Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Qabanqaaba​da iyo diyaargaro​wga loogu jiro xuska munaasabad​da weyn ee 1-da July oo ka socota Galmudug.

Jun,30,2012 www.Hobyoradio.com

Qaban-qaaba​da iyo diyaargaro​wga loogu jiro xuska munaasabad​da weyn ee 1-da July oo ka socota Galmudug.

Qabanqaabada iyo diyaargarowga loogu jiro xuska munaasabadda weyn ee 1-da July oo ah markii ay xoroobeen gobollada Konfureed iyo israaci labada gobol ayaa laga dareemayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Galmudug.

Munaasabadda 1-da July oo ah mid aad ugu weyn quluubta ummadda Soomaaliyeed ayaa ah markii ay xoroobeen gobollada konfureed maalmo kadib markii ay xorriyaddooda heleen gobollada waqooyi 26-june kadibna ay 1-da Lulyo isku biireen halkaana ay ka dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana hadda qaban qaabadeeda ay ka socotaa xarunta Galmudug ee Gaalkacyo gaar ahaan Schoolka Hoose Dhexe iyo Sare ee C/laahi Ciise Iyadoo munaasabaddaasi ay tahay mid aan xuskeeda aysan u kala haridoonin shacabba  Galmudug ayaa haddana gudaha degmooyinka  waxaa ka socda qabanqaabada xuska munaasabaddaasi oo ah mid aad ugu weyn ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaanba.

Deegaanada Galmudug  isla xalay ayaaba laga dareemayay diyaargarowga xuska munaasabaddaasi oo waddooyinka waaweynyen ee soo gala Schoolka Hoose Dhexe iyo Sare ee C/laahi Ciise ayaa lagu xiray nalal midabo kala duwan leh oo kala jaad jaada ah, Calankeenna Buluugga ahna meel kasta wuu ka babanaya iyadoo markaad sare u eegto uu isbedelayo dareenkaaga qiiro wadadaniyad  waayo waxaa si macnawi ah kuugu muuqanaya halgankii dheeraa ee loo soo galay gobanimada iyo Calankeenna qiimaha badan oo halyeeyo badan oo Soomaaliyeed ay naftoodii qaaliga aheyd u waayeen.

Si kastaba ha ahaatee qabanqaabada iyo diyaargarowga loogu jiro xuska munaasabadda weyn ee 1-da July ayaa la filayaa in ay ka soo qayb galaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Galmudug sida madaxweyne kuxigeenka Galmufug ahna ku simaha xafiiska madaxweynaha md:C/samad Nuur guuleed iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug md:Xasan Maxamed Hayl iyo Ximno lake farabadan oo labada gole ah.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|