|
WAR-MURTIYEEDKA:-DHAQ-DHAQAAQA SOMAALIYEED NABADDA, MIDNIMADDA IYO CADAALADDA.
Jun,30,2012
www.Hobyoradio.com


WAR-MURTIYEEDKA:-DHAQ-DHAQAAQA SOMAALIYEED NABADDA,MIDNIMADDA IYO CADAALADDA.
Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo
Nabadgelyo(Suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa)
Alloow Raxmadaada,Dembi dhaaf iyo Cadaab ka xoreeyntaada
bisha barakeeysan awgeed(Ramadaanka Kariimka ah)noogu
deeq Alloow(aamiin-Aamiin-Aamiin).
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo Cadaalada
codka somaalida caafimaadka qabta lehna dareenka,damiirka
iyo dadnimadda diin,dal iyo walaalnimo jaceylka leh,kuwa
sida joogtada ah u diidan gun-nimada,gumeeysi hoos jooga iyo
is-dhiibida ayaan daradeeda leh,marka koowaad waxaan halkan
uga soo gudbineeynaa guud ahaanba bulsho-weynta somaaliyeed
hambalyada sanad-guurada 52-naad ee ka soo wareegtay xornimada
qaaliga ah(26-kii June dhanka Waqooyiga iyo 01-dii Jullay ee
dhanka koonfurta sanadkii 1960-kii)Inshaa Allah sharaftii iyo
milgo gobeedkii qarameed wey soo noqon,gunimona weey dhammaan.
*Marka Labaad-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si diiran u soo
dhoweeynaayaan una taageersan yihiin hanaanka wada hadalka u
dhexeeya Dowladda KGM ah iyo Maamulka S/Land kana dhacay London
UK qodobadii ka soo baxaeyna eey si wada jir ah u saxeexeen:-
Madaxweyne Somaliyeed-Mudane-Sh.Shariif iyo Madaxweynaha Maamulka
S/Land-Mudane-Axmed Siilaanyo,waana tallaabo ahamiyadeeda leh oo
aan ka rajeyneeyno in guulo danta guud ku saleeysan ka soo baxaan.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed soo dhoweeynta kulamadaas kadib marna
kama tanaasuli karaayo mana ogolaanaayo wixii ka baxsan qaranimo
buuxdda,midnimo hab cadaaladeed,hanaan dawladladeed Fadaraal ah
oo dastuurku si cad u qeexaayo waajibaadkooda(cod dadweyne lagu
ansaxiyo).
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si weyn u soo dhoweeynaayaa
go'aamadii qiimaha weyn lahaa oo ka soo baxay shirkii Istanbuul
oo sida cad u taageeray midnimadda somaaliyeed,awooda soo xulida
ergooyinka ansaxiinta dastuurka iyo soo xulida Xildhibaanada cusub
siiyeey Odayaasha dhaqanka somaliyeed,waana talaabo guusheeda leh.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si weyn uga digaayaan in fara-
gelin lagu sameeyo howlaha madaxa banaan ee Odayaasha dhaqanka
anagoo shaki weyn ka qabna ujeedada loo sameeyeey gudiga farsamo
oo ka kala socda kooxdda saxeexayaasha keliya laguna inqilaabay
gudigiii madaxa banaanaa ee dastuurka soo qoray,anagoo mar walba
ku adkeeyneeynaa:-Odayaasha dhaqanka iyo Culimaa-udiinka somalia
in eey ka digtoonaadaan guud ahaanba wixii lidku ah shareecadda,
Qaranimadda Somaaliyeed ama wixii hab sed-bursi ku saleeysan oo
dastuurka ku jiri karaaya.
*Dhaq-dhaqaaqa Soomaaliyeed waxeey ku boorinaayaan Odayaasha
Dhaqanka in eey hab cadaalad leh ku soo xulaan Xildhibaanadda
Cusub ee barlamaanka mudnaantana siiyaan:-Daacadnimadda,Kartida,
Dareenka iyo Damiirka Wadaniyadeed iyo hufnaanta muwaadin-nimo,
kana illaaliyaan kuwo gacanta ku leh:-Colaadda sokeeye,dagaal
Oogayaasha,Shakhsiyaadka xatooyadda ku eedeeysan iyo kuwo ku
tiirsan(Wakaaladda u ah)Dowladaha deriska(gumeeysi raacyadda).
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si diiran u soo dhoweeynaayaan
guud ahaanba guulaha waaweyn oo Ciidmadda qaranka iyo kuwo Amison
gaareen hadii eey noqon laheyd:-goboladda Jubooyinka,Gedo,Bay iyo
Bakool,Banaadir,Sh.Hoose,Sh.Dhexe iyo gobolka Hiiraan iyo guulaha
Kooxdda Ahlu-sunna ka wadaan degaamadda G/Galgaduud,sidoo kalle
waxaa amaan iyo bogaadinba mudan gudoonka g/Banaadir oo wax weyn
ka qabtay soo celin bilicdii Caasimadda Muqdisho.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si toos ah u taageersan yihiin
in Dalkeena hooyo ka baxo marxaladan murugadeeda iyo mugdigeeda leh
marxaladan gun-nimada,hanto hanaankiisa dawladeed iyo karaamadiisa
ummadeed(20-08-2012 maqaamkiisa iyo xoriyadiisa buuxda gacanta ku
dhigo)hogaan daacad ah,wadani ah oo masuuliyadaas culus sida ku
haboon u gudan karaaya la soo doorto)Alloow sidii roon-aamiin.
-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud-Dhaqa-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda.
-June-28-2012.
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|