Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Madaxweyne Shariif oo gaaray degmada Balcad soo noqodkiina wadada loo galay.

Jun,30,2012 www.Hobyoradio.com

Madaxweyne Shariif oo gaaray degmada Balcad soo noqodkiina wadada loo galay.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa goor dhow gaaray degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo todobaadkii hore la wareegeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Booqashada Madaxweyne Shariif  oo ah tii ugu horeysay oo uu ku tago Balcad  tan iyo markii uu noqday  madaxweynaha DKG ah ayaa imaaneysa xilli ciidamada huwanta 26-kii bishan ka qabsadeen Xoogaga Al-Shabaab oo muddo ay maamulayeen.

Shariif ayaa gacan qaadayay dadweyne isugu soo baxay laamiga degmada Balcad, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay. Koox Wariyeyaal ah oo la socota Madaxweynaha ayaa sheegaya in Kolonyo ka tirsan kuwa AMISOM lagaga soo  gelbiyay Xarunta Madaxtooyada, Balcadna uu ku tagay safar dhulka ah.

Ciidamada DKG ah iyo kuwa AMISOM ayaa ku sugnaa inta u dhaxeysa Balcad iyo Muqdisho, oo ay hareeraha wadada ammaanka ay ku sugayeen. Madaxweynaha ayaa kulamo la qaatay Saraakiisha DKG ah, kuwa AMISOM iyo Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe oo dhowaan gaaray magaalada Balcad.

Shariif ayaa ugu dambeysay Balcad sanadkii 2006-dii, xilligii uu ahaa Hogaamiyihii Maxkamadaha, waxaana uu tagay markii Maxkamaduhu ka qabsadeen Muuse Suudi oo xilligaas maamulayay, maalmo kadibna waxaa uu tagay magaalada Jowhar oo bishii June 14-keedii laga saaray Hogaamiyihii hore Maxamed Dheere.

Ra'iisul Wasaaraha DKG ah ee Soomaaliya C/wali Gaas ayaa Balcad booqday galabnimadii 26-ka June, saacado kadib markii Ciidamada dowladda iyo AMISOM ay qabsadeen, isagoo booqashadiisa ku tilmaamay mid taariikhi ah oo ay ugu dambeysay 31-sano. Degmada Balcad ayaa u jirta magaalada Jowhar ilaa 60-KM, waxay Muqdisho waqooyi ka xigtaa 30-KM, waa degmadii labaad oo Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegaan muddo bil gudahood.

Dhinaca kale weerar ayaa lagu qaaday kolonyo kale oo Madaxweynaha u galbisay Muqdisho, kuwaasoo iyana markii ay soo laabteen lagu galay meel ku dhow deegaanka Ceel carfiid. Lama oga qasaaraha ka dhashay, hase ahaatee waxaa ilaa iyo hada naloo xaqiijiyay inuu dhaawacmay mid ka mid ah askarta dowladda, gaar ahaan kuwa Koofiyada cas ee ammaanka Madaxweynaha suga sidoo kale saraakiil ka tirsan DKG ah oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in weerarka uu ahaa mid aan sidaa u buurneyn, balse ay ku dileen saddex ka tirsan kooxihii weerarka soo qaaday.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa jiray weeraro NAabagal ah oo ka dhacayay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad oo Kolonyada Ciidamada dowladda lagu bartilmaameedsanayay.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo lagu qaado Kolonyada Madaxweynaha, iyadoo dhamaadkii bishii May weerar sidan oo kale intii ay ka soo laabanayeen degmada Afgooye jidka loo galay, iyadoo qof uu ku dhintay labo kale ay ku dhaawacmeen.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|