ed Ahmed Caalin




Waxaa booqasho taariikhi ah ku yimi dalkan Finland madaxweynaha Galmudug mudane Maxamed Axmed Caalin, soo dhaweyntii madaxweynaha waxaa ka soo qeybgalay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadda soomaaliyeed ee dalkan Finland.
Soo dhaweyntaa ka dib, waxa uu madaxweynahu ka qeybgalay shirweyne uu kula kulmay qeybaha kala gedisan ee soomaalidda Finland ku nool, kulankaas waxaa lagu qabtay xarunta shirarka caalamiga ah ee Pasila, taas oo ah goob lagu qabto shirarka madaxda midowga yurub, sidoo kale waa goobtii ay ku kulmeen madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka. Kulankaas taariikhiga ah waxaa khudbooyin ka soo jeediyey daladda jaaliyadaha soomaalidda (somaliliitto), jaaliyadda Somaliland, jaaliyadda Puntland, odayaal dhaqameedyo, aqoonyahano iyo dhalinyaro. Waxaa dareenka ka soo qeybgalayaasha kicinayey Baraanburo ay halkaas ka soo jeedinayeen hooyooyin soomaaliyeed. kulankaas waxa uu ku soo gabagaboobay khudbad taariikhi ah oo uu halkaas ka soo jeediyey madaxweynaha Galmudug mudane Maxamed Axmed Caalin, taas oo dulucdeedu ay aheyd in la taageero maamulka iyo nabadda ka jirta Galmudug.
Mudaddii ay joogeen wafdiga uu hogaaminayo madaxweyne Maxamed Axmed Caalin waxa ay la kulmeen masuuliyiin sarsare sida wasaaradda arrimaha dibadda ee Finland, baarlamaanka Finland iyo heyadaha samafalka. Dhammaan madaaxdii uu la kulmay waxa ay garowsadeen muhiimadda ay leedahay in la taageero maamulka iyo nabadda ka jirta Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug mudane Maxamed Axmed Caalin mudaddii uu joogay dalkaan waxa uu hoteelkii uu degganaa oo five star ahaa kulano gooni gooni ah kula yeeshay siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo kala duwan, waxa ayna dhammaantood kula dardaarmeen xoojinta nabadda iyo ka qeybqaadashadda xal u helidda mushkiladda ka aloosan soomaaliya.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Galmudug mudane Maxamed Axmed Caalin oo u kicitimayey ka qeybgalka shirka arrimaha soomaalidda ee Lund, waxaa ku sii sagootiyey garoonka diyaaradaha Helsinki airport dadweyne aad u farabadan.
Waxaa nasoo gaarsiiyay Aqoonyahan
Bile Axmeddaahir Xasan
Helsinki , Finland

 
|